Sidaa laga soo xigtay dad goob joogayaal ah oo ku sugan magaalada Kismaayo waxa Xalay halkaasi lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsan Shabaab, Sarkaalkan ayaa la sheegay inay Toogteen ragg Hubeysan isaga oo ka soo baxay Masaajid ku yaala Gudaha magaalada Kismaayo, Waxana lagu magacaba Ninka
Sarkaal Shabaab Ah Oo Xalay lagu dilay magaalada Kismaayo
Sarkaal Ka Tirsana Ciidanka DFKMG Oo lagu Dilay Buurhakaba
Koox Hubeysan ayaa ku dilay degamada Buurhakaba ee Gobolka Baay, Sarkaal hore uga tirsana Ciidankii Dowlada Federaalka KMG ee Gobolkaasi laga saaray, Sarkaalkan ayaa la sheegay inay dileen Labo Nin oo ku hubeysan Bastoolado, Dilka Sarkaalka kadib ayaa Ciidanka Xizbul Islaam
Garoowe Online Shalay Iyo Maanta
Idaacada Garoowe Online waxa Aasasay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, Hafka ugu weyn ee Faroole u Aasasay Idaacadan Ayaa aheyd inu kula dagaalamo kuna gaaro Hafkiisa Iyo Siyaasadiisa gaarka ah, Waxana la Xasuusta oo aan la Ilaabi karin Hawlahii Balaarna ee Idaacadu heysan Xiligii Cadde Muuse
Xaafado Ka Mid Ah Muqdisho oo Caruurtii Loga Tag la yahay Dad Juudaan Qaba
Dadka ku dhaqan Xaafado ku yaala degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenlay ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay xiligan walaac ka muujiyeen dad la sheegay in ay qabaan Cudurka Juudaanka oo ku soo badanaya degmooyinkaas, kuwas oo Caruurta degaanka faro kulul ku haya iyaga oo doonaya inay Cunaan
Yemen Oo Fasaxday 13 Somali Ah Oo wota Basabooro Ajaanib Ah
Gabadho Ajaanib Loo Aroosay
Alshabaab ayaa u guurisay Gabadho qaarkood da’dooda ka yar tahay Sagaal Sano oo Somali ah, ragg Ajaanib ah oo la sheegay inay ka soo kala jeedan Wadamada Pakistan, Kazakhstan, Iyo Weliba Yemen, waxana la sheegay in Aan lagala tashan Waalidka dhalay Gabadhan in ragga loo guuriyo iyo in kale, Sidoo kale waxa jira warar sheegaya [...]
Filed under: Wararka | Tagged: Somalia | 4 Comments »
Dadkii Muqdisho Ka Barakacay Oo Ka Cabanaya Caafimaad Darro
Kumayaalka qof ee ka barakacay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee u Qaxay Duleedka magaalada ayaa sii weyn uga cabanaya Xaalad Caafimaad darro iyo Cuduro aan la aqoon oo soo wajahay, Dadkaasi oo la hadlay Idaacadaha Maxaaliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay
Odayaasha Gobolka Gedo Oo baaq Nabadeed Diray
Golaha Xaalinta Khilaafkada Ee Gobolka Gedo ayaa baaq u diray kooxaha ku dagaalami magaalada Muqdisho ee Xurunta Somaliya, Gudoomiyaha Golahan Daa’uud Maxamed Xuseen ayaa waxa u isaga oo la hadlaya Warbaahinta waxa u sheegay inay aad uga xun yahiin Xasuuqa Iyo Duqeymaha Amisom ka wodo magaalada Muqdisho
Filed under: Wararka | Tagged: Somalia | 2 Comments »
Nabadoon Axmed Diiriye Cali Oo Baaq Nabadeed Diray
Afhayeenka Golaha Dhaqanka Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali Oo Maanta la hadlayey Idaacada Shabeelle Ee Magaalada Muqdisho ayaa Baaq nabadeed u diray Kooxaha Ku dagaalamaya magaalada Muqdisho Iyo weliba Degaanada Camaara Iyo Bacadweyn Ee Gobolka Mudug
Dagaalo Mar Kale Ka Socda Muqdisho
Magaalada Muqdisho ayaa mar kale saaka waxa ka bilowday dagaalado u dhaxeeya Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya kuwa Amisom Iyo weliba Ciidanka Xarakada Alshabaab, Dagaalada labada dhinac ayaa intooda badan ka dhacay Xaafada Beexani ee degmada Cabdicasiis, Waxana dagaalada waji ka wajiga ah daba socday Madaafiic
Cali Dheere ”Dilalkii Suuqa Bakaaraha Waxa Ka Dambeeyey Cadowga Ummada”
Sheekh Cali Maxamud Raage Afhayeenka Alshabaab ayaa maanta ka hadlay Dagaalada Maanta dib uga dhacay Muqdisho, Iyo weliba isdaba jooga aha ee shalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha, Sheekh Cali Dheere oo la hadlayey Saxaafada ayaa sheegay in Maanta Ciidanka Mujaahidiinta Alshabaab guulo la taaban karo ka gareen dagaaladii ka dhacay Degmada Cabdicasiis iyaga oo la [...]
Dagaaladii Muqdisho
Waxa Saaka mar kale ka Qarxay Degmada Cabdicasiis dagaalo u dhaxeeya Ciidanka Dowlada Iyo Maleeshiyada Kooxaha Dowlada ka soo horjeeda, Waxana dagaalkan u Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac dad rayid ah oo aan Waxba galabsan Dagaalkan oo Wotay Madaafiic labada dhinac isweydarsan
Indha Cadde Oo Dilkii Barre Cali Ku Eedeyey Alshabaab Xili Xizbul Islaam Amuusan Tahay
Kooxaha Burcad Badeed Oo Afduubtay Dooni
Kooxaha Burcad badeeda Somalida ayaa gacanta ku dhigay Dooni kaluumeysi oo laga leyahay Wadanka Spain taasi oo ku goosheysay Calanka Wadanka Kenya, Waxana Kooxaha Burcad badeedu la sheegay inay ka soo Afduubteen Doontan iyada oo Mareysa Badweynta Hindiya, Sida aay Sheegen Saraakiil
Xizbul Islaam Oo Dilkii Barre Cali Ku Tuhunsan Alshabaab
Ururka Xizbul Islaam ayaa dilkii maanta logu geystay Gudaha Suuqa Bakaaraha Sarkaal ka tirsana oo lagu magacaabi Jiray Barre Cali Barre sii weyn ugu Tuhunsan Xarakada Alshabaab oo iyadu in dhowaalaba aay Fikirka ku soo kala horjeeden Ururka Xizbul Islaam Sarkaal ka tirsan oo ka gabsaday in magaciisa Saxaafada laga xuso ayaa sheegay In Alshabaab [...]
Bayaankuu kulankii beesha Cayr ee Dalka Australiya
Beesha Cayr ee dalka Australiya oo kulamo in mudo ah ayku lahaayeen halkaasi ka soo saartay qodobo muhiim ah kuna baaqay in siwada jir ah looga hortago kuwa waxmagaradkaa ee u adeegaya cadowga Tikreega
Filed under: Wararka | Tagged: Bayaan | 2 Comments »
Suuqii Bosaso Oo Xirmay
Magaalada Bosaso ayaa maalinti labaad maanta waxa xiran dhamaan goobaha ganacsiga kadib markii ay Ganacsatadu ku dhawaaqen Shaqo joojin, Iyaga oo sheegay in Wasaarada Maaliyadu ku soo roogtay Canshuur xad dhaaf ah, Ganacsatada ayaa sheegay in Cashuurta Xiligan lagu soo rogay aysan aheyn mid macquul ah oo la aqbali karo
Taariikhda Khilaafaadka Dariiqooyinka Soomaaliya iyo Laba Kacleynta Suufiyada
Ma sahlana in raadraac loo helo xiliga dhabta ah ee ay bilaabantay khilaafaadka ku qotoma diinta ee ka hanaqaaday gayiga Soomaaliya, tanoo loo aaneynayo qorid la?aanta taariikhda. Waxase suurtagal ah in la helo cadeymo muujin kara tixraac la oran karo qiyaas ahaan xiliyadaas ayay soo bilaabantay. Marka laga yimaado arinta khilaafka, Soomaaliya waxa ay aheyd [...]
Filed under: Uncategorized | Tagged: Xog | 4 Comments »
Saldhig Bosaso Ah Oo Qarax Ka Dhacay
Wararka ka imanaya magaalada Bosaso ayaa sheegaya inu fidnimadii caawa u halkaasi ka dhacay qarax xoog leh, qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday Saldhiga Mijir ee dhanka bari ee magaalada ku yaala, waxana ilaa hada la aqoon cida ka dambeysay qaraxa iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan, in kasta oo dad goob [...]
Muran Ka Taagan Mayd Muddo Laba Todobaad ka Badan yaala Cusbatalka guud ee Hargeysa
Cuqaal ka tirsan beesha uu ka dhashay nin laba todobaad ka hor ku dhintay gudaha xabsiga Mandheera, ayaa dawladda ku eedeeyay inay ku lug leedahay dilka Ibraahim Jaamac Siciid oo muddo ku xidhnaa xabsigaas, haatana maydkiisu yaalo Cusbatalka guud ee magaalada Hargeysa
Arday Ka Qalin jabiyey Cilmiga Saxaafada oo Shahadooyin lagu Godoonsiyey Qardho
Munaasibad Shahaadooyin lagu gudoonsiinayo dufcadii Labaad ee ka qalin jabisa barashada cilmiga saxaafada, oo mudo 6 bilood wax ku baranayay Mac’hadka Al-Imra ee Magaalada Qardho , ayaa manta xaflad loogu qabtay xarunta Machadku uu ku leyahay qardho
Filed under: Wararka | Tagged: Qardo | 5 Comments »
Nin Si Kibir Leh Ugu Carooday Allaah, iyo Alle oo Bad Baadshay Ninkaasi
Nin ayaa maalin maal-maha kamid ah soo raacay Doon, doontaas waxaa saarnaa dad aad u fara-badan, doontii ayaa qalib matay, dhamaan dadkii oo idil waxay noqdeen kuwo dhinta, marka laga reebo ninkii Xeeb ayuu kusoo gaaray si naf la-caari ah, wax dad ah
Filed under: Uncategorized | Tagged: Dhacdo | 1 Comment »
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari Oo Xilkii La Wareegay
Sheekh Cabdixaafid Cali Yusuf ayaa maanta sii rasmi ah xilkii ugala wareegay Gudoomiyahii hore ee Gobolka Bari Xaaji Muuse Geelle Yusuf, Iyada oo Xaflad Heer sare ah oo lagu qabtay Xurunta Gobolka Bari aayna ka soo qeyb galeen Masuuliyiin ka tirsan uu sii rasmi ah ugula wareegay Xilka Gudoomiyaha cusubi
BaladXaawo Oo Labo Wiil Lagu Karbaashay
Shir Loga Hadlayo Horumarinta Degaano Ka Tirsan Gobolka Bari Oo Ka Dhacay UK
Waxaa ka dhacay galbeedka magaalada london sabtidii shir wayn oo ay isugu yimaadeen jaalida reer QANDALA, shirkaas ayaa cinwaankiisu ahaa HORUMARINTA DEGAANDA GOBOLKA BARI, Shirkaan ayaa looga hadlaayay sidii loo huru marinlahaa TACLIINTA, CAAFIMAADKA, CEELASHA IYO WADOOYINKA, Waxaana diirada la saaray magaalooyinka ay ka mid yihiin D/QANDALA, BALIDHIDHIN, CARMO, DHAADAAR IYO XUMBAYS, Waxaana shirkaas kasoo [...]
Filed under: Wararka | Tagged: Shir | 5 Comments »
Roobab Xalay Galankii Hore ee Xalay ka Curtay Qardho
Taftirahii Bogga Somalifans Oo Habeenimadii Xalay La Dhaawacay
Taftirahii Somalifans.net ayaa koox hubeysan habeenimadii xalay dhaawac u geysteen, iyada oo la doonayey in lagu qaarijiyo meel banaanka ka ah gurigiisa, balse nasiib wanaag waa u badbaaday in kasta oo u xabad kaga dhacday dhanka jilibka, waxa xiligan lagu daaweyn isbitaalka bosaso, waxana mr yusuf cali la aqoon ilaa hada sababta iyo ujeedada loo [...]
Filed under: Wararka | Tagged: Dil | 18 Comments »
Dadka u dhashay dalka Denmark oo markale ku hawlan sidii ay sharafta uga qaadi lahaayeen Qur’aanka
Xukuumadda iyo bulshada dalka Denmark ayaa waxay iska-kaa shanaayaan sidii ay sharafta uga qaadi lahaayeen Kutubka Suuban ee Qur’aanka Amuurtaan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli ay ummada Islaamka ay aad uga caroonaayaan
Filed under: Uncategorized | Tagged: Gaalo | 2 Comments »
Goonjeex Oo Sii Dadbaan u Dhaliilay Hab Dhaqanka Puntland
Wasiirka Tamarta Iyo Shidaalka DFKMG ee Somaliya Md. Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex ayaa sii dadban u dhaliilay Maamulka Puntland, isaga oo Yiri ”Waa Sharci darro Heshiisyada Maamulada ka jira somaliya aay la galeen Shirkadaha Shidaalka Wixii ka dambeeyey 1991” Xiligaasi oo aha Waqtigii aay meesha ka baxday Dowladii Dhexe ee Jamhuuriyada Somaliya
Faysal Cali Waraabe ”Wasiirka Magaca Sharmutada Lihi Dalkayaga Waxba Kama Sheegi Karo”
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa hanbalyo u diray Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo difaacay socdaalkiisii uu somaliland ku yimid dabayaaqadii sanadkii hore ee 2009-kii oo shalay eedo uga soo jeediyey wasiirka arimaha dibada ee Kenya inuu taageeray gooni isku taaga somaliland, jawaabihii uu Faarax Macalin ka bixiyey waraysigii xalay [...]
Filed under: Wararka | Tagged: Eedeyn | 7 Comments »
Faarax Macalin Oo Lagu Heysto Safarkii Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya Moses Wetangula ayaa sheegay in Safarkii Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ee Somaliland dib loo Eegi doono, Isaga oo sheegay in Sidoo kale la baari doono Sababaha u Faraax Macalin u booqday Magaalada La isku heysto ee Laascanood
Filed under: Wararka | Tagged: Tixraac | 1 Comment »
Alan Johnson ”Alshabaab Waa Ka Mamnuuc Britain”
Xoghayaha Arrimaha Gudaha Dalka Ingiriiska Alan Johnson ayaa maanta war qoraal ah oo u soo saaray ku sheegay in Ururka Alshabaab laga mamnuucay dalka Britain, Mr Johnson ayaa sheegay in Alshabaab yahiin koox Argagaxiso ah isla markana Dalka Ingiriiska aay ka yahiin Mamnuuc, qofkii lagu Ogado inu xiriir la leyahana ay tahay dambi la mid [...]
Axmed Madoobe ”Alshabaab Waa ku Ciyaareen Mirahii Jihaadka”
Axmed Madoobe Ayaa ku Eedeyey Alshabaab inay ka leexdeen Jidkii Jihaadka waxa u ugu yeeray, isaga oo sheegay Ku Hanjabay inay Ugaarsan doonan Saraakiisha Iyo Madaxda Alshabaab Meel kasta oo aay ku sugan yahiin, Hadalkan ayuu ka sheegay Shalay isaga oo Warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay khadka Telfoonka
Indho Cadde ”WFP Hawsheeda ha ka wodo goobaha Dowladu ka taliso, Puntland Iyo Somaliland …..”
Maxkamada Shabaab Oo Xukun Riday
Maxkamada Xarakada Alshabaab ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta Xukuno kala duwan ku riday 16 Dhalinyaro ah oo hore uga tirsana Ciidanka Xarakada kuwas oo lagu Eedeyey Dhaca Shirkaado Kuwa ganacsiga ah ee ka hawl gala Suuqa Bakaaraha, 16 Dhalinyarada ah ayaa 6Lix ka mid ah aysan ku sugnayen goobta Xukunku
Caruur Shuban Biyood U Geeriyooday
Ugu yaraan Saddex Caruur ah ayaa ugu geeriyooday Isbitaalka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cudurka Shuban Biyoodka oo halkaasi ka dilaacay, Waxana la sheegey ilaa 14 kale aay la ildaran yahiin Isla Cudurka Shuban Biyoodka ayna u jiifan Isbitaalka Magaalada oo hada lagu dabibayo
Cumar Cabdirashiid Vs Aaden Madoobe
Qaar ka tirsan Xildhibaan Baarlamaanka Dowlada Federaalka KMG ee Somaliya oo maanta shir ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inu Waqtigii ka dhamaaday Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Xildhibaanada ayaa sheegay in 22 Bishan aay ku Eekeyd Waqtigii Ra’iisal Wasaaraha loona bahan
Qore ”Ciidanka Shisheeye Ee Xeebaha Somaliya Ku Sugan Waxba Ma Qabtan”
Taliyaha Ciidanka Badda Dowlada Federaalka KMG Admiraal Faarax Qore ayaa ku Eedeyey Ciidanka Isbahaysiga Ee La dagaalanka Burcad Badeeda kuwasi oo ku sugan Xeebaha Somaliya Wax qabad la’aan, Isaga oo sheegey inay xeebaha Somaliya aay ku Joogan Ogolaansho Dowlada Federaalka KMG
Cabdi Shukri ”Sheekh Shariif Waxa U Hada mar kasta Sheegaaya In Wadanka Argagaxiso Joogto Isaga Oo Wixii Horena Ankiraayo”
18, February sanadii 2006 ayey aheyd markii Magalada Muqdisho lagu dhisay “Isbahaysiga soo celinta nabada iyo ladagaalanka Argagaxisada” Allience for restoration of peace and count Terrorism (ARPCT). Waxaana ku mideysnaa Xisbigaas in ka badan 10, kamid ah Hogaamiyo kooxedyadi ugu caansanaa Koonfurta Soomaaliya, kuwaaso xiligaas ku faani jiray awood buuran oo ay ku maamulayeen qeybo [...]
Xizbul Islam Oo beeniyay Eedeeyn Uga Timid Alshabaab
Ururka Xizbul Islaam ayaa beeniyay eedeeyn dhawaan ay usoo jeedisay Alshabaab, oo ahayd inay ka danbeeyeen qaraxyo ka dhacay goobaha mucaaradku ay ka taliyaan ee magaalada Muqdisho Afhayeenka Xizbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in ururkoodu aanu wax lug ah ku lahayn qaraxyo [...]
Salaax Badbaado “Wali Ma’aanan Arag Aadan Madoobe Oo Isticmaalaya Sharciga Baarlamaanka, Hadii Uu Isticmaalana dantiisa ayuu Ku Watay”
Salaax Nuux Badbaado oo horay uga mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka islamarkaana dhawaana isaga baxay Baarlamaanka Dowlada Federaalka KMG Ayaa ku Eedeeyay Gudoonka Baarlamaanka in danahiisa gaarka ah uu u isticmaalo sharciga Baarlamaanka
Filed under: Wararka | Tagged: Xildhibaan | Comments Off
Xildhibaano Burcad badeed lacag U Uruurin
Ehelada Gabar Yar Oo Dhaawac Culus Ka Soo Gaaray Duqeyntii Suuqa Oo Xoolaha Oo Dalbaday Gargaar
Ehalada gabar si xun ugu dhaawacantay duqeymihii ku dhacay deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay gacan u fidiyaan Gabadhan yar oo la sheegay in ay ku dhaawacantay duqeymihii Madaafiicda ahaa ee Bishii Janaayo loo geystay
Filed under: Wararka | Tagged: Fadlaan Caawi | Comments Off
Nato Oo Taageero Millitery Siin doonta Ciidanka Amisom
Madaxa amaanka iyo taagerada hawlaha ciidamada Isbaheysiga NATO Thandikhaya Bam ayaa waxaa uu sheegay inay taagero dhinaca ciidamada ugu deeqayaan ciidamada midawga Africa ka jooga wadanka Somalia ee wada hawlaha anabad illaalinta
Filed under: Wararka | Tagged: Taageerada Nato | Comments Off
Kaluumeysatada Gobolka Bari Oo Ka Cabanaya Marakiibta Shisheeye
Kaluumaysatada Xeebaha Gobolka Bari ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku hayaan Maraakiibta Shisheeye ee ku sugan Xeebaha Somaliya gaar ahan kuwa jooga Xeebaha Gobolka Bari
Filed under: Wararka | Tagged: Kaluumeysato | Comments Off
Jalalaqsi Oo Caruur Shuban U Dhimatay
Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa laga soo sheegaya Cudurka Shuban Biyoodka, Iyda oo Maamulka Degaankaasina U ugu baaqay Shacabka ku dhaqan degmada inay Iska ilaaliyan Cabitaanka Biyaha Webiga
Filed under: Wararka | Tagged: degmada Jalalaqsi | Comments Off
Faroole Oo Qasri Ka Iibsan Dubia
Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed oo ah Madaxweynaha Dowlada Puntland ee Somaliya ayaa la sheegay inu magaalada Dubia ee Dalka Isku Taga Emaratka Carabta ka Iibsanayo Qasri Weyn, Waxana Iloo lagu kalsoonan karo aay Xaqijiyeen In Guriga Uu Iibsanayo Faroole lagu Qiimeyey Lacag dhan 3 Million Oo Dollar
Filed under: Wararka | Tagged: Faroole Iyo Sharciga | Comments Off
Gargaarka Maraykanka Somalia
Todobaadkan, isu duwaha hawlaha Bani’adamnimo ee UN ee Somalia, Mark Bowden, ayaa USA ku eedeeyey , in ay siyaasadaynayaan arrimo bani-adamnimo oo muhiim ah, ka dib mrkii wadaxaajoodyo loola jeeday in lagu bixiyo malaayiin dollar oo Somalia la siin lahaa la joojiyey. Hase yeeshee, Wakiilka Maraykanka u fadhida UN , Susan Price, ayaa sheegtay, in [...]
Filed under: Wararka | Tagged: Warbixino Kala Duwan | Comments Off