Laascanood Oo lagu qabtay Lacago Faalso Ah

Ciidanka Ammaanka ee magaalada Laascanood Ayaa maanta ku qabtay Kantaroolka Dhanka Bari Lacago Shilin-ka Somaliland ah oo Faalso Ah

Bosaso Oo Hawlgalo Ammaan Sugid Ah Laga Bilaabay

Xaafaddaha magalada Magaalada Bosaaso, ayaa waxaa saakay wakhtigii hore lagu arkayey Gawaaridda Cidamada Amaanka oo ay saaranyihiin Ciidamada Amaanka ee loo yaqaan PS ama Puntland Security, iyadoo ay baarayeen guryaha iyo goobaha kale ee ku yaala xaafadaha

Dilkii Al-Mabxuux

Maxamud al-Mabxuux, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Xamaas, waxa meydkisii laga helay bishii hore qol uu kaga jirey hudheel ku yaal Dubai. Waxana la rumaysan yahay in lagu diley shirqool ay soo maleegeen ciidamada MOSAD ee Israel Dhegeyso

Nabadoon Afguduud Oo Dowlada Codsi U Diray

Nabadoon Cabdicasiis Afguduud oo ka mid ah Issimada Puntland gaar ahan Gobolka Bari, ayaa ka codsaday Dowlada Cabdiraxmaan Faroole inay Sii deyso Ragg u sheegay inay dowlada u xiran yahiin oo Saddex ah, kuwasi oo ku jira Xabsiga Magaalada Bosaso

Ciidanka Ammaanka Bosaso Oo Dad Xirxiray

Ciidanka Ammaanka ayaa Gaari kala degay Afar dhalinyaro ah oo la sheegay inay ka yimadeen Tuulada Galgala,Halka mid kalena u ka baxsaday gacanta Ciidanka, Afartan Nin ee la qabtay ayaa lagu kala Magacaaba

Dadweyne Mucaaradad Kala Hortagay Wefti Uu Horkacayay Xoghayaha Guud ee UDUB

Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo Madaxa Ololaha Doorashada ee Xisbigaas Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi) oo maanta ku soo laabtay Hargeysa, ka dib markii ay socdaal ku soo mareen gobollada dalka qaarkood ayaa weji-gabax kala kulmay xaafado ka mid ah Magaalada Hargeysa

Cabdisamad Cali Shire ”Alshabaab Ayaa Dilalka PL Ka Dambeysa”

Madaxweyne Ku Xigeenka PL Cabdisamad Cali Shire oo Shir jaraa’id u qabtay Saxaafada kadib markii u Soo dhamaaday Shirkii Khamiislaha aha ee Golaha Wasiirada Puntland, Ayaa sheegay in Dilalka iyo Qaraxyada ka socda degaanada PL aay ka dambeyso Xarakada Alshabaab

Baarlamaanka Oo Dib Hawshiisi U Bilaabi Doona

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka KMG Ee Somaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in dhamaadka bishaan ay dib u bilaabmayaan Fadhiyadii Baarlamanku ku qadan jiray magaalada Caasimada Ah ee Muqdisho

Alshabaab Oo Dhooble Laga Saaray

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ku dhexmaray degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose Xarakada Alshabaab Iyo Maleeshiyo Daacad u Ah Axmed Madoobe

Dhaq dhaqaaq Ciidan Oo Ka Socda Muqdisho

Magaalada Muqdisho Ee Xurunta Somaliya ayaa waxa Maalmahan dambe sii weyn loga dareemaya Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo aay wodan Kooxaha isaga soo horjeeda Halkaasi

Dhaqanka Hawiye Oo Baaq Ka Soo Saaray Lamaanaha Ingiriiska

Gudoomiyaha Garab ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in kooxaha Heysta Lamaanaha Birtish-ka ah aay sii daayan Dhegeyso

Sheekh Xasan Daahir Oo Sheegay In Amisom Ulkac Aay U Xasuuqeyso Shacbiga Muqdisho

Sheekh Xasan Daahir Aweys Gudoomiyaha Ururka Xizbul Islaam Oo Maalinimadii Shalay ka hadlay Banaanbax aad u weyn oo ka dhacay deganka Ceelasha Biyaha ayaa ku Eedeyey Ciidanka Amisom Iyo Midowga Africa inay Raali ka yahiin Xasuuqa Ummada Somaliyeed

Wasiirkii Dhalinyarada Iyo Sportiga Ee DFKMG Oo Geeriyooday

Cadulaahi Colaad Rooble oo ay walaalo ahaayeen wasiirka kuna hayay Isbitaal ku yaallay Magaalada Riyaadh ayaa VOAda u xaqiijayay geerida wasiirka Suleymaan Colaad Rooble oo 47 jir ah ayaa u geeriyooday dhaawac dhinaca madaxa ah oo ka soo gaadhay qaraxii Hotel Shamow ee 3dii December ka dhacay magaalada Muqdisho Dhegeyso

Alshabaab Oo Dagaal Iclaamiyey

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ka mid ah Saraakiisha Xarakada Alshabaab ayaa maanta Salaadi Jimcaha Khudbad u ka Jeediyey Masaajid-k Nasrudiin ee Magaalada Muqdisho

Puntland Oo Qaadkii Laga Joojiyey, Waa Maxay Sababtu ?

Lix Maalin Degaanada Puntland lugma arag Qaadka nooc loo yaqano Hareeriga, kaasi oo hore loga keeni jiray Dalka Ethiopia, Waxana la sheegay in Qaadka loo xanibay kadib markii

Xildhibaan Khilaaf Ka Jiro Xaaladiisa

Xildhibaan Salaax Badbaado oo ka tirsana Xubnaha Golaha Baarlamaanka DFKMG ayaa la sheegay inu ku biiray Xarakada Alshabaab

Axmed Diiriye Oo Ku Baaqay In Dagaalada La Joojiyo

Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Hawiye Garabka Maxamed Xasan Xaad, Nabadoon Axmed Diiriye Calia ayaa ugu baaqay Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Somaliya

Sheekh Yusuf Indhacadde Oo Sheegay In Aay Waxba Tari Doonin Ciidanka Cusub Ee Alshabaab Soo Geliyeen Muqdisho

Sheekh Yusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde Ayaa Shir Jaraa’id oo u maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay arrimo badan oo aay ka mid yahiin Ciidanka Cusub ee Alshabaab Soo geliyeen Magaalada Muqdisho

Burcad Badeeda Somalida Oo Sii Deysay Markab Wotay Calanka Panama

Kooxha Burcad badeeda Somalida ayaa sii daayay Markab watay calanka dalka Panama, kaddib markii ay ka qaateen lacag madaxfurasho ah oo la sheegay inay ahayd $3.1 Milyan

Alshabaab Oo Qarax la Beegsatay Ciidamo Kuwa Dowlada Ka Tirsan

Miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa ku qaraxday ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Somaliya, Waxana halkaasi ku dhintay Lix Askaari, waxana ku dhaawacmay Shan kale

DFKMG Oo Sheegtay Inay Dishay Sarkaal Alqacida ka Tirsan Iyo Alshabaab Oo Beenisay

Sarkaal ka tirsana Ururka Alqacida oo u dhashay Wadanka Jordan ayaa la sheegay in lagu dilay magaalada Muqdisho Toddobadii Bishan, Sarkaalka ayaa lagu magacaabi jiray Camaar Ibraahim

Dowlada Oo Beenisay In Sarkaal Ka Goostay

Ku Xigeenka Taliyaha Ciidanka Mulatariga Dowlada Federaalka KMG ee Somaliya Cabdixamiid Sheekh Cali ayaa beeniyey Soo Bandhigidi Shalay ee Xarakada Alshabaab aay soo bandhigeen Sarkaal Iyo weliba hub

Xildhibaano Laga Cayriyey Garoonka jomo kenyatta

Ugu Yaraan 40 Xildhibaan oo ka tirsan Mudane-yaasha Baarlamaanka Dowlada Ku Meelka ah Ee Somaliya ayaa laga soo cayriyey Saaka garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta international Airport Ee Magaalada Nairobi

Halkaan Ka Daawo Gabar Somali Ah Oo Tirineysa Gabay English Ah

Imaam Maxamud Imaam Cumar ”Hala Sii Daayo Lamaanaha Brtish-ka”

Imaam Maxamud Imaam Cumar Oo ah Iimaamka beelaha Hiraab ayaa ugu baaqay kooxaha heysata lamaanaha Birtish-ka ah Ee Paul Chandler Iyo Rachel inay sii daayaan

Shabaab Oo Soo Bandhigay Hub Iyo Sarkaal ka soo Goostay DFKMG

Xarakada Alshabaab ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay hub fara badan iyo Sarkaal ay sheegeen in uu ka soo goostay Dowlada Federaalka ku Meel Gaarka ah ee Somaliya Hubkaan ay soo bandhigeen Xarakada Alshabaab ayaa ah oo tiro ahaan 50 Qor Oo Nooca Ak47 ah iyo Sarkaal magaciisa ku sheegay Baashi Axmed Urur ayaa [...]

Alshabaab ”Ha La Isku Diyaariyo Jihaad ka dhan Ah Kenya”

Ku Xigeenka Gudoomiyaha Maamulka Jubbooyinka Ee Xarakada Shabaabil Mujaahidiin Sheekh Xuseen Cadi Geedi oo maanta kula hadlayey saxaafada magaalada Kismaayo ee Xurunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in Dhalinyarada Iyo Weliba Dadweynaha degaanada

Xildhibaano Ka Tirsan DFKMG Sii Kulul U Weeraray Xukuumadda Kenya

Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka KMG ee Somaliya ayaa maanta kulan ay ku qaateen magaalada Muqdisho waxaa ay Eedeymo ugu jeediyeen dowladda Kenya, kuwaasoo ku aadan Qab-qabashadii Todobaadyadii la soo dhaafay ka socday magaalada Nairobi

Maamulka Dekedda Muqdisho Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Markabkii Shalay ku Gubtay Halkaasi

Maamulka Dekadda magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Faah faahin ka bixiyay waxyaabaha dhaliyay qaabkii uu u gubtay Markabkii shalay ku basbeelay dekadda magaalada Muqdisho Maareeyaha dekadda weyn ee magaalada Muqdisho Cabdi Jiinow Calasow

Indhocadde ”Dowladu Waa Soo Dhoweyn Go’aankii Waqti Kordhinta Amisom”

Yusuf Maxamed Siyaad Indho Cadde Wasiiru dowladaha Wasaaradda Gaashaandhiga DFKMG ayaa waxaa uu si aad ah u soo dhaweeyay waqtigii kordhinta Ciidanka Amisom ee Ku Sugan Gudaha Magaalada Muqdisho Waxaa uu sheegay Yusuf Indhacadde in Dowlada Somaliya

Fardowsa Macalin Maxamed Gabar 18 Jir Ah Oo La Il Daran Dhaawac Halis Ah

Ka dib markii uu ku habsday madfac hobiye ah oo aan si sax ah loo garaneyn cida soo riday iyo sababata loo soo riday kaas oo isha bidix kala baxay,  Xili maqrib ah oo ay ku sugned goob ay ku hesatay xoogaa alaabo ah oo u sarneyds miis dushii gudaha suuqa bakaaraha xili au duqeymo [...]

Burcad Badeed Oo Waqti U Qabatay Nolosha Lamaane British Ah

Kooxaha Burcad badeeda Somalida ayaa waxa ay sheegeen in ay dilayaan lamaanayaasha u dhashay dalka Ingiriiska hadii aan Afar Maalin gudahood lacag madax furasho laga siin Kadib xiriir xaga qadka Taleefonka ah oo ay la soo sameeyeen taleefishin ITV News +Video

Yariisow ”Puntland Caqabad Ayey ku Tahay Horumarka Iyo Waxqabadka DFKMG”

Wasiirka Lacagta ee DFKMG ah ee Somaliya Cabdiraxmaan Cumar Yariisow oo ka hadlayay magaalada Muqdisho Maalinimadii Shalay, ayaa ku Eedeeyey dawlada Puntland in ay ka soo horjeedo waxqabadka DFKMG ah ee Somaliya, isagoo sheegay in talaabadii ay ku diiday soo daabicida lacagaha cusub ay tahay mid muujinaysa in aysan Puntland raali ka aheyn waxqabad ay [...]

Macalin Xaashi ”Mujaahidiinta Waa La Soo Dhexgalay”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ee Ururka Xizbul Islam Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaday inay heleen warar ku saabsan in dad sirdoon ah aay isku dhex qarinayaan Kooxaha Islaamiyiinta ah

Shabaab ”Bananbaxii Kenya, Abaabulka DFKMG, Iyo Puntland”

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Cali Maxamud raagge ayaa Shir jara’id oo u ku qabtay Magaalada Muqdisho maalinimadii Shalay kaga hadlay arrimo badan oo aay ka mid yahiin Banaanbaxii Kenya ka dhacay Maalinimadii Jimcaha, Abaabulka Dagaal ee aay wodo DFKMG iyo Weliba Xaalada Puntland (Warbixin Kooban)

Nin Gabar U Abti U Yahay Kufsaday Oo Dhagax lagu Dilay

Xarakada Alshabaab ayaa galabta ka fuliyey Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Xukun Rajmin ah Xukunka Rajminta ah ayaa lagu fuliyey Xuseen Ibraahim Maxamed oo la sheegay inu Kufsaday Gabar u Abti u yahay

Elman Oo Soo Bandhigtay Dadkii Ku Geeriyooday Dagaaladii Gobolada Dhexe

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Ee Elman ayaa soo bandhigtay tirada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dagaaladii dhawaan ka dhacay Gobolada dhexe ee dalka Somaliya, kuwaasi oo u dhaxeeyay

Odayaasha Hawiye Oo Warsaxaafadeed Soo Saaray

Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye oo manta kulan ku yeeshay gudaha Magalada Muqdiso ayaa war murtiyeed ka soo saray Warsaxaafadeed + Sawiro

Xulka Qaranka Somaliya Oo Sii Diiran Logu Soo Dhoweeyey Muqdisho

Wafdi balaaran oo Isagu Jira Ciyaarto Iyo Weliba Mas’uuliyiinta Ciyaaraha Somaliya ayaa Maalinimadii Shalay soo Gaaray Magalada Muqdisho, Waxana Wafdiga Ka mid aha Gudoomiyaha guddiga Olombikada Somaliyeed Aaden

Xuseen Caraale ”Waa La Dhameeyey Khilaafkii Baarlamaanka”

Xuseen Caraale Cadaan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ee ku sugan Magaalada Nairobi ayaa wuxuu sheegay in la dhameeyay khilaafaadkii maalmihii u dambeeyay la hadal hayay ee ka dhex taagnaa golaha baarlamaanka

Baladweyne Oo Maalintii Afraad Dagaal Ka Socdo

Dagaalo ayaa maalintii Afaraad waxa ay dib uga qarxeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyadoo uu sii kordhay qasaraaha dagaladii maalmihii la soo dhafay ka dhacay halkaasi

Ahlu Sunna Oo La Wareegay Xaafadaha Bariga Baladweyne

Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu istaagay dagaalkii halkaasi ka socday ee u dhaxeeyay Xizbul Islaam Iyo Ahlu Sunna                    + Warbixin

Baladweyne Oo Dagaalo Culus Ka Socdaan

Dagaal Mudo Saacado ah qaatay Islamarkaana u dhaxeeya ciidamada Xisbul Islaam ee gobolka Hiiraan iyo Ciidamo tabacsan Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa haatan waxaa ay ka soconayaan Xaafadaha Bari ee Magaalada

Ilmo Yar Oo Dhibaateysan

Wiilka waxaa barbar fadhiya Aabihii oo ay ka muuqato sida uu ugu walaacsan yahay wiilkiisa yar xanuunka haya awgiis + Daawo Sawiro

Xildhibaan Ka Tirsana DFKMG Oo Meydkiisa Laga Helay Suuli

Xildhibaan ka tirsana Golaha Baalamaanka DFKMG ee Somaliya oo lagu magacaabi Jiray Maxamed Xuseen Ra’iis Ayaa maanta meydkiisa waxa laga helay Suuli ama Masquul ku dhextaala Qolka u ka degana

Xizbul Islaam Oo Ka Soo Horjeestay Waqti Kordhinta Amisom

Ururka Xizbul Islaam Oo Ka Jawaabay go’aankii ka soo baxay Midowga Africa, kaasi oo Waqtiga logu kordhiyey Ciidanka Amisom Sheekh Maxamed Macalin Cali Madaxa Warfaafinta ee Ururka Xizbul Islaam ayaa waxa u cambaareeyey go’aankaasi ka soo baxay Midowga Afiraca, isagoona ku

Beesha Biyo-Maal Oo Cambaareyn U Jeedisay Shirkii Doolow

Odayaasha, Waxgaradka Iyo Culimada Beelaha Jareer Weyn, Digil, Hawiye Qeyb ka mid ah, Shiikaal Iyo weliba Beelaha Banaadiriga Ayaa sii kulul u Cambaareyey Shir dhowaanahan ka socday Degaanka Doolow oo lagu

Saddex Somali Oo Lagu Dilay Mareyakanka

Wararka ka imanaya Minneapolis ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay saddex Dhalinyaro Somali ah oo ku sugna Goob Dukan ah Saddexda Nin ayaa waxa rasaas ooda uga qaday koox hubeysan

Beesha Cayr Oo Been Ku Tilmaamay Hadal Ku Soo Baxay Dayniile

Beesha Cayr ee Habargidir uu wax kama jiraan ku tilmaantay qoraal ku soo baxay Websiteka Dayniile kuna tilmaamay qoraalkaasi mid ka mid ah fidnada iyo been abuurka uu ku hayo Ummada Somaliyeed

Wasaarada Cadaaladda Iyo Diinta Oo Siminaar U Qabatay Culimada

Waxaa Shalay magaalada Garoowe lagu qabtay aqoon isyweydaarsi socon doona muddo 4 cisho ah Wasaaradda Cadaalada & Arimaha Diinta u furtay Culimaudiinka Reer PL kaasi oo lagaga hadlayo halista HIV Aidska +Sawiro

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers