Intaa Markii Lays dhaafsaday ayaa lagu balamay laba Saac Ee Habeenimo goobtana laysi sheegay xoogaa saabuun ahna gacanta loo geliyay oo Jaaw Iyo Jaaw lays weydaarsaday ayaa gaarigiina dhaqaaqay, Samiiro Markaa waxay isku sheegtay Caawuu i bartaye hadii uu ii guursanlaha sow lacag kama dhergi laheyn? Alaw anayii dhacatay ma waxa uu ogaa in balwadeydu lacag tahay alaw uusan ii ogan
Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Kowaad
Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Labaad
Isla markiiba may aadin gurigoodii ee waxay beegsatay Xaafada Saaxiibteed Iyadoo rabta Aqbaarta soo korortay inay u sheegto, waxayna u tagtay Saaxiibteed oo qolkeedii Fadhida Samiiro ayaana hadalkii bilowday iyadoo la moodo inay Janadiii loogu bishaareeyay, Waxayna u sheegtay in ay baratay Nin Cusub oo wata Gaari cad waxayna tustay Lacagtii uu siiyay Saaxiibteed ayaa markaa tiri ”Oo Aaway Saacid? Isagaan kuugu Ogaaye??”, Nin aad muddo wada socoteen, Sideed hal habeen ku ilowday ma waxaad mooday jaceylka in la Iibsado, Mideeda kale Saacid waad ka heli jirtay waxad u baahato ee yuusan nabsi ku helin, Intaas waa iga waano, adigana damacaaga adiga Oog” Samiiro ayaa tiri ”Ikraan Waa ruunta Laakiin ma moodeyn in aan i Khilaafeyso Hadii aan runta ku sheegana waxaan doonaya Mahad, Midda kale Saacid anigu niyad umaba heyn awalba, laakiin waxan ka sixi jiray dharka iyo Shoobinka, hadana waxaa ii muuqda Guri weyn Iyo Gaari cad oo aan anigu lahaan doono ee Abaayo Nabadeey”
Waxaa la gaaray Ballantii ay lahaayeen Mahad Iyo Samiiro, Kadib markii ay kulmeena waxa lagu Heshiiyey in ay Is-guursadaan, Meher iyo Aroooskana hal mar laga dhigo, dhacdadaas Saacid waxba kama ogeyn, wuxuuna ku Mashquulsanaa gaarigii 110-ka ahaa oo Maalmahaas ka haleysnaa, Laakin waxaa u is-lahaa adigaanba wax heyn samiirana baray in aad wax siisee sideed u hor is-taagtaa adiga oo faro maran, taasi fursad ayay u aheyd Samiiro waayo ma dooneynin in uu fahmo Saacid, iyada oo ogeyn Jacaylka xad dhaafka ah ee u qabo
Wuxuu waqtiga is-gurba waxa la gaaray Arooskii Samiiro Iyo Mahad Yare, Halkaasoo nikaaxi iyo Aqalgeyntiiba laga dhigay hal mar, Saacid waxa dhacaya waa ka dar alla wuxuuna ku mashquulsana Bacda uu habeenka ballan jiro horay u soo buuxin jiray ee Shoobinka aheyd, Samiirona waxay ku dakeyneysay guri weyn iyo weliba gaari Cad
Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa waxa kulmay Ikraan Oo Aheyd Samiiro Saaxiibteed Iyo weliba Saacid, Salaan diiran kadib waxaa u weydiiyey Akhbaarta Samiiro, Amuus yar kadib, Waxay u sheegtay inay tahay Marwo oo u nin guursaday ninkaas oo la yiraahdo Mahad, intaas markii aay tiri ayuu Is-celin waayay, Wuxuuna ku dhacay dhulka, Foos waxay ka haray yaab!!!, taksi ayay uu yeertay iyadoo niyadda iska laheyd Maxad ugu sheegay, waxaa la geeyey gurigiisi oo ay horay u Taqiinay Ikraan, Reerkiisi ayaa ku soo xoomay iyo weliba deriskii, halkaana waxaa lagu wareystay Ikraan, waxayna sheegtay wixii dhacay oo dhan
Saacid wxa la jiifiyay Gurigiisi iyada oo la ogaaday inu shook qaaday, muddo kadib ayuu soo naaxay wuxuuna hadal ku bilaabay
Waxaan ahay Nin Waasho
Wadadii Ka Weecday
Webiyada jid mooday
Wareereyda Dunidiyo
Waqtigaa I Wiiqay
Waayihii Aan soo maray
Wehsi aniga keyga ah
Wax baa lagula Hayaaye
Isla weyni Eersaday
Anna Waayay Gabadhii
Wehel Aan ka Dhigan lahaa
La Soco Qeybta Dambe
Filed under: Uncategorized Tagged: | SHEEKO
[...] Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Saddexaad [...]
[...] Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Saddexaad [...]