Intaas kadib waxay u tageen Saacid oo Xir Xiran Aadna u Il-daran, dadka lama hadleynin, Marku Indhaha ku dhuftay Samiiro ayuu u Ekaaday nin Bogsooday, dadkii ayaa yaabay sida uu fiirinayo Qofkaana wuxuuna tiriyay Tixdaan
- Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Kowaad
- Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Labaad
- Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Saddexaad
- Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Afraad
Mahadaa Ii Waalay
Oo dalaalay Jaceylka
Isagaa Duur Cidla Ah
Oo Samiiraan doortay
Aroos kula dakeeyay
Isagaa duubkeedii Iyo
Diraaceedii daliiqay
Naaskeedii dubaha aha iyo
Dibnaheedii daawaday
Daa’imow illaahow
Indhahiisa dam sii
Gacmahiisa duuboo
Luuhiisana dabar
Daarta uu ku hoydana
Dab holcaayo ku daa
Da’hadey haysana
Dila hoogan ka yeel
Kii dabiibi lahaana
Mid la duugay ka yeel
Tixdaan intii u tirinayay wuxuu farta ku fiiqayey Samiiro dadkoo dhana indho taag taag ayaa ka soo haray Samiiro, Dhidid waa weyn ayaa ka yimid waayo Habaarka ayuu ugu roonaday kadibna Samiiro waxaa u yeeray Saacid Adeerkiis wuxuuna weydiiyay sida ay wax u dhaceen waxayna ku jawaabtay ”Saacid kalsooni is-barasho ayaa naga dhaxeysay mana ogeyn in jaceyl dhab ah uu ii qaaday, hadana waxaan ahay Marwo laakin aniga oo tixgelinaya bani’aadnimada Adeer hoo lacagtaan, waxaa jiro waqti ee ha lagu daweeyo, midda kale Xaaladiisa kor ayaan kala socon doonaa, hadana Nabadeeeey
Ikraan iyadu ka hartay oo waxay ku hartay Saacid laakiin waxa uu ka jesan diiday dhankii ay Samiiro ka baxday waxaana hal qabsi u noqday NUQDA TEYN FOOQUL BACLI, FULL STOP
laakiin dadku ma garaneyn micnaha uu ugu jeeday Ereyadaas ileyn maskax ma hayee, adeerkii ayaa la yaabay wuxuu yiri Saacid adeer maxaad dooneysaa??
Saacid wuu istaagay isaga oo xir xiraan waxaana ku xoonsana dad fara badan oo ragg iyo dumarba isagu jiray isagoo gacmaha kor u taagaya ayuu yiri
Daa in waa illaahay
Dadka taan ka doortaa
Dabin ii dhigaysoo
Damac iigu beertay
Dariiq igu daysay
Dooqlaay inay tahay
Daah igama saarnee
Daacad baan u ahaa
Mahad bayga raacday
Dadow Aqal daleeshii
Daahyada u xirataa
Damaceeda gelisa
Da’hasiin Illaahow
Danaheeda dhaafsii
Durji daaro dheer saar
Duruuraha cirka iyo
Dabaylaha ku sii daa
Intaa markii u marayo ayuu oohin la dhacay, Adeerkii ayaa fariisiyey illintina ka tir-tiray, isagoo dadkii meesha ku soo Ururay ku dhahaay, Wiilkayga Faataxada isugu dara tani waa Waalli Iyo Walbahaar Jaceyle
Dhammaad
FG Fadlaan Hadii aah Heyso Sheeko Ama Barnaamij Xiiso Leh Waxad nogu soo diri Karta Somalifans@hotmail.com
Filed under: Uncategorized Tagged: | SHEEKO