Gabadho Ajaanib Loo Aroosay

Alshabaab ayaa u guurisay Gabadho qaarkood da’dooda ka yar tahay Sagaal Sano oo Somali ah, ragg Ajaanib ah oo la sheegay inay ka soo kala jeedan Wadamada Pakistan, Kazakhstan, Iyo Weliba Yemen, waxana la sheegay in Aan lagala tashan Waalidka dhalay Gabadhan in ragga loo guuriyo iyo in kale, Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in Gabadha qeybtood aysan raali ka aheyn guurka, in kasta oo kuwa ka mid ah Gabadhu aay Raali ka ahayeen arrintaasi

Guurkan waxa u ka dhacay magaalada Marka Ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maalinimadii Isniinta, Waxana Tirada gabadha aay ahayeen sidaa la sheegay 13 gabadhood, kuwas oo labo ka mid ah da’dooda lagu kala sheegay 9 Jir, Iyo 8 Sano Jir, uuna muuqda Caruur aan waxba ogeyn

Dhamaan Gabadhan marka laga reebo Hal Gabadh oo la sheegay inu ka dhintay nin Alshabaab hore uga tirsana, Intaa kale waxay dhigan jireen Dugsi ku yaala Magaalada Marka oo u Macalin ka yahay nin Lagu Sheegay Magaciisa Macalin AbuBakar Abu Salama, kaasi oo la sheegay inu ka dambeeyey Qorshaha u guurinta Gabdhahan Raggan Ajaanibta ah ee Alshababa ka tirsan, Kuwas oo qaarkood aysan waxba ka aqoon Afka Somaliga, ayna dhib ku noqon doonto Gabadha Fahamka Ragoodan Cusub

Labo Asbuuc ka hor ayey aheyd sidaan oo kale markii Ninka u dhashay dalka Mareykanka ee ka tirsan Alshabaab Abu Mansur al-Ameriki u gabadh sidaan oo kale ugu guursaday degaanka Baraawe ee Islaa Gobolkaasi halkaasi oo aay u joogto Xaaskii Saddexaad Oo Somali ah

Dhinaca Kale Ma’aha markii ugu horreysay ee Alshabaab Gabadho Somali ah ku daaran ragg ka tirsan Ciidankooda Ajaanibta ah, Balse hoorantii Sanadkii hore ayey aheyd markii sidaan oo kale Gabadho Somali ah aay ugu dareen Ragga Ajaanib ah oo ka soo jeeda Wadamada afghanistan Iyo Pakistan

Intaa badan Shacabka ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Xarakada Alshabaab waxay ku heysa Dhibaatoyiin aan la soo koobi karin, Kuwas Odayaasha degaanku

Maslaax Cabdi

Maslaaxcabdi@hotmail.com

4 Responses

  1. somali fans aad baan uga xumahay inaad faafisaan waxyaalahaas foosha xun oo aad sooo bandhigeeysaan tan kale alle kacabsiga ayaaba idinku yar saan hadalkiina ka dhadhansanaayo alle ka baqa oo joojiya dacaayadaha aad la wareegeeysaan bilaahi calaykum mida aan layaabay waxaa weeyaan sawirka aad soo xadeen gabdhaha yar yar ee madaarista dhiganaya hada kahor ayaa lasoo galiyay somalimirror ayadana waaa inaad raali gareen ka bixisan si dhaqso ahna uga saartaan meeshaas

  2. Gabdhihii aad kufsanjidheen hadii guur xalaala ay heleen maanta waa mahad ilaahay waxaana iskaleh amaanteeda alle kasakow walaalaha xarakada Alshabaab ilaahayna waxaan uga baryaynaa inuu liibaan aduun iyo mid aakhiro isugudaro Mase ogtahay hadii ajaanimnimadu ceebleedahay inay gabdhihii soomaaliyeed baabuurta usaaran yihiin jumaykaan aan xataa diin lahayn mana cada jumaykaanku xilligii ay afsoomaaliga barteen sidoo kale gabadhaha xaaraanta iyo sinada ay baabuurta ugu saaran yihiin jumaykaanka dibjirkaa inay yaqaanaan luuqada jumaykaanka kolay waxaan filayaa hadaadn uga raalinoqon inay guursato ninmuslima inaad raali uga tahay inuu kasinaysto jumaykaan iyo cadaan buuryo dheer marka waxaad islahayd ceebee shabaab laakiin waxaa kaaraacay waxaan la arag oolamaqal lagana sheekayn karin mida kale beenta markaad sheegayso waxaa haboon been xataa lagaa dhagaysankaro inkastoo beeni aanay lahayn dhadhan iyo meherad toona alshabaab waxay aaminsan yihiin gabadh wali la aan inaanay mehersamikarin taasaana diin u ah madoonayaan inay masaafaystaan sidaad kucaana maali jidheen hadaadba wax kagaranayso waxaana muuqata inay kuhaysato dhawr arimood waatanhoree waxaad lasocoto oo yarbaan jidhin iskaba daa wax badane waxaa kale oo kaamuuqata inaadan gadhankadhin cida lagu tilmaamo ajaanib waxaanse umalaynayaa laba inaad midkood tahay waa tan horee inaadan haysan diinka gadhuhu haystaan waana mida aan isleeyahay waxay keentay hadalka ajnabi tankale inaad tahay midaan aqoon diinka ee layudhi waxaad tahay muslim waayo labada qof ee muslimkaa walaalo weeye ajaanimna makala ahan xaga dalka iyo dawlad nimada

    Gabdhihii kufsiga iyo
    kadeedkiyo dhibbadan qaba
    Haday maantay dhaqan iyo
    Xushma dhaba helaayaan
    Madhaliil lasheegaa
    Dhogor xumadi shalaygalab
    Hadaanay dhacayn abid
    Waa mahad ilaah dhigay

  3. As/c.
    Walaalayaal waa inaa illaah kacabsataan oo gabdhaha gabdhaha masaakiinta iska dhaaftaa maxaad.
    Qalad weyn baad sameeyneeysaan.
    Gabdho oo yayar oo waalidkooga waxba ka ogeen baad guurineesaan.
    Waxaan u sheegayaa Alshabaab in ay iska joojiyaan.
    Maficana wax qalad nigula taageero.
    As/c

  4. ASC WR WB GUULED IYO MAXAMED WAXAAD KU HADLEYSIIN WAA WAX QALDAN GABAR KA YAR 9SANO OO JIRTA 8SANO MA QAAN GAARIN XITAA MAXAY GUUR KA OGTAHAY MA WEYNA ILAAH LAGA BAQEYNIN WAXAAD GARAB SIINEYSAAN KUWII NAGA HALEEYAY WADANKEENA EE NAGA HABAABIYAYA WAALIDIINTEENA IYO CARUURTEENA MA WAXAAD GABAR SIINEYSAAN KUWI NAGA DHIGAY DANBIILE WAA KAN OO MEEL KASTO OO LAGA SAFRO AMA WADAN KASTO OO QURBO AH HADI SOMALI AY MAQALAAN NA DHAHAYAAN WAA KUWI DADKA ISKU QARXINAYAY OO AANA NOOLA OGELEEN INAAN SI SAANI AH WAX U QABSANO MA WAXAAD GARAB SIINEYSAN KUWA AAN KALA AQOONIN XAQA IYO XAQ DARADA MA WAANA ILAAH LAGA BAQEYNIN INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN ILAAH WUU UJEEDA DHIBKA NA HEYSTO MAALIN WANA KA BIXI DOONA WALAHI ALSHABAAB WAX AY MUJAAHIDIIN YIHIIN MALAHAN WAXAANA KA MASKAX BADIYAY OO DUUFSADEY DAD AYAGABA WADANKOOSA SO BURBURIYAY OO KU DHAWAAD 30 SANO INKABAD DAGAL KUJIRAY WAR ALE HALAGA BAQO WAR QABRIGA AYAA NAWADA SUGAAYO OO CIDNA KULA GALEYNIN WAR CADAABTA AAQIRO HALAGA BAQO SUBXAANA ALAAH INTEE KA DHACDAY QOF ASHAHAADANAAYO OO LA DILAAYO BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM INAA LILAAHI WAINA ILEYHI RAAJICUUN ILAAHOW NA BADBAADI WAAN BAA’BA’NAYE

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers