Waxa soo baxaya Abaabulo Iyo sansan dagaal oo mar kale ka dhacda degaanada Dowlad Goboleedka Puntland kadib markii u Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole Xilka ka qaday Madaxii PIS-ta Ama Ashahado la dirirka Mr. Cismaan Diyaano, In ka badan 30 Gawaarida dagaalka ah oo gurmad ah ayaa la sheegay inay Habeenimadii Xalay ka soo baxeen magaalada Garoowe, Sidoo kale magaalada Bosaso ayaa Ciidanka PIS-ta ee ku sugan Heegan sare la geliyey, Iyaga oo isku Diyaarin inay Iska Difaacan Weerar uga yimada Dhanka Dowlada, Waxana jiray Hub Culus Oo Fiidnimadii xalay laga Maqlayey Xurunta PIS-ta oo Wax yar u jirta Madaxtooyada Magaalada Bosaso
Cismaan Diyaano oo ah Horjoogaha Kooxada PIS-ta ayaa la sheegay inu diiday Dalab uga yimid Nabadoono Ka Tirsan Beeshiisa oo aha inu Xilka sii nabad ah u wareejiyo, Waxana la sheegay in Isaga laftigiisa U Taageero badan ka heysto Maleeshiyo Beeleed ku sugan magaalada Qardho, Kuwas oo Gen Cadde Muuse Markii u xilka baneeyey dejiyey Xeerada Xorgoble ee magaalada Qardho
In kasta oo Shacabku Xil ka qaadista Diyaano soo Dhoweeyn kuna tilmaameen talbo Wanaagsan, Hadana waxa muuqata in arrinkaasi aaysan Suurta gal noqon doonin ilaa labada nin mid meesha u haro oo dagaalo ka dhex dhacaan, Sii gaar Ah Cismaan Diyaano Iyo Faroole Waxay ugu loolami doonan Xukunka Gobolka Bari iyo Dekedda Bosaso
Cismaan Diyaano ayaa isagu heysta Taageerada Jabhadii GBB oo iyadu Awood badan xiligan leh madama aay weli heystaan Hubkoodii Iyo weliba Raggii u soo dagaalamay, Kuwas oo hadana Diyaar u aha inay dib ugu dagaalaman Difaacashada Xeeroyiinka aay hore u Ooteen
Dhanka kale Cali Biinge oo ah Mas’uulka loo magacaabay Hay’ada Sirdoonka Ee PIS oo xiligan u Faroole u bixiyey PIA & PSF, ayaan la aqoon Sidaa u Xilka loo magacaabay Ulaa Wareegi doono
Waxa la dhahi kara PL xiligan waxay Tubta saartay wado cusub taasi oo noqon doonta Mid sababta inu ku daato Dhiig badan, Waxana la dhahi kara Faroole Xiligan waxa u ku jira Difaacashada Maamulkiisa oo hore Ugu Muuqday Mid ragg kale la Maamulan, Balse xiligan Ayaa mooda Inu Seefta gaalka ka saartay
Filed under: Wararka
Arrintaan oo ah diidista xil ka qaadista waxaa keli ka aqristay websita kan meelaha ma qorin , maxaa dhacay maka warqabaan miyaa?
war umada fitno ha dhex dhigina kuwina somalifans isku sheegayo ee beenta joojiya war hadii u war sax ah yahay idaacadaha sheegi laha ee dadka beenta ka dhaafa
kuwiinaan somalifans dadka beenta kadaaya beentane faa ido malahan khasaaro mooyee ilaahay kabaqa
War Somalifans waxaa qora wiil Cali Jibraahiil ah oo raga la isticmaalo ah wuxuuna u dhaxaa oo qaba khaniis reer hayrgaysa ah
War kuwiinaan beenlowyaasha ah dadka beenta ka daaya aad ku akhrinaysaan , saan dareemaayo waxaa qoray warkaan nin ka xun jiritaanka dowlada puntland , Adeer cismaan maxamud dagaal danbe dan uguma jirto galinia mayno marka dadka beenta ka daa Cismaan Abdulaahi Diyaano , hadii xilka laga qaadayo waxa ka qaadi karta waa dawlada Maraykanka , Puntland iyo PIS-tana waxa ka dhexeeya waa wada shaqayn xaga amniga ah
Hadaba wararkan aad dhoob dhoobaysan daaya ayaan idin oran lahaa