Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo shalay meel fagaraha kula hadlay shacabka ku nool magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa u sheegay Dadka Degaanka in ay qeyb qaataan Jihaad ay sheegeen in uu ka socda magaalada Muqdisho Hadii kale Aay Magaalada Isaga guuran
Mid ka mid ah saraakiisha Alshabaab oo lagu magacabo Abuu Ruqiya oo la hadlay dadka ayaa waxa sheegay in uu ku waajibay Jihaad dadkaasi , waxaana ugu baaqay Dhalinyarada iyo Wiilasha 10jir ilaa 11 jirka ah ay Jihaadka ka qeybqaataan ama ruux walbaa ee dagaal geli kara uu ka qeb galo
Sidoo kale Sarakaalka oo hadalka ku dheeraaday ayaa sheegay in Aradayda Dugsiyada magaalada Marka amar la’aan ay dagaalka ka qeyb qaadan karaan, Waxa uuna sheegay in dagaalka uu yahay mid Waajib ah isla markaana aanan loo baahneeyn in ”Waalid Amarkiisa looga baaqsado”
Hadalka Sarkaalka ayaa waxa uu umuuqday mid dadka ku qasbaya ka qeyb qaadashada dagaalada Magaalada Muqdisho, waxaana laga dareemayey caga jugleeyn dadk ka soo horjeeda dagaalada ay wadaan, waxa uuna sheegay in ruuxii anan raali ka ahayn ka qeyb gelida dagaalada uu isaga baxayo magaalada Marka
Hadalka Alshabaab ka soo baxay Ayaa sii caro leh waxa uga jawaabay Odayaasha Iyo Salaadiinta ka soo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose Qaastan Odayaaasha magaalada Marka oo la Yiraahdo 12-ka Koofi oo aay Beesha Biiyamaal ku jirto, Waxayna sheegen in go’aanka Alshabaab ka soo baxay uusan aheyn mid suurta gal ah ayna si weyn uga soo horjeedan
Ma ahan markii ugu horeyay Ee Alshabaab Caruurta Iskuulada ku khasban Waxay ugu yeeran Jihaadka ee ka socda Gobolo badan oo ka mid ah Konfuurta Somaliya