Sheekh Shariif ”Waa Been Warbixinta Qaramada Midoobay”’

Madaxweynaha Jamhuuriyada Md. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay Xurunta Madaxtooyada ayaa ka hadlay arrimo badan oo aay ku jiran Warbixin uu soo saaray Guddiga daba galka Hubka Somaliya, Iyo weliba Heshiiskii Dowlada iyo Ahlu Sunna ku dhexmaray Maalinimadii Shalay Magaalada Addis Ababa

Madaxweyne Sheekh Shariif Waxa u ku tilmaamay Warbixinta Qaramada Midoobay Guddiga u qaabilsan daba galka hubka ka soo baxday Mid been ah, waxana u sheegay in Warbixinta laga soo xigtay meelo aan lagu kalsoonan karin

Sidoo kale waxa u ka hadlay Heshiiskii Dowlada iyo Ahlu Sunna shalay kala saxiixdeen waxana u sheegay in Heshiiskaasi yahay guul u soo hoyatay ummada Somaliyeed

Madaxweynaha Ayaa sidoo kale Ammaan u jeediyey Ciidamada waxana u sheegay in ciidanka Dowlada Federaalka KMG aay yahiin kuwa leesku haleen karo, Waxana u sheegay in Ciidanka Dowlada Somaliya aay markasta Diyaar u yahiin iska difaacida Cadowga soo weerara dalka iyo dadka Somaliyeed sidaa u hadalka u dhigay

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in Safaaradii u ku tegey dalka Ingiriisku aay ku soo dhamaadeen Guul

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers