Madaxweyne Shariif Oo Muqdisho Ku Soo Guryo-noqday

Waxa Maanta Barqanimadii ka soo degtay garoonka Aaden Cadde International Aiport Madaxweynaha Dowlada Federaalka KMG ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi balaaran oo u Hoggaaminayo, Madaxweynaha ayaa waxa halkaasi waxa ku soo dhoweeyey Dadweyne aad u fara badan iyo weliba Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda waxana loo gelbiyey dhanka Madaxtooyada Villa Somaliya

Sheekh Shariif ayaa magaalad Muqdisho ka duulay 7 Bishan March isaga oo xiliga u Amababxay magaalada London ee caariga Ingiriiska halkaasi oo u Caasumad ka helay Xukuumadda Ingiriiska, waxana u kulamo la qatay Madaxda wadanka Ingiriiska oo u ugu horreyo ra’iisal Wasaare Gorden Brown Sidoo kale waxa u la kulmay Jaaliyadaha London Iyo Birmingham Ee Somalida kuwasi oo sii diiran u soo dhoweeyey Madaxweynaha

Ku soo noqodkiisa magaalada Muqdisho ayaa imanaya xili magaalada aay ka jirto Barkacay iyo weliba dagaalo aay barbar socdaan Duqeymo oo maalmahii dambe ka dhacayey halkaasi

Madaxweynaha ayaa la filaya inu ka warbixiyo Booqashadiisi london Iyo weliba Waxyabahii uga soo qabsoomay Dowladiisa isaga oo la rajeyn inu arrimaha ku faahfaahiyo  kulan aay yeelan doonan Xildhibaanada Dowlada Federaalka KMG Maalmaha soo socda

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers