Dowlada Iyo Ahlu Sunna Oo Heshiis Kala Saxiixday

Dawlada Federaalka KMG ah ee Somaliy iyo Kooxda Ahlu Sunnah Wal Jameeca oo iyadu ka Talisa degaano ka mid ah Gobolada Dhexe ee Dalka Somaliya ayaa qalinka ku duugay Heshiis, Waxana Heshiiskan lagu kala saxiixay Xurunta EU-da Ee magaalada Addis Ababa Radio SomalifansDhegeyso

Labada Dhinac oo iyagu Maalmahanba Shirar uga socdeen magaalada Addis Ababa ayaa ugu dambeyntii Heshiiska maanta Qalinka ku duugay, Waxana Heshiiska la sheegay in sii weyn logu cadaadiyey labada dhinac inay Saxiixan, Kooxda Ahlu Sunna waxa u saxiixay Heshiiskan Madaxa gudiga fulinta Maxamad Yusuf Xaafow, Dhinac Dowladna waxa u Saxiixay Shariif Xasan Sheekh Aaden Wasiirka Maaliyada, Iyada oo Sidoo kalena aay Munaasibada goob joog ka ahayeen Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Iyo weliba Maxamud Macalin Xasan oo ah Gudoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna-da Gobolada Dhexe

Kadib Markii Heshiiska la saxiixay Ayaa Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aaden oo dowladda u saxiixay heshiiskaasi u Idaacada VOA-da Laanta Afka Somaliga u Sheegay in heshiikaasi yahay mid Somaliya dhibaatada ka saari doono Sidaa u hadalka u dhigay, isla markaana ay si wadajir ah iyaga iyo Ahlu Sunna uga soo wada horjeesan doonaan Alshabaab

Shariif Xasan wuxuu sheegay in lagu heshiisyay in awood la qeybsado oo Ahlu Sunna xubno ka tirsan aay Golaha Wasiirada wax ka heli doonan

Wasiirka Maaliyadu wuxuu beeniyay inay jiraan kooxo kale oo ka tirsan Ahlu Sunna oo diidan heshiiskan, Sidoo kale Wasiirka Maaliyadu waxa u sheegay in Dowlad Ethiopia ay Heshiiskan qeyb libaax leh ka qadatay

Afhayeenka Ahlu Sunna ee Qaarada Yurub Maxamed Xuseen Awliyo ayaa isaguna dhankiisa waxa u Sheegay in heshiiskan u yahay mid lagu mideyn cududa iyo awooda dowlada iyo Ahlu Suna, isla markana aay noqdan doonan iyaga iyo Dowladu Hal Awood oo iska difaaca Cadowga sidaa u sheegay

Awliyo ayaa sidoo kale sheegay in Heshiiska la filayey inu dhaco Jimacdii la soo dhaafay balse uu baaqday, Sidoo kale waxa u qiray in Isaga laftigiisa lagu Xiray Hotel Hilton oo aay degan yahiin, Waxan u ku sheegay Sababaha loo xiray Khilaaf soo kala dhex galay dhinacooda in kasta oo aay markii dambe ku guuleysteen Xaalintiisa

Waraysi Wasiirka Maaliyada Iyo Afhayeenka Ahlu Sunna Ee Qarada Yurub 

In kasta Oo Ahlu Sunna sheegtay in Khilaaf uusan hada ku dhex jirin iyaga hadana waxa jira warar sheegaya in Xubno badan oo ka tirsan Ahlu Sunna Heshiiskan diidan yahiin

Heshiiskan ayaa aha mid aay dabada ka riixeyso Dowlada Ethiopia oo garab ka heleysa Eu-da

Heshiiska Ahlu Sunna Iyo Dowlada ku dhexmaray Addis Ababa ayaa haddaba dad badan Suugi doonan bal sidaa u dhaqan galo iyo waxa u ku soo kordhiyo Xaalada Murugsan ee Dalka Somaliya ….

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers