Somali Iyo Carab Dagaal Ku dhexmaray Sweden

Habeenimadii Taariqdu ku beegneyd 15 March Ee Bishan waxa magaalada Umeå ee dalka Sweden lagu dilay Wiil Somali ah, kaasi oo la sheegay inu ku dhintay Isku dhac dhexmaray Dhalinyaro Somali ah Iyo Kuwa Carab ah, Wiilkan Somaliga ah ayaa la sheegay in lagu magacaabo Khaled Faysal, Waxana Meydkisi ilaa hada ku jira Gacanta Ciidanka Booliska ee Magaalada Umeå

Sidoo kale Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku haya Labo wiil oo kale oo ka mid ah dadkii dagaalka ku jiray kuwas oo dhaawacyo qaba, una dhashay Somaliya, Iyo weliba Labo Wiil oo Carab ah oo iyaguna aha dhinacii kale ee Dhalinyarada Somalida la dagaalamayey

Ciidanku weli Faahfaahin kama bixin Shilkan iyo Sababaha aay ku dagaalmayeen Dhalinyarada Somalida Iyo Carabta ah, Waxana jirin sidoo kale wax faahfaahin ah oo ka soo baxaysa Dhaawaca labada dhalinyarada ah ee Xabsiga lagu hayo iyo Sidaa aay wax u qaban

Arrintan ayaa noqotay mid sii weyn aay Somalida ku dhaqan magaalada Umeå u hadal hayan iyaga oo ka welwelsan Xaalada Dhalinyarada Somalida ah ee Xabsiga ku jiro Iyo weliba Sidaa aay Xaaladoodu tahay Xiligan

Yusufjournalist@yahoo.com

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers