Yusuf Xeefoow Oo Beeniyey in uu Saxiixay Heshiiskii Itoobiya Ee Ahlu Sunna Iyo Dowlada

Guddoomiyaha golaha fulinta ee Ururka Ahlu Sunn isku magacowday Maxamed Yusuf Xeefoow ayaa sheegay in uusan waxba ka ogeyn Saxiixina wax Heshiis ah oo dhexmaray Dowladda iyo kooxda Ahlu Sunna

Kadib markii maalintii maanta ay dalka Itoobiya Heshiis awood qaybsi ah ku gaareen Dowlada Awooda daran iyo Kooxda Ahlu Sunna ee lagu xanto inay u Adeegto Itoobiya ayaa waxaa qaarka mida Saxaafada Somalida lagu soo qoray in uu dhinaca Ahlu Sunna u saxiixay Heshiiska, Guddoomiyaha golaha fulinta Maxamed Yuusuf Xeefoow isagoo arrinkaasina si weyn u beeniyey Sheegayna in uusan wax shaqo ah ku laheyn Heshiiskaasi uusana saxiixin Aqoonsaneyna waxa halkaasi ka soo baxay

Yuusuf Xeefoow oo qaar ka mid ah saxaafada magaalada Guriceel la hadlayey kadib markii uu maqlay in qaarka mid ah saxaafada Somalida ee aan waxba hubsan lagu soo qoray in uu Heshiiska Itoobiya ka qeyb galay uuna isagu saxiixay dhinaca Ahlu Sunna waxa uu sheeciyey in uusan arinkaasi wax shaqo ah ku laheyn wax uu saxiixayna aysan jirin uuna si weyn uga soo horjeedo waxa Heshiiska loogu yeeray ee halkaasi ka dhacay.

Guddoomiyaha golaha fulinta Ahlu Sunna ayaa sheegay in lagu been abuurtay uusan shaqo ku laheyn waxa halkaasi ka dhacay ”Horay ayaana uga hadal nay oo markii kooxda Macalin Maxamuud Xasan ay noogu yimaadeen GuriCeel ayaan u sheegnay in aynaan wax shaqo ah ku laheyn arrinkaasi marka magaranayo sababta ku kaliftay qaarka mid ah saxaafada Somalidu in ay iga been abuuraan laakiin waxaan u sheegayaa in aan la xisaabtami doono kooxahaaasi beenta caadeystey” Ayuu yiri Maxamed Yusuf Xeefoow

”Anigu waxaan ahay Mas’uulka ugu sareeya Gudiga fulinta Ahlu Sunna, Waxana Idiin Cadeynaya in kuwa dowlada sheegta iyo kuwa kaleba ee ka soo horjeeda in Dagaal naga Dhaxeeyo, mana dhaceyso in aan qaarna la dagaalano qaarna la heshiiyo suuro galmaahan kooxaha Itoobiya joogaana ma metalaan Ahlu sunna” Ayuu si caro leh u yiri Xeefoow

Xeefow oo hadalkisi Sii wota ayaa yiri ”Gudiga Fulinta iyo Gudiga Shuuradu waxba kama oga waxa ka socda Itoobiya sidaasi awgeed waxey utaalaa kooxdii soo Saxiixday iyagaa laga rabaa in ay meel geeyaan oo meel mariyaan waxa ay soo saxiiseen”

Maxamed Yusuf Xeefoow ayaa isagu ka mid ah horjoogayaasha Maleyshiyaadka Khabuura galeenka ee sida weyn uga soo Horjeeda Qorshaha uu horboodayo Macalin Maxamud Sheikh Xasan oo isagu hurmuud u ah Shirka maanta lagu Saxiixay Dalka Itoobiya

Cali Yarre

Cyarre@hotmail.com

Advertisement

One Response

  1. A/C, anigu waxaan aad ugu bogaa bogga somalifans rag iyo dumar cid kasta oo qortaahi marka ay suufiyada ugu yeeraan QABUURO GALEEN, … wallaahi waan yaabay siday agacaa ugu bixiyeen iyo sida ay ula heleen, wuxuuna iila mid yahay magacii loo bixiyey baabuurka cabdi bilaha la yiraahdo oo sida badan adeegsadaan qabqablayaasha iyo mooryaantoodu waxana loo bixiyey TUUGO XAMBAAR kkkk, bal ilaah baan idinku dhaarshee sow labo magac oo yaab leh maahan, waxan sugayaa magac loo bixiyo kuwa shabaabka la baxay ee hawsha ka dhigtay qabuuro qufow aan weligeen na soo marin, marka hadda waxa ay ku dagaalaan iyaga iyo suufiyadu waa qolona qabuuro baryihii baa lugu salladay qolona qabuuro qufid baa lugu salladay, ha dumiyeen intii dhismo ku siyaado ah oo diintu diiddey laakiin maxaa keenay inay lafihii la baxaan, taas ayaan anigu ku nacay.

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers