Kumayaalka qof ee ka barakacay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee u Qaxay Duleedka magaalada ayaa sii weyn uga cabanaya Xaalad Caafimaad darro iyo Cuduro aan la aqoon oo soo wajahay, Dadkaasi oo la hadlay Idaacadaha Maxaaliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ku heysato goobahii aay u barakaceen Daryeel la’aan, Caafimaad darro iyo weliba Cuduro aan la aqoon waxa aay yahiin
Dadkaasi ku sugan duleedka magaalada Muqdisho ayaa beryahan dambeba waxa heysatay Xaalad Caafimaad darro taasi oo aay u dheer tahay Cuno yari madama u istaagay gargaarkii aay ka heli jireen Hay’adaha Calaamiga ah
Cabashooyinka dadkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo aay hore dadkaasi uga cabanayeen Cuduro aay ka mid yahiin Shuban Biyoodka, oo isagu caruur badan oo u soo ritay lagu Daaweynayo Cisbitaalada Magaalada Muqdisho iyo weliba goobaha MCH-yada ah ee ku yaala Degaanada loo barakacay