Naagtii Adduunka Ugu guurka Badneyd Oo guursatay 23 Nin Ayaa hada dooneysa Ninkii 24-aad


Linda Lou Taylor waa haweyney 68 sano jir ah, una dhalatay dalka Maraykanka sidoo kale-na waxa loo-yaqaanaa Linda Wolf ayaa dooneysa guurkii 24-aad, iyadoo horey u soo guursatay 23 nin oo kala duwan

Mrs Linda raggii ay horey u soo guursatay ayaa waxaa kamid ahaa sida Dambiile, Taajir, Faqiir, Khaniis, Baadari, Kabal-yeeri iyo kuwo kaloo badan

Hadaba haweyneydaan ayaa waxay dooneysaa nin ay guursatay, iyadoo shaaca ka qaaday in’ay dareemeyso cidlo, bacdamaa ay tahay Garoob

Dhanka kale guurkii ugu dheeraa ee soo mara Linda ayaa wuxuu qaatay 7 sano, halka kii ugu yaraana uu qaatay 38 saacadood.

Guurkii ugu danbeeyay ee soo mara Linda ayaa waxay guursatay ninkii adduunka ugu guurka badnaa ee “GLYNN SCOTTY”, kaasoo horey u soo guursaday 29 xaasas, halka ay Linda ka noqotay xaaskii 30-aad ee soo mara Mr Glynn

Linda iyo Glynn oo nolol macaan ku nool ayuu geeriyooday Mr Glynn, taasoo ka dhigtay Linda mid ilaa iyo hada cidla dareymeysa.

Si kastaba ha’ahaatee Linda hada waxay ku nooshahay gobolka Indiana ee cariga maraykanka, waxayna degan tahay guri cidlo ah, iyadoo dooneysa ninkii ay nolosha la-wadaagi laheyd.

Xasan Cadde

laacib143@hotmail.com

Isha Dhacdooyinka Calamka

xigasho www.dhacdo.com

One Response

  1. Yasalam ad ayay u raxesatay madama ay power ki adunka ay heshay kk

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers