Wararka aanu ka helayno Madaxtooyadda Garowe ayaa wax ay sheegaan in maantay uusan gabi ahaanba goob joog ka aheyn shirkii maantay lagu saxiixday heshiiskii ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda, taasina waxaa loo aaneyay ka dib markii uu irida hore ee Madaxtooyadda Garowe Garaad Jaamac Garaad Cali nin ay ehelo yihiin ka celiyey Xoghaynta Gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland Mudane. Aadan C/raxmaan Cali (Aadan Doolar)
Heshiiska maantay la gaaray, oo usan ka qeyb gelin Isinka ugu weyn Beelaha Goboladda SSC Garaad Jaamac ayaa ahaa, mid u qornaa sidan:-
1-Sida Dastuurka Puntland ku cad gobolada Sool Sanaag iyo ceyn waa qeyb ka mida Puntland mana kala gu´i karaan.
2-In Masuuliyada soocelinta deegaanada ay leedahey dawlada Puntland.
3-In doorka Isimadu yahey Xalinta
Khiaafaadka, dhex dhexaadinta Umada, mideynta beesha, wacyi galinta iyo Abaabulaka oo lagama maar maan u ah soo celinta deegaanada maqan.
4-In la joogteeyo wada tashiga iyo iska warheynta Isimada iyo dawlada, waxaana ugu danbeyntii halkaasi looga mahad Celiyey Xildhibaanada dawlada Fadaraalka Soomaliya ee ka soo jeeda deegaanada Puntland oo qeyb libaax leh ka qaatey wada halka labada dhinac ee xiriirkoodu aanu mudooyinkan wanaagsaneyn.
Heshiiskaasi ayaa Puntland u saxiixa Wasiiirka Arimaha Gudaha Dawladaha Hoose & Hormarinta Reer Miyga Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilkajiir),dhanka Isimadana waxaa usaxiixay Isimo aan Magac weyn ku laheyn Goboladda SSCayn.
1. Garaad Saleebaan Garaad Maxamed
2. Garaad Abshir Saalax
3. Suldaan Siciid Cusmaan cali
4. Garaad cali Buraale xasan
5. Garaad C/laahi Axmed cali
6. Garaad maxamuud Cismaan mashqare
7. Garaad saleebaan Buraale Aw aadan
8. Ugaas Faarax maxa,uud Cali
9. Garaad C/laahi Garaad Soofe
Dad badan oo u dhashay Puntland ayaa wax ay isweydiinayaa, Sababta ka dambeysay in Xoghaynta Madaxweynaha uu irida ka celiyo Madaxda Sharafta iyo Sumcada ku dhex leh Puntland.
Bahda Warbaahinta Puntland, oo xilligaas goob joog ka aheyd ayaa wax ay wax laga xumaado ku tilmaameen tilaabooyinka uu Aadan Doolar iyo Wiilka Madaxweynaha Puntland Farole ay weli ka wadaan Garowe, kuwaas oo sababi kara Kacdoon shacabka ah.
Dadka reer SSCayn iyaggana, kuma qanci doonaan heshiis uusan saxiixin Isinkooda Sharafta iyo Xurmadda ku dhex leh Soomaaliya.
Liibaan Madoobe
Garowe, Puntland
ssc kulaha boowe dhulbahante waa jibaysan yihiine wersengeli baa habar majeerteena eh xeebta lasqoray mowga qaad naa mise isaq baa ka qaadaaya ay ka baqayaan
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk anwarooow sxb xaasid baa tahay waayo adoo og wersengeli iyo dhul bahan te inay labaduba xad la lee yihiin isaaqa oo aanay jir wax dhulah oo taariikh da lagu hayo oo ay ka qaadeen beesha war sen geli aad na og tahay inta dhul ay ka qaadeen dhul bahante mar ka laga soo bilaabo ilaa caynaba garadag iyo ilaa dogobleba oo iminka deg mooyin ubadan oo ardayda iyo naagaha ay qabaan oo laascoon laga raafo lagu xidh xdho laacaanood na ilahay majeer teen ubixiyey haday usoo celiyaan hadiikale halkii caynabi martay maraysa baarabtaa inaad laas qoray siisid dil baa ba tahay toogasho ah kkkkkkkkkk