Allaah Ha u Naxariiste Fanaandii Saafi Ducaale Oo Maanta Hargeysa ku geeriyotay

Fanaanadii Codka Hallaasiga ah laheyd ee Somaliyeed Saafi Ducaale ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, halkaasi oo galabta lagu Aasay, Fanaanada ayaa ka mid aheyd Fanaanintii Hobolada Waberi in kasta oo markii hore aay ka tirsana Fanaanintii Xooga Dalka, Saafi Ducaale ayaa la sheegay inay ku dhalatay meel wax yar u jirta magaalada Berbera, Waxana aay Ifka kaga tagtay Afar Caruur ah Saddex Wiil iyo Hal gabadh

Allaah ha u naxariiste Saafi Ducaale ayaa in muddo ah u jiiftay Beer Xanuun, Waxana Aaskeedii maanta ka qeyb galay Fanaaniin aad u fara badan oo Somaliyeed

Bahda Somalifans Online Waxay Tacsi Tiiranyo leh gaarsin dhamaan Fanaaaninta Somaliyeed meel kasta oo aay joogan, Sidoo kale waxan Tacsi u direyna Ehelada Marxuumad Saafi Ducaale, Waxana allaah uga baryeyna Marxuumada Inu Janadii fardowsa ka warabiyo Amiin Amiin Amiin

FG. Fadlaan Wixii Tacsi Ah ku Qor Qeybta Hoose ee Fikiradaha Insha Allaah waan soo bandhigi doona Intii Suurta Gal ah

6 Responses

  1. hadii aan ahay mustafe ismacil yusuf biyayste waxan halkan dhanbaal aad u qiiro badan ugu diarayaa eheladii qaraabadii ay ka baxday marxuumada saafi ducaale cali dhagaxay ala ha u naxariiste waxay ahayd qof aad u macquul ah isla markaasna isu soo taagi jirtay waayeel iyo caruurba isla markaasna dadku ay wada jeclaayeen
    alaha u naxariistee waxan si gaar ah ugu dirayaa caruurtii ay ka baxaday oo kal ah

    cabdi risaaq
    maxamed
    bashiir
    iyo inanta
    isla markaas na aan leeyahay ilahay samir iyo imaan ha inaga wada siiyo inagana ku wii ku cibra qaata ale ha inaga dhigo aamin aamin

  2. I hope inaay toobat keentay

  3. walal aniga o ah hibo maxamed xaaji muuse kuna nool magaalada cariga ingiriska waxan halkan tacsi uga diran fanaanada safi ducaale oo ku geriyotay magalada hargeysa shalay ku geeriyoday magaalada hargaysa waxaanilaah ugu baryeeya janaddiisa Fardoowsa ka waraabiyo inta muslin amiin amiin amiin caruurtooda iyo wexeey sii dhaleena ehelka iyo asxaaabtana samir iyo iimaan inuu Rabbi ka siiyoo amiin

  4. salaan aan u dirayo bahda websitka iyo dhamaan bahda fanka soomaaliyeed iy umada soomaailda ah oo dhami ka dib waxaan taci u dirayaa sidoo kale ehelki iyo qaraabada iyo caruurti iyo asxaabti iyo dhamaan umada soomaaliyeed oo ay ka geeriyootay fanaanada magaca iyo maamuuska ku dhex leh fanka soomaalida ee Saafi Ducaale Cali illahayna naxariistiisa ayaan uga tuugaya fanaanada qiimaha badan igu leh qof walba oo fanka qiimeeyaana ku leh.

    Saafi runti waxay ka mid tahay fanaaniinta aan sida aadka ah ugu jeclahay heesahooda, waxaana dareenka iyo dhagahaba siiyaa marka aan dhagaysanayo hees ka mida heesaha ay qaado Saafi illahay ha u naxariistee…si guudna waxaan u jeclahay fanaaniintii hore ee Soomaalida oo aan is lahayn cid gaaraysa ayaa dib loo arki doonaa..

