
Xog ahaan Tuulada Jeded waa goob qadiimi ah oo la asaasay wixii ka dambeeyay Sanadki 1940 kii,Jeded waxay ku taala goob biyo mareen ah,halkaasi oo ay had jeer ka dhacaan Daadad fatahaado wata kuwaasi oo iyagu dhibaato xoog leh u gaysta Dadka Degan Deegaanka Jeded Sawiro
Hadaba Cabashooyin xoogan ayaa ka soo yeeraya Deegaanka Tuulada Jeded,Gudoomiyaha Tuulada Jeded Cabdi Cismaan Ismaaciil ayaa Somalifans uga waramay Dhibaatada xooga leh ee hada soo foodsaartay Dadka Deegaanka,”Waxay ku suganyihiin shacabka Tuuladan Xaaladi ugu xumayd,ma helin wali gargaar,Roobki guga wuxuu ka tagay burbur xoogan,waxaanuna ka baqsanahay in habeen madow dadka oo jiifa,ay dadka la tagaan Daadad soo fataha,maadama dadku deganyihiin dhul hoose,boholo dabiici ah ayaa magaalada dhinacyho badan ka mara,sida aad aragtana waxay waxyeelo gaarsiisay guryaha iyo baraagaha deegaanka”.

Cabdi Cagay-Duqa Jeded"Dadkaan wuxuu ku tiirsanyahay xoolaha nool,Caafimaad ma haysano,Waxbarasho ma haysano,hay'adaha waxbarashada iyo caafimaadka Qaabilsan ma soo dhaafaan Degmada Qardho ee Laamiga ku taala,halkaasna waxay ka urursadeen dad magacyada Tuulada Jeded sheegta,iyagoo markaas ku buuxsha liiska jeded ayaan siminaaradaan siinaa".Cabdi Cismaan Ismaaciil ayaa fariintaan diray,"waxaan ka codsanaynaa Madaxweynaha Puntland,Wasiirka Caafimaadka,Wasiirka Waxbarashada iyo Hay'adaha ku shuqul leh arimahaan inay sida ugu dhakhsaha badan looga samata bixiyo shacabka ku nool tuulada Jeded dhibaatooyinkaan la soo dersay".Isku soo wada Duubo Tuulada Jeded waa meel Qadiimi ah,oo aad ku arkaysid goobo taariikhi ah,inkastoo dhibaatadan hadi aan wax laga qaban ay xaaladu noqon doonto,mid aan laga soo kaban karin.Warbixintan iyo Sawiradan waxaa idiin soo diyaariyay Weriye Muxiyadiin Hiirad Kaatun oo jooga Magaalada Qardho.Muxiyadiin Hiirad Kaatun



Muxiyadiin Hiirad Kaatun






Muxiyadiin Hiirad Kaatun