Cismaan Buux Oo Codsi U Diray Dowlada

Duqa Degmada Qardho Cismaan Buux Cali Oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Qardho ayaa ka hadlay Arrimo badan oo aay ka mid yahiin, Mudaaharadkii Shalay kadhacay degmada Qardho, Hay’adaha calaamiga ah warar loo sheegay Iyo weliba Xaalada Guud ee degmada

Cismaan Buux ayaa ugu horreyn sii kulul u beeniyey Mudaaharadii shalay ka dhacay magaalada Qardho isaga oo ku Sifeeyey kuwa dano gaar ah laga leyahay, Duqa degmada Qardho waxa u sidoo kale sheegay in Shacabka reer Karkaar aysan aheyn kuwa Dowlada ka soo horjeeda balse waxa u sheegay inay yahiin kuwa mar kasta garab jooga Dowladooda
Duqa oo arrimaha ka hadlaya ayaa yiri ”Anigu ma Maqal wax mudaaharad ah oo ka dhacay Qardho, Warkaasina kuwa qoray meesha aay ka keenen iyaga Oog, waxana ka codsan Wasiirka Amniga Iyo Weliba Taliyaha Booliska in sii degdeg ah Kuwasi loo xisaabiyo, lana hor keeno Sharciga, Waana In Shacabku Aaminin Wararka borobugandada ah” Ayuu yiri Cismaan Buux Cali oo sii weyn careysan

In kasta oo Mudaaharadii Shalay ahayeen kuwa aan la ankiri karin Hadana waxa muuqata in Duqa degmadu u Arko Mudahaaradka mid aan Sidaa u weyneyn

Dhinaca kale Duqa degmadu waxa u sii kulul u Cambaareyey ragg u sheegay inay u qaabilsan yahiin hay’adaha Calaamiga ah dhanka Amniga kuwas oo u sheegay inay Shacabka degmada Qardho iyo Magaalada Qardhoba ka been sheegen, isaga oo sheegay in raggaasi Hay’adaha Calaamiga ah ugu sheekeyan In jidka Qadho uusan Ammaan Aheyn taasi oo sababtay ayuu yiri In Madaxda Hay’adaha Calaamigu aay dhinac ka maran magaalada Qardho iyaga oo Diyaarado ku yimada Magaaloyiinka Garoowe, Gaalkacyao Iyo Bosaso, Halka Qardhona aysan uba jeedin

Waxa u ku tilmaamay raggaasi kuwa ka shaqeyn Borobagando iyo been faafin, waxana u ka codsaday Madaxweyne Faroole, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Iyo weliba Wasaarada Amniga inay wax ka qabtan arrinka weliba sidaa ugu dhaqsaha badan

Duqu Waxa u ugu dambeyntii u soo jeediyey Shacabka degmada Qardho inay Ilaashadan Amnigooda, isaga oo Sidoo kalena sheegay in Ammaanka Qardho u 100% Boqol yahay mid Wanaagsan

Hadalada Duqa ayaa dad badan u Arkeen kuwa Wanaagsan, Halka kuwa kalena u Arkeen in u ku Xeejisan Kursigiisa, Madamada Xilka u yahay mid ka dhamaday isaga iyo Golahiisa degaanka Sanadkii hore Bishii December 27-keedii

Dhanka kale waxa la filaya inu maanta magaalada Qardho soo gaaro Madaxweynahii hore ee PL, Gen Cadde Muuse isaga oo ka soo Ambabaxi doona dhanka magaaalada Bosaso, Madaxweynahi hore ayaa la filya inu Kulamo iyo Wada hadalo loga tashano Xiisadaha Soo Cusboonaday la yeelan doono Odayaasha Gobolkaasi, Kuwasi oo sii weyn uga biyo diiday Xil ka qaadistii Md. Diyaano Taliyahii hore ee Sirdoonka PIS-ta loo yaqano

Maxamed Joowe

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers