Xasan Abshir Oo Iibsaday Gurigiisi

Xasan Abshir Faarax Oo ka mid Ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya in dhowaalana ku sugna Magaalada Garoowe ayaa la soo sheegaya inay soo food saartay Xaalad Dhaqaale Xumo oo sababtay inu Gurgii aad u weyn oo u ku laha Magaalada Garoowe ka iibsado Abshir Cabdullaahi Booyaax oo aay Ehelo Hoose yahiin kana mid ah Saraakiisha Madaxtooyada Puntland

Mr Booyaax ayaa la sheegay inu Guriga Xasan Abshir kaga iibsaday Lacag dhan $73 Kun oo Dollar (Saddex Iyo Toddobatan), Gurigan ayaa dhinaca ku haya Xurunta Madaxtooyada ee Magaalada Ee magaalada Garoowe

Dad ku dhow dhow Xildhibaan Xasan Abshir ayaa sidoo kale sheegaya in Xildhibaanku baxsad yahay oo u ka soo cararay dhankii Dowlada Federaalka madama u Busaarad kala kulmay Dhinaca, Isaga oo la sheegay in Deyn aad u fara badan u galay, Waxana jira warar sheegaya inu ku dhawaaqi doono Maalmaha Soo Socda inu Oday Somaliyeed yahay isla markana ka baxay Baarlamaanka DFKMG

Xasan Abshir Xiligan waxa u degan yahay Hotel Guuleed oo ka mid ah Hotelada Raqiiska ah ee magaalada Waxana u Habenkii ku Seexda Hotel-ka lacag dhan 40 Kun Oo Shilin Somali ah (Afartan Kun), waxana la sheegay inu Hotel-ada waweyn oo u hore u deganan jiray uga cararay Kharash la’aan iyo Dhaqaala Xumida soo food saartay

Xasan Abshir Waa Siyaasi in badan laga yaqano Dalka Somaliya Xilal badana ka soo qabtay Dowladahii kala gedisna ee Somaliya, Waxana dad badan oo yaqana ku tilmaaman Nin Xukun jecel waxana la sheegay in Lacagtii aay kaga dhamatay Siyaasad Sidii u daba joogay

Xiligan dad badan ayaa Aaminsan in Xasan Abshir uusan Siyaasada ka bixi doono Madama uu ka soo quustay Dowlada Federaalka Ee Sheekh Shariif, Sidoo kalena Dowlada Puntland u Madax ka yahay nin aay dhanka Siyaasada isaga soo horjeedan, Madama aay Isku Khilaafeen Doorashadii Puntland ka dhacday Sanad iyo Labo Bilood ka hor

Liibaan X. Madoobe

Garoowe, Puntland

Madoobe11@live.com 

6 Responses

  1. Dad weynoow bal arka waxa eey soo qoreen dadkan iska leh webside-kan. Ninka la yiraahdo Abshir Cabdullaahi Booyaax, ma burcad badeed baa mise waa mas’uul ka tirsan madaxtooyada Puntland? Ddweynoow jawaab ka soo bixiya.

  2. subxaana laahi war walaalayaal intaad waxaas oo baan ah qoraysaan allaan idinku dhaarshaye labo kalmo oo run ah qora war qabrigiina ubaqa waad mahadsantihiin

  3. sxb yuusuf wan kusalaamayaa salaanta sxbtinimo iyo mid derisnimoba

  4. waxaan ahay gabar uu wasiir dhalay waxaan marag ka ahay in xasan abshir farax maalin maalmaha ka mid ah uu shaxaad u soo tagay aabahay oo markaa kugnaa gurigaasa.
    qof waliba wax ayaa u baahan yahay lakinse ,waxaa keentay is saxaafada lagu qoro mr abshir xilaalka badan oo ka soo qabtay pl iyo somaliya.
    dadka iga horeeyay waxaan u sheegayaa in ay cayda gadaayaan warbaahinta somalifans , somalifans waxay mudan tahay kudayasho , tusaalaha aan soo qaatayna waxay xujo u tahay in mr abshir xaalad xun la soo daristay , haduu gatona gurigiisa waxba kuma xirna .

  5. XASAN ABSHIR FAARAX , XAFIDAHULAAHI TACAALA, waa madaxdii ciise maxamud, iyo maxamud salaabeen , cadowgiis hadhaco, adeer inan gumeedka waxaan soo qoray , webkaana wax ku qora waa la yaqaana, ciyaalka kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee ku dulman puntland, reer bari indha fiishle, adeer afka ayeey kaaga hartay, raganimo waa tan bari iigu kaa keentay aan qooraha madaxa kaala dhacayo, hade horaa looyiri habar gusku jiraa waxay ku hadashaa waa hiih hiih , marka adeer ragiina ilaashada, ileen waad dumarowdeene.

  6. hi why are you so low. desparate people. this is man is always giving money to the poor here and talking peace all the time…. a gentelman. waryaada dekada bosaaso yaa leh waad ilow deen. intii majeerteen magaciisa jiro xasana waa jirayaa….. abihiin wasa dadka somali neceb….

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers