Lee Jin-Gyu oo ah 28 jir u dhashay K/Kuuriya ayaa guursaday barkin. Lee oo haatan ku nool dalka Japan ayaa sheegay inuu aad u jecel yahay barkintan sidaa darteedna uu goostay inuu guursado.
Inkastoo ay arintan aad uga yaabisi dadka dagan dalkaasi, hadana Lee ayaa qudhiisu aaminsan inuu saxan yahay uuna helay jaceylkiisii. Saaxiibka Lee ayaa sheegay inuu Lee ku waalan yahay barkintan oo uu xataa la aado meel walbo isagoo xataa marka uu makhaayadaha tago codsado in barkinta loo keeno cunto sida aad ku arki doonto videoga hoos ku xusan
Lee oo xaaskiisa cusub ee barkinta ah ay ku sawiran tahay gabar caan ah balse aanan Ibni Aadam ahaan u jirin oo ka mid ah cayaaraha Anime-ka, loona yaqaano Fate Testarossa ayaa laga shakisan yahay inuu yahay nin aad u jecel ciyaarta Anime-ka, taasina ku khasabtay inuu jeclaado gabartan cayaartaasi caanka ku ah, sidaasi darteedna ay ku khasabtay inuu guursado barkin Fate Testarossa ay ku sawiran tahay.
Dadka reer Japan iyo kuwa u dhashay dalkiisii hooyo ee K/Kuuriya ayaa arintan aad ula yaabay iyadoo dhamaan saxaafadda labada dale iyo tan aduunkaba ay aad u hadal hayaan arintan. Dadka ka hadla arimaha jaceylka ayaa iyagu sheegaya inay tani tusinayso inuu jiro dad asal ahaan u nacay Ibni aadamka oo goostay inay ku xirtaan wax aanan jarin si u qanciyaan naftooda.
Lee ayaa xaaskiisa barkinta ah u xiray dharka aroosaadda maalintii uu la aqal galayay iyadoo saxaafaddana ay aad ugu dhuun duleeshay arintaan. Baadari ayaa isu guuriyay isaga iyo xaaskiisa cusub. Lee wuxuu sheegay inuu aad ugu qanacsan yahay xaaskiisa cusub.
Xasan Cadde
Isha Dhacdooyinka Caalamka
laacib143@hotmail.com
xigasho www.dhacdo.com
Filed under: Uncategorized Tagged: | La Yaabka Dunida