Wararka Ka imanaya Magaalada Ceerigaabo Ee Xurunta Gobolka Sanaag ayaa sheegaya In Saddex Nin lagu dilay Labo kalena lagu dhaawacay meel wax yar u jirta degaanka Tuulada Tooraboora, Dadkan ayaa la sheegay inay Woteen gaari nooca iskarogo nooca Somalidu u taqano ah iyaga oo ka doontay Meel banaanka ka ah Tuulada Niis kuwa Guryaha lagu dhiso ah, Waxana dadkan la sheegay inay dileen Dabley hubeysan oo ka timid dhinaca Degaanka Sarmaanyo ee Gobolka Sanaag
Tuulada Toorabooro ayaa ah meel la Aasasay labo Sano ka hor waxana aay ku taala Intaa u dhaxeysa Tuulada Qol Iyo Degmada Sarmaanyo, waxana shilkan u dhacay Sidaa Somalifans Online u sheegay Taliye ka tirsan Ciidanka Jamhuuriyada Somaliland ee Ku Sugan magaalada Ceerigaabo Maalinimadii Sabtida ee la soo dhaafay
Dilka raggan ayaa lala xiriirin inu Salka ku hayo Aano Qabiil, Waxana Jira warar sheegaya in Xaaladu aad u kacsan tahay iyada oo laga dareemayo degaanada Dhahar, Xingaloo Iyo weliba Baran Abaabul iyo Hub Urursi, Waxana weli muuqan in Odayaal ku dhex jira arrinta sii loo Xaliyo Xiisadan
Ma’aha markii ugu horreysay ee Beelahan oo ka soo kala jeeda Dhulbahante Iyo Warsengeli aay dirir Iyo Dagaalo dhumalaysi ah dhexmaran
Filed under: Wararka Tagged: | Somaliland