Xasan Abshir Oo Warsidaha Somalifans Online ku Sifeeyey Mooryaan Internet

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax ayaa sii kulul u weeraray Warbaahinta Somalifans Online isaga oo ku tilaamay Mooryaan Internet oo aan waxba ka aqoon Xeerka Iyo Anshaxa Saxaafada, Xasan Abshir Faarax oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Hotel Guuleed ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in Been Abuur aay Ka Faafisay Somalifans Online

”Waxa xaqiiq ah in Warsidaha Beenta iga qoray ee la ii sheegay in lagu magacaabo Somalifans Anigu ma arkin balse dad ayaa ii soo sheegay waxa muuqda inu yahay mid beenlow ah, horena wararkiisa waa loola socday, dadka qorana waa lagu daba jooga, Sharciga ayaana la hor keeni doona waana lala xisaabtami doona Maalin uun ha noqoto, Tii Allena waa u dheer tahay waayo Dad Muslim ah ayaa Maalin kasta been loga sheegaya, Waxan leyahay Waa Beentina Socon Meyso, Anigu iskama Casilin Xildhibaanimo, kumana fekerin, Iyaga og meesha aay warka ka keenen, waxan halkan u jooga arrimo la Xiriira Adkeynta Xiriirka Dowlada KMG Iyo Weliba Puntland” Ayuu yiri Xildhibaan Xasan Abshir Faarax

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa Su’aal aan jawaab laheyn ku tilmaamay markii la weydiiyey Su’aal aheyd inu iibsaday Gurigiisi Garoowe, Waxana u isaga oo Careysan ugu jawaabay Wariyaha Su’aasha Weydiiyey oo aha Cabdinaasir Yasiin (Wariyaha SBC Ee Garoowe). ”Adeer Su’aal Xumi Jawaab ma leh, Diyaarna uma Ahi Inaan ka jawaabo Su’aashan Xun ee aad la timid Madasha, kaliya waxan meesha idiinku yeeray inaan beeniyo inaan Xildhibaanada Dowlada iska Casilayo”

Dad ku dhow dhowa Xildhibaan Xasan Abshir ayaa sheegay inu Xildhibaanku aad uga carooday Warka ku soo baxay Somalifans Online isla marka u Dhiig Kaar ka qaday, Waxana jira wararr sheegaya in Xildhibaan Xasan Abshir loola Cararay Isbitaalka

Liibaan X.Madoobe

Garoowe, Puntland

Madoobe11@live.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers