Guddiga doorashoyinka Oo Soo Dhameystiray Xurumahoodii Doorashada gobolada

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay inay soo dhammaystireen soo dhisitaanka Xafiisyadii doorashada ee gobolada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan

Guddigu waxay kaloo caddeeyeen in kaarar cusub ay bixin doonaan oo kuwii hore waxba kama jiraan noqondoonaan marka dhowaan ay soo saaraan liiska codbixiyaasha ee rasmiga ah, kaararkaasi oo ay sheegeen in qandaraas ay ku bixiyeen

Afhayeenka Guddiga doorashada Maxamed Axmed Xirsi oo warkan soo saaray ayaa laanta Afka Somaliga Ee BBC-da u sheegay in Xubnihii Xisbiyada u joogi lahaa Xafiisyada ay weli dhiman tahay, laakiin ay hadda soo magacaabeen oo keliya xubnihii guddiga doorashada u shaqeyn lahaa

Afhayeenka guddiga Doorashoyinka Qaranka ayaa waxa kale oo uu sheegay in hawsha sixitaanka liiska cod bixiyeyaasha in ay meel Wanaagsan u mareyso, isagoo intaa raaciyay in dhawaan ay soo bandhigeen khaladaad galay meesha oo uu sheegay inay ahaayeen dad caruur iyo Ajnabi u badnaa Sidaa u hadalka u dhigay

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers