Aqalka Hargeysa Ma Saddex Ninba Leh Mise Ummada Oo Dhan

Waxa Maqal kan igu kalifay hadalada Casamida dhexdeeda lagaga hadlayo Maalinkasta, ee ay ka mid ka yihiin waxa ka soo baxaya raga Masuuliyiiyinta ah ee walib dagan maagalada Haryagsa oo ah meeshii diyaarada dagaalku ka kacayeen 1988 hadana ma waxaynu yeelaa oo aqbalaa in mas’uuliyiin Sar sare lagu caayo Maalinkasta Madaxda SNM ugu saraysay ee milgaa Siyasiga ah baray Ummadan intooda badan maha in manta lagu aflagadeeyo oo wax kasta lagula hadlo maha waxa Cismaan Hindi iyo Cali Guray iyo badhasabka Hargaysa afkooda ka soo baxaaya wax qof madaxa oo Mas’uula oo dadka Mustaqbal ka leh in uu waxaa ku hadlo, Mas’uuliyiinta Hargaysa jooga hadii anay afxumadaa joojin ay kula kacayaan Mas’uulyiinta iyo raga caanka ka ah mandaqadan ba, ee waliba madaxda SNM ugu saraysay ahaa waa wax keenaya dagaal danbe oo wadanku galo oo SNM soo nooleeya maanta Siyaad Barre ma haysto wadanka waa beelo isu tagay oo dabin dhowraya dadkaa diifaysan iyo dantooda Nololeed ee qoriga iyo hubka guryaha-yaala is kood u dhigay

Hadaba maha hadhaagii Siyaad barre, in ay moodan ama isdhahaan waa la idinka hadhay, lagama hadhin lagana hadhi mayo oo ragbaa qoraya Taariikh macal ragaa maanta cayayaa.

Waxa fiicnan lahayd in ay ogaadan waxa wadan kan loo soo maray maanta waa ragii SNM Hoos uga foorar sanlahaa Sarakiisha SNM ee wadanka xoreeyay ku waa SNM sheegta ee SNM loo soo Adeegsado hada waa kuwo SNM-ba an ahayn ee basasiinta ahaa barigii dagaalkii in kastoo cabsi ay qabeen anay la hadli karayn, markaa nin SNM si dhaba u ahaa maba cayo madaxda SNM magaalada Hargaysa waa Caasimadii wadanka hada maha in laga dhigo Tuulo reer dago, wayo raga-baa Muj. Siilanyo ku leh Uma dhalan Madaxwaynii Somaliland u horeeyayCabdiraxmaan Tuur alle ha u naxariistee ragbaa Hargaysa lahaa u muu dhalan, hadaba ragaa afxumada la qabsaday ee xaafada Maroodi-jeex ka doobya maha wadan ku Qaranimadiisu meel qudha ee hankiina kor u qaada lana hadha Mustaqbal Siyasadeed.

Xilku waa meertee, Maalinba qabiil baa haya maalinba qolaa haysa cid xoog lagu ma mulayana ma jirto ee ha la ilaashado sharafta mid Gobal, mid Degmo, mid Wadan iyo mid Mas’uul-ba

Hadii madaxda SNM lagu cayo Hargaysa ma waxa lagu soo dhawaynayaa Cali Samatar iyo dhigooda, hadii Hargaysa lagu cayay Cabdiraxmaan Tuur laguna cayo Siilanyo ma waxa lala rabaa in Gen. Moorgal aqalkiisii ku soo labto oo xukumo Mas’uuliyiinta Dhalinyarada dib u baraya qabyalada xag xagashada ah ee suuqa Hargaysa ka socota waa mid Xamar jeclaysiinaysa dadka hadii Hargaysa la isku aflagadeeyo boosaso-ba dad Afsomaliga ku hadla oo waliba waxan gudo iyo waxan galo Taariikh ahaan ii yaqaan baa jooga Madaxwayne Riyaale waa nin mowqaf cad leh oo kursi doonaya Africayala oo waxa uu layimi Siyaasad kumana ceebaysna see raga u dhashay Gobalka Maroodi-jeex xalkoodu waa niman cidla dhexboodaya oo godob sokeeye tuurta u ridanaya oo hadalkooda intaa Xasuus qorka lagu darayo, Siyasaadu waa meerto Siyasaada la iskama daba rido ka u dhintaa is Ciilkanbiya Siyasaada

Hadaba Cisman Hindi & Cali guray Iyo weliba Badhaasabka Hargeysa ee caaya madaxda Somaliland Taarikhda u samaysay ma waxay moodeen Adduunka maanta oo kaliya kama dhacaan niman cidla majarafad caya sida oo an la ogayn waxa waxan ragaa leeyahay waxa jira dabayl Siyaasiya ee ilashada Taariikhda Hargaysana sumcadeeda wax ha u dhimina

MANSADA HADRAAWI EE DHULGARIIR

 

Axmedow nin dheeraad sitoo dhiibsan baad tahay

Tukalaad u dhaaftaa kolkaad dhaliso tii roone

Dhalintii caleemaha lahayd waygu dheertahay

Dhawr iyo shan dhawr iyo haddana dahwrarba jiraa

Haddaan beegsi kala soo dhexbaxay, tooda meel dhigay

Labadii dhallaanimo lahayd ways dhar urisaa

Berberaawi dhuub iyo ka dhuub waysu dhurannaa

Ilhaamay dhiggaagiyo hablaha dhuude falanqee

Hadduu dhaguxu kala hayb tirsado dheemman baad tahay

Suugaantu waa dhaqan haddana waa sud iyo dhiib

Dhidib iyo lud bay leedihiyo dhaabad iyo meel

Dhuuxuu ka eegaa ninkii dhilan yaqaanaaye

Qofba waa dhankuu ka arko iyo meesha uu dhigo

Dadka dhiiri iyo qawl sanbaa lagu dhacsiiyaa

Sida loo dhahaabu khalqigu ugu dhegtaagaa

Dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo dhuumatiyo sheel

Sida dhuuni qaataha murtida looma dheehtiro

Dhiidhiga nin laasimay hadduu dheegto waa halis

Dheeldheelligaa laga jiraa waa la dherersha

Dhexrooriyo waxa lagu hojaa weliba dhaad dhaad

Dhoomaha waxaa laga xushaa teeda dhumucweyn.

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidhehbaa dilay

Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed

Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi

Iyagaa dharaarba intaan dhaafay sii odhan

Gabaygani dhambaal buu sidaa waayo soo dhaxay

Dhulgariirna waa kii la baxay dhalashadiisii

Dhawdhawda qaadkiyo ka culus dhaan wadaa yidhi

Kana dheer is yeelyeelka iyo ii dheh iyo faan

Qof dhabcaala mooyee nin kale waw dhadhamayaa

Xaajada halkaasaan dhigoo dhaabad baw dihin

In la sii dhaqaajay rabtaa dhaygag badanley

Oo loola dhaadhaco halkay dhuux ka leedahay

Waxaa lumay dhudhumintii runtiyo dheeli tirihii

Inta samaha dhuxulayn kartaa waa dhif iyo kow

Dhalool bay isugu biirtay iyo tii dharjo ahayd

Dhulka wuu ku soo badanayaa baal ku dhooruhu

Dhan-xiiradu haddii ay maqlaan ways dhufanayaan

Sinnaantay dhaliil moodayaan tii ilaah dhigay

Dhinacay ka joogaan sharciga waa dhis foorara

Marka ay dhanaaniga gashiyo dhiibta kala guurka

Dhiillaha nin buuxshaa ma jiro dhacart jiilaal

Dhirin-dhirintu waa shay sanoo lagu dhabriiraa

Hal dhabaalahaa awgaayow tii dhamayd geliye

Hays dhigan nin nooloow hiddadu waysu dhimataa

Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay

Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed

Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi

Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan.

Laan dharab ka toostiyo hibooy dhool cas baad tahay

Dhalankaagu waa luulka iyo dhirahay yaaquu

Malaa roob la dhaca waad taqaan dhiinka jookha leh

Dhalankiisa shaygaa gobta ah waad u dhigantaaye

Dhibic iyo cadceed looshan iyo dheel gu’baad tahay

Qurux iyo dheg baad leedihiyo dhaabad iyo sees,

Dherer iyo laf baad leedihiyo dhaygag iyo yaab

Dhebi heeg u baxay baad ka tahay dhoobo jiifyada

Dhul fog baad ka laacdaa sidii dheenta laalida

Ruuxii ku dhawraa si buu kuugu dhegayaa

Dhabeelnimana way kugu jirtaa dhab iyo misaan

Dhiidhiibsigaagiyo haddana dhuda wanaagaaga

Dheehaaga maahee shishaad dhuux u leedahaye,

Dhulka lagama soo qodin dadkee aadan baa dhalay

Adiga iyo hablaa dhinaca kale waysu dhigantaan

Dhud qudhaa ka wadda beeranteen dhaadashada guud

Dhab-dhab baad ku kala leexateen adiyo joog-dheer

Dhawaweylanka waxa kuugu wacan amase dhoohnaanta

Dhab-darrooyinkoodaa qalbigu dhaawac dumayaa

Dhimir bay ku sareen dabool baali kaa dhigay

Dhafoor taabadkoodaa qod-qoday dhabannadaadiiye

Dhaqaaq joogsiggaagiyo wejiga dhaxanta saar-saaran

Dhadhansiga dareenkaa ka culus buuro soo dhacay

Intaad adigu dhiilaysan tahay taydu waa dhicis.

Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay

Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed

Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi

Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan.

Dhaf dhaf iyo hal hays beena baa soo dhab dhabateene

Dhugatiyo cad xaaraan ah iyo dhoohan may cunin

Dhamaas lagu takooriyo ma jirin caado dhaaf kale

Dhab cad iyo ma haysaan daliil meel la sii dhigay

Dhaqankaas canbaarayanayaa saaray dhiillada

Labadii hiyiga dheehi jirey way ka dheertahay

Weligood dhibaadada aduun looma soo dhixin

Dhaan dhaano maahee kashaa dhooli dmood tahaye

Intii aad dhisnaydeen iyagu waa dhur sugayeen

Dhufaannimo hagooglay intaas kula dhex joogeene

Dharaar uun in waa kale beryey dhawrayeen abide

Dhegahay intaas la hadlayeen waa dhab may odhan

Dhibaatadana way eegayeen dhaayihii jirey

Cishaday dhanaan tahay haddii laysu dholol fayto

Dhab u dirirka waa lagu yiqiin dhaanto iyo shiishe

Ragg hadduu dhabiiltamo naftay dhigi yqiineene

In kastuu xiniin dhaafyuhuu dhiirinimo sheegto

Mar haddaan dhalliil lagu gudbayn dhgalsho mooyaane

Dareenkiisu wuxuu dhaadayaa hoos in loo dhigay,

Dhar-dhaarray ahaayeen intaa dheri lahaydeene

Dhaddig iyo labkoodaa ka kale dhinacyo taagnaaye

Ninka ay dhisaan baan isagu tooda dhaydhayin

Gudmahay dhabeeyeen ka badan lag iyo dheeraade

Hadday dhigan lahaayeen mid uun maalba may dhaqane

Dhaxalkiisa may soo xarayn dhogorta xoolaaye

Weligood dhalaal subag ah iyo dhaashi may heline

Dhay iyo karuur labada wel dhoosha may geline

Hadday dhami lahaayeen miduun dhiilba may tolanne

Dhegahooda maag baa qabsaday shayna may dhimine

Sibaa loo dhaliilaa haddana ruuxna may dhibine

Dhuyaal iyo kudaal bay damceen dhiigna may galine

Dhulka waa ka sii guuraayaan ruuxna may dhicine

Dhoof bay ku daasteen inay sibiq dhaqaaqaane

Dhalashada nay dooriyaan bay u dhowdahay

Dhagar inay galaan bay damceen dhaarse may marine

Dhaxaan ogsoonaa halyey dhuuntay keligii

Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay

Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed

Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi

Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan.

Godka dhidarka beelaha qotow dhowr kal baa hadhaye

Hadduu dhiillo leeyahay dulmigu waad ka dheregteene

Intaad weel manno ah dhaamiseen waa dheg weyntahaye

Dhanihii bad weyntiyo yuryuran waydinkiii dhuraye

Ulihii dharkaynkiyo cayada waydinkii dhilaye

Dhamacdiyo dabkaad quudateen maahadhalanteede

Dhayl maaha maalmaha intaad guulo dhigateene

Sabirkiina dheer iyo xaqaa tiina soo dhicine,

Adduunyada ninkii dhalad yaqaan waw dhab tiriyaaye

Dhibaatiyo waxaa lagu yaqaan teeda dhinac taale

Markaasay is dhaaf dhaasiaa\ labada dhoomoode

Meel dhowna wuu kula kulmaa kay ka dheertahaye

Meel dheerna way kala taagan kay ku dhowdahaye

Nin xaqiina meel hoos dhigay tiisu waa dhedo,

Xumaantana wanaag baa dhaxlee wayda haw dhimane

Naftu dhaaba dhaabaha hiyiga way ku dhacantaaye

Kol haddii dhabbada loo qorqoro way ku dhilantaaye,

Mar haddii qalbiga ciil dhufasado dhaaftay taladiiye

Sidxa dhooddi meerkii taleex haw dhaqaaqina

Dhirbaaxooyinkii quudhsigaa dhuunta yuurura’e

Haddii dhagar inaad gaysataan laabtu dhigi waydo

Sidaad dhaab u soofaysateen haw dhabaynina

Cishadaad wax dhiilayn kartaan dhaafa tii culus

Dhanka eebahay xiga adduun wayska dhalanteede.

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilay

Inaan dhaabbadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed

Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaan-dhebi

Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan.

Dhab dhabluhu markuu yimi arlada may dhammayn talo

Waatay dhufaannadu khalqiga soo dhex geliyeen

Waa kii dhammaastiyo falkiyo keenay dhallanteede

Waa kii dhibaabada la yimi dheegga dheegaha

Waa kii dhufaysyada qotee dhoombir soo rogaye

Maatay dhankaas iyo dhankaas baahday dhiilladu

Markay dhabaqday waa kii shacbigu soo dhalaashadaye

Waataad dhadhaabtiyo budkiyo dhagaxa boobteene

Gobannimada waa tii dhagdhago dhaanto loo tumaye

Dharaartaana waad wada jirteed dhiiftu kululayde

Waa loo dhammaa maalmihii laysu dhaarsadaye

Hayeeshee ma sii dhugan caqligu teeda dhinac tiille

Dhiilladu halkay weeran tahay looma faal-dhigine

Waa tii la dhaawacay markay dhalatay guushiiye

Weligeed dhan baa qaawanaa dhidibadeediiye

Xaajadu intay dhowdahay dhaymo leedahaye

Shinkeedii markay dhaaftay bay keentay dhabandheebe

Dhab-darro uma tgoosine nabsigu wuu dharaarsadaye,

Dhacan baa la saaraa halkuu eel ka dhowdahaye

Markaasay dhurwaagiyo colkiyo dhawrta celisaa

Nin dhug lihiba wuu garanayaa suul dhabaalaha

Dhabbadaad u xaadheen ninkii soo dhus layn jiraye

Dhextaalkeeda goortuu hubsaday soo dhabacateeye

Dhalliilaha markuu sahansaduu meel ka soo dhacaye

Dhawaaq toosiyow baxay lugtii dhaaftay jeeniga

Waa kaas dhaqaaliyo hub iyo dhoof u soo helay

Dhuxul hoos ka nool iyo dabbaa soo dhabiib kici

Dhacadiidka xaajada gashiyo dhabano hayskeeda

Markii aan dhab deyey baan is idhi dhacanta sii saare

Af dhabaan-dhabkeedii haddana waan ku dhiiradaye

Dhanbaalkii digiintaan is idhi caawa yuu dhixine,

Dheehda rashiidow mar baan neefka loo dhigine

Magaceeda oo laba kordhaban yey dhawelantaa

Marka dhiilka lala hoos galay meelo dhugtaaye,

Ummadyahay dhabbaa loo hadlaa waa is dhigateene

Dulmigii lafaa dhuuxaybaad dib-u-dhar-dhaarteene

Ummad baad xaqeedii dhammaa dhababka saarteen

Gunaadkii naftii weli ma dhigin waase dhiig baxaye

Garaadkiinu waa dhaafsan yahay dhiilka buuxsamaye

Maantana waxaa idin dhex taal tii dib loo dhigaye

Caaway u dhowdahay haddaa dhugasho siisaane

Haddaan dhaymo loo helin xujada mooyi tii dhici.

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilay

Inaan dhaabbadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed

Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaan-dhebi

Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan.

Dhillow yahaynku waa geed ka baxa dhuunta geed kale’e

Iminkuu dhabbada soo hayaa dhaankii reer Yurube

Nin kaastoo is dhoob-dhoobi jiray dhigaha loo laabye

Dheweraad hadday kala lahayd laysu soo dhuraye

Markii dhuuni loo rogay arlada dhoorku wada daalye

Dhalliinyaradu way dayriyeen dhalashadoodiiye

Waa taa ninkii dhowrsanaa qaad ku soo dhacaye

Waa taa dhabeeshii hiddaha dhaylo loo dubaye

Dhuuq-dhuuqlayaashii batiyo heen dhalaashuhu

Dheribay wada foortaa diidan dhaqankii

Dhaddigiyo labkeedii waqtigudhaal isugu keen

Ummaddii dhiraa kala lahayd ways dhex hurudda

Dheg dhegiyo lafaa dhuubtay iyo dhogor xumaantooda

Qaraamaad markay wada dhantaa dheehu doorasamay

Hadday dhoojo wada yeelatiyo dhiico iyo tuure

Haddii dhawrasaan lagu yiqiin dhimay hankeedii.

Dhibaatada xilkeedii horaa ugu dhabcaasheene

Maantana sidii dhagax dixeed hawgu sii dhegin

Inta shay la dhawrtiyo haddaan diinta kugu dhaarsho

Haddaan dhaar carriyo caaggan iyo dhaar cas kugu dhaarsho

Inta gabay dhaf leeyahay haddaan kaaga dhira fuulo

Haddaan dhaho haddaan dhigo haddaan weli dhiib-dhiibo

Anigoon wax kuu dhimin haddaan dhegaha kuu buuxsho

Dhaq-dhaqaaqa ma kaa iman karaa dhiillo lagu baajiyo.

Dhabtuun baa khalqigu diidayaa meesha dheer tegaye

Dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye

La dhex joogi mayo arlada dheelmashow qorane

Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal dhiilka aakhiro

Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahaye

 

WABILAHI TOWFIIQ

 

Saleebaan Maxamuud Dhiidhi

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers