Inaas markuu ku hadaaqay ayaa reerkiisi isla garteen in ay Qur’aan saaraan, Arrintaas Samiiro waxba kama ogeyn, In kastoo markii dambe Ikraan u sheegtay in Xaaladiisu xun tahay oo u dhimir la’aan qarka u saaran yahay, Samiiro uma diir nixin Akhbaarta Ikraan, Waxayna ugu jawaabtay ”NASIIBKIIS”
Saacid Xaaladiisu aad ayay u sii Xumaatay waxaana loogu yeeray Wadaado si ay Qur’aan u saaraan, Suuxdinta IYo Isla hadalkana waxay u noqdeen Caadi, Markii Qur’aanka lagu bilaabay Ayuu Isna Tixdaan Bilaabay
- Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Kowaad
- Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Labaad
- Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Saddexaad
Waadiyaal Durdur ah Iyo
Webi Baygu soo jabay
Waxa aan u Wareeray
Wacadka daraaddii
Waxa Weyne ii qortay
Waa inay ii diidoo
Wadada igu dhaafto
Wel wel tire wasaafaad
Wa luxaa Iyo Wa layl
Waduurkaad Aqrineysaan
Waali Iyo Walbahaar
Wahab igama gooyaan
Warankii Jacaylkaa
Wadnaheyga gaaroo
Wadnaheyga hadaad rabtaan
Waa in Aan Samiiro helaa
Wadaadadii ma hakin Qur’aankiiye halkooda ayay ka sii wateen, Ikraan oo la socotay Arrimaha Sida ay u dhacayaan ayaa ku wargelisay Samiiro Iyo weliba Mahad Yare arinta Saacid, Intaas kadib Mahad oo arrinta wax ka ogaaday ayaa ku amray samiiro in wixii ay ka qabto Saacid oo kharash ah ay u geyso, intuu Lacag u soo bixiyay ayuu darawalkii gaarigana ku amray intuu labada gabdhood qaado soona celiyo
Intaas kadib waxay u tageen Saacid oo Xir Xiran Aadna u Il-daran, dadka lama hadleynin, Marku Indhaha ku dhuftay Samiiro ayuu u Ekaaday nin Bogsooday, dadkii ayaa yaabay sida uu fiirinayo Qofkaana wuxuuna tiriyay Tixdaan
La Soco Qeybta dambe
Ab
Aqyar cidi danaynaysa jacel ka aqriso halkan
[...] Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Afraad [...]