Waa la xadaa Gargaarka Somaliya

Qiyaas ah laba meelood marka loo qeybiyo meel ahaan, raashinka gargaarka ah ee loo diro Soomaaliya, ayaa laga leexiyaa dadka u baahan oo loo duwaa shabakad isku xiran oo ah qandaraas wadayaal musuqmaasuq ah, kooxo mintid ah oo Islaamiyiin ah iyo shaqaalaha dalka gudihiisa uga shaqeeya Qaramada Midoobay Sida lagu sheegay Warbixin loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Warbixintaasi oo aan weli shaaca laga qaadin, hase yeesheeb diblomaasiyiin ay tuseen wargeysa la yiraahdo New York Times, waxay si guud u tilmaameysaa dhibaatooyin aad u culus oo arrintaasi ku lug leh, waxaana ay kula talineysaa Xoghaya Guud ee QM inuu bilaabo baaritaan madax bannaan oo lagu eego hawlaha barnaamijka cunada ugu qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ee Soomaaliya.

Warbixintu waxay ku talineysaa in barnaamijkaasi raashin qeybinta ah qaabkiisa dib loo sameeyo, barnaamijkaasi oo u adeega ugu yaraan dad tiradoodu gaareyso 2.5 milyan, gargaarkaasi oo sanadkii 2009 dhamaa 485 milyan.

Bilowgana waxay tahay in la burburiyo waxa ay warbixintu ku bilwoday koox isku xiran oo musuqmaasuq ah oo ah kuwa gargaarka qeybiya ee Soomaalida ah.

Warbixintu, raashinka la leexsaday ka sokoow, waxay sheegtay in maamul goboleedyada Soomaalidu ay gacan siinayaan burcad badeedda maraakiibta xeebaha ka qafaasha, warbixinu waxa kale oo ay sheegeysaa in wasiirada xukuummadda Soomaalidu ay gataan visayaasha diblomaasiyiinta la siiyo ee lagu tago Yurub, siiyaan cidda lacagta ugu badan bixisa oo qaarkood laga yaabo inay burcad badeedda yihiin ama kuwa kacdoonka.


Raashinka WFP waxaa ku tiirsan Laba milyan iyo bar Soomaali ah

Saraakiisha Soomaalidu eedeeyntaasi ku saabsan dhibaatada xagga visaha waa ay diideen, waxaana ay ku tilmaameen inay tahay mid aan badneyn, saraakiisha ka tirsan barnaamijka cunnada adduunka ee WFP waxay iyaguna ay sheegeen inaanay weli warbixintaasi arag, hase yeeshaa ay baaritaan ku sameyn doonaan nuxurka warbixintaasi marka loo gudbiyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay Talaadada Soo socota.

Warbixintu waxa soo baxday iyadoo dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay u diyaargaroobeyso weerar militeri oo xoog leh, oo ay dooneyso inay dib ugu qabsato gabi ahaan magaalada Muqdisho, lana dagaallanto kooxaha islaamiyiinta ah ee ku kacsan oo xiriir la leh ururka al-Qaacida.

Dowladda Mareykanka ayaa gargaar militeri siisa, iyadoo QM ay isku dayeyso inay ka saarto labaatan sano oo waddanka Soomaaliya qas uu ku jiray, laakiin waxaa laga yaabaa inay hawl adag noqoto.

Sida warbixintu ay sheegeyso ciidamada nabad sugida ee Soomaaliya waxay yihiin kuwo aan tabar lahayn, oo aan habeysneyn, musuqmaasuqna ah. Kana kooban maliishiyo kala madaxbannaan oo daacad u kala ah saraakiil sare oo xukuummadda ka tirsan, iyo saraakiil militeri ah oo ka macaashaya dagaalka.

Sarkaal ka tirsan dhinaca Mareykanka ayaa dhawaan qiray in rajada ugu wanaagsan ee Soomaaliya ay leedahay ay tahay, madaxa cusub ee xagga militeriga oo da’diisu ay tahay lixdan jir horeyna u ahaan jiray sarkaal militeri ah, oo muddo dhawr bilood laga joogo maareeye ku xigeen ka ahaa goobaha laga cunteeyo ee Macdonnalds la yiraahdo, oo ku yaalla Jarmalka.

Dadka warbixintaasi diyaariyay oo qeyb ka ah kooxda ka warheysa arrimaha Soomaaliya waxaa markii hore laga codsaday inay baaritaan ku sameeyaan wixii xad gudub ah ee lagu sameynayo xayiraaddii xagga hubka laga saaray Soomaaliya, hase yeeshee markii danbe xilkeeda ayaa la ballaariyay.

Dhawr ka mid ah kuwa warbixintaasi diyaariyay ayaa loo soo jeediyay hanjabaaddo ah in la dili doono, Qm-na waxay dhawaan ka kaxeysay xubnahaasi Kenya oo ay u rartay magaalada New York bedbaadadooda awgeed.

Xannibaado ku yimid xagga gargaarka Soomaaliya ayaa ahayd arrimo laga hadlayay sanadkii laga soo gudbay, waxaana taasi ay sababtay dib u dhac ku yimaada gargaarkii ay rarayeen xukuumadda Mareykanka iyo hakin lagu sameeyay barnaamijka cunada ee deegaanada qaarkood, oo ay ku sameeyeen saraakiil ka tirsan QM.

Warbixintaasi waxay gooni ula baxday barnaamijka cunada adduunka ee WFP oo ah heyada gargaarka ugu badan geysa Soomaaliya oo dhibaatada ka jirta ay burburisay in hey’adaasi gaar ahaan, hawlaheedu dulduleelooyin leeyihiin.

Qaar ka mid ah gargaarka bini’aadanimo oo ay ugu weyn tahay gargaarka raashinka ayaa loo duway isticmaal dhinaca militeriga ah sida ay warbixintu sheegtay.

Caruur saf ugu jirta cunno samafal ah

Koox yar oo qandaraas wadayaal Soomaali ah, oo qandaraas ka qaata hey’adaha gargaarka ayaa noqday qaar awood leh, oo qaarkood macaashka ay kan helaan qaar ka mid ah u gudbiya amaba gargaarka laf ahaantiisa, si toos ah kooxaha mucaaradka ee hubeysan.

Eedeymahaasi ku lug leh gargaarka raashinka ee la leexiyay waxaa markii ugu horeysay warkoodu soo baxay sanadkii hore. Barnaamijka cunada adduunka ee WFP waxa uu ku adkeystay in aanay helin wax cadeynaya arrintaasi.

Waxaa kale oo ay sheegeen in baaritaan gudaha oo dhawaan ay sameeyeen aanay ka muuqan ku tagri fal aad u xun oo gargaarkaasi a.

Agaasime ku xigeenka hey’adaasi WFP Amiir Abdalla waxa uu sheegay talaadadii “weli in aanay arag warbixinta kooxda la socoshada Soomaaliya ay diyaarisay , hase yeeshee ay baaritaan ku sameyn doonaan dhamaan eedeymahaasi oo dhan sidii aan horeyba u sameyn jirnay ayuu yiri, marka su’aalo ka yimaadaan hawlahayaga.

Warbixinta iminka ay soo saareen baarayaasha arrintani waxay su’aal ka keeneen madax bannaanida baaritaanka hore, waxaana ay ku baaqeen, in la sameeyo baaritaan cusub oo dibedda kaga yimaada hey’adda WFP.

Madaxweynaha Gabon Cali Bongo oo waddankiisu madaxtinimada bishan ee golaha ammaanku hayo waxa uu yiri ” Waa inaan u sheegnaa dadkaasi in aanay sidan ku socon doonin, waanu ognahay waxa way sameynayaan, dibna nooma khiyaameeyn kartaan, markaa waxaa haboon inaad joojisaan”.

Warbixintu waxa kale oo saraakiisha Soomaalida ay ku eedeeysay inay iibsadaan safarada lagu tago Yurub. Qaar fara badan oo ka mid ah dadka la sheego inay ka tirsan yihiin saraakiisha xukuumadda ee wafdiga ka mid ahi, in run ahaantii ay yihiin ama burcad badeed ama xubno ka tirsan kooxaha mintidka ah.

Warbixintu waxay sheegtay in saraakiisha Soomaalidu xiriirka ay la leeyihiin dowladda Shisheeyaha ay u isticmaalaan inay visoyaal iyo waraaqaha lagu socdaalo u helaan dad aanay u suurowdeen inay dibedda u dhoofaan, dadkaasina marka danbe ay ku dhuuntaan.

Wasiirada dowladda, xubnaha baarlamaanka, diblomaasiyiin, dalaalliin madax bannaan ayaa u bedelay helitaanka fiisooyinka dibedda ganacsi sii koraya, kaasi oo ah waxa keliya ee u dhaw burcad badeednimada, iyagoo fiisooyinka ku iibiya 10 kun oo dollar ilaa 15 kun oo dollar, sida warbixintu sheegtay.

Warbixintu waxay ku qiyaastay , tobanaan hadii aanay ahaynba boqolaal Soomaali ah inay ku galeen qaabkaasi Yurub ee meelo ka fog, iyagoo ku helay ganacsiga fiisaha ee qarsoodiga ah.

Maxamed Cismaan Aaden oo ah diblomaasi Soomaali ah oo jooga Kenya waxa uu sheegay inay jiraan mid ama laba kiis oo arrintaasi ah oo dhacay sanadihii la soo dhaafay, laakiin in waxani ay yihiin warar la isla dhexmarayo oo aan la hubin, ayna yihiin eedeeymahan kuwo sanado badan soo socday.

Warbixintu waxay soo qaadatay qaar ka mid ah dadka u taajitrsan Soomaaliya, ganacsatada saameynta ugu weyn leh, kuwa loogu yeero ragga lacagta, mid ka mid ah oo la yiraahdo Cabdulqaadir M. Nuur oo loo yaqaan Eenoow waxa uu qabaa haweeneey door weyn ku leh hey’ad samafal oo deegaanka ah, taasi oo ay tahay inay hubsio in cuntada la qeybiyay iyo in kale, waana meelaha dulduleelada ka iman karaan, sida ay warbixintu sheegtay.

Warbixintu waxay ku eedeeysay Mr Nuur in baabuurtiisa uu ka dhigo in la afduubay, kadibna la iibiyo cuntada.

Email uu u diray Mr Nuur baarayaasha waraaqo badan oo si u muujinaya in xanta iyo wararka la isla dhexmarayo ay yihiin kuwo aan xaqiiqo ahayn, oo ay ku jirto afduubida baabuurta iyo xiriirka kooxaha kacdoonka wada. Waxa uu sheegay in xaaskiisa ay ka mid tahay gudiga oo keliya hey’adaasi, oo qeyb yar ka ah, cuntada uu geeyo ee gargaarka ah.

Bishii September Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed waxa uu waraaq u qoray Xoghyaha Guud ee Qