Imaam Maxamud Imaam Cumar oo ka mid ah duubabka ugu caansan dalka Somaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho inay xabada joojiyan, Isaga oo Sheegay inu uu fidinayo googol Nabadeed, Waxana u sheegay inu Dhex dhexaadin doono labada dhinac ee dagaalami
Imaam Maxamud Imaam Cumar ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalada iyo dhiiga Shacabka Somaliyeed ee Micno darida lagu da’dinayo waxana u sheegay inu isagu u dhigi doono labada dhinac ee is haya googol Nabadeed, balse aay marka hore joojiyan dagaalada oo aay miiska wada hadalka soo fariistan

Hadalka Imaam Maxamud Imaam Cumar Baaqisa ayaa ku soo beegmaya iyada oo Maalintii Afraad dagaalo ka socdaan Qeybo ka mid ah Xaafadaha Waqooyi ee magaalada Muqdisho, Waxana dagaaladan yahiin kuwa u aay isaga soo horjeedan Ciidanka Dowlada oo garab ka helaya kuwa Amisom iyo weliba Xarakada Alshabaab