    Heesaha Saafi hadii aan wax ka sheego si aan u xasuusiyo inta aan garanayna waxaa ka mida heeso badan oo ay la qaado Fanaaniin ka mida kuwii hobalada waaber waxaana ugu badan fanaanka isna geeriyooday ee Sideetameeyadii ka mid ahaa fanaaniintii kusoo baxday heesihii hirgalay sida wayna loo jeclaa waagaas waa Axmed Inshaar Olol, heesta (Laab Dooxantaad Dawadeedi tahay, deeyra haka dhigin, dabna haygu shidin ee ila dadaal) ayaa sidoo kale ka mida oo ay Saafi la qaado Axmed Inshaar….iyo heesta kumee kuma arkee oo saafi, axmed inshaar, xasan diiriye iyo shankroon axmed yusuf sagal isla qaadaan iyo heeso kale oo aad u badan.

    runti saafi waa fanaanad si aad ah iigu wayn oo aan heesaheeda aad u jeclahay soomaali badna jecelyihiin…

    geerideedna inkastoo wax qadar ah tahay hadana waa mid naxdin leh, waxayna boos wayn oo dhaxani ay uga soo gasho ka banayn doontaa fanka soomaaliyeed

    ILLAHOW U NAXARIISO FANAANADEYNA SOOMAALIYEED EE SAAFI DUCAALE CALI INTI AY KA TAGTAYNA SAMIR KA SI AAAAAAAAMIIIIIIIIIIIIIN..

    WIXI AAN KA QALDAY HEESAHA SAAFINA HA LAGA RAALI NOQDO WAAYO MAAHI NIN SO JOOGAY WAAYIHII QIIMAHA BADNAA EE AY SAAFI IYO DADKII LA JIILKA AHAA SOO JOOGEEN BALSE WAXAA I BARAY OO KALIYA JECEYLKA AAN U QABO DADKII HORE EE SOOMAALINIMADU KU WAYNEED IYO HEESAHOODII MURTIDA MACAANAA…

    MAHADSANIDIIN…….

  5. saafi ducaale ilaahay janadu fardawda hawgu deeqo dadkii aqoonta gaarka ah u lahaa waxay sheegeen inay ahayd qof cibaadada ku fiican oo allaa ka cabsi badan qofka calaamadaas oo kale laysugu marqaati furaana aakhiro kuma iisho

    koley dhimatay ee maanta duco ayey inooga baahan tahay

  6. INAA NILAAHU WA INAA ILLEYHE RAAJACUUN.

    WAA GEERI NAXDIN LEH KUNA AH CID WALBA OO TAQAANAY AMA MAQASHAY SAAFI DUCAALE.

    Saafi ducaale illaaaahayow u naxariiso oo janatul fardowsa ka waraabi, ehelkii, asxaabtii & dhamaan bahda fanka soomaaliyeed ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka sii.

    Saafi ducaale waxay ka mid ahayd Fanaaniintii lagu aasaasay magaca aadka ugu weyn soomaali oo dhan marka laga hadalayo Fanka waa “KOOXDII WAABERI”.

    Waxay ahayd qof alle oo aad u cabsi badan cibaadada allena ku wanaagsan waxay ahayd Heesaa Codmacaan/ Actorad jilis wanaagsan. waxaanay ka mid ahayd Fanaaniintii Fara ku tiriska ahaa ee Dhinac walba Heesahooda ku cabiray, Waa Heeso Wadani ah, Kuwo Diini ah & weliba kuwa Jacayl ah.

    Waxaa ka mid ah intaan ka aqaan heesaheeda:

    1. Waa riwaayad duniduye waa riwaayad Duniduyee, Caashaqan Rabeeyaa Raacaan la Joogaa, Sidaa ramadka geelaa ilmaha ilmaha raarta loo dhigay, reemaan u ololaa u ololaa.
    2. Salaan macaan kuu soo dirayaayaye maqla oo gudoomaa (Famous in Hollidays).

    3. Laab dooxantood dawadeedi tahay dayra ha ka dhigiin dabna haygu shidin ee ila dadaal dabna haygu shidin ee ila dadaal (Saafi Vs A Inshaar).
    3. Africa Dabkaa u shidan (Saafi D, Khadra Dahir & A Cigaal)

    4. Haa haaaa isu nimi isu noolin isu naa………… hees aad u qaaliya weeye oo aan BBCda ka maqlay waana iyadoo aad u yar saafi & X Diiriye alle ha u naxariistee labadoodaba.

    iyo kuwa kale oo aad u badan

    illaahay waxaan u weydiinayaa Marxuumad Saafi Ducaale ali inuu cashrigiisa hoos geeyo oo uu Janataltul Fardoosa hooskeeda ku sugo.

    INNAA NILAAHU WAA INAA ILEYHE RAAJACUUN.

    By: D. Dhuxuloow

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers