Waxbarashada Degmada Ufeyn

Degmada Ufeyn ee Maamul Goboleedka Puntland 15 Bishan waxa ka dhacay Xaflad lagu gudoonsinayo Ardayda Dugsiga Sare ee Sheekh Cabdalla Ibraahim Abaalmarino Qaali ah kuwas oo aay ku Muteysteen Dadaalkooda iyo weliba Heerkooda Aqooneed Daawo Sawiro

Ardaydan oo u badana dhalinyaro yar ayaa la gudoonsiyey Hadyado isagu jira Kitaabka Qur’aanka Kariimka, Iyo weliba Abaalmarin kale oo qaali ah

Xaflad heer sare ah oo loo dhigay Ardayda ayaa Waxa ka soo qeyb galay Madaxda Dowlada, Odayaasha Dhaqanka, Waalidiin, Iyo weliba Dadweyne kale oo lagu Macsuumay

Waxana Xaflada Abaalmarinaha Intaa aan la bixin ka hadlay Mid ka mdi ah Macalimiinta Degaanka oo lagu Magacaabo Maxamed isaga oo sheegay in Ardayda ay yahiin kuwa Dadaal badan galay isla aay mudan tahay in Abaalmarin la siiyo, Sidoo kalena Waxa u ku booriyey Ardayda Inay Sii wodan Dadaalkooda Dhanka Waxbarashada ah

Sidoo kale Macalin Maxamed waxa u sheegay in Abaalmarintu qeyb ka tahay Waxbarashada madama aay kor u qadeyso Mooralkii Ardayda

Xaflada Sawiradeeeda halkaan Hoose Ka Daawo

Advertisement

One Response

  1. Masha alah somali fans wax khayr ayay so gudbisay manta kk. Wana ku mahadasan yihin cida so ababushay xafladan.

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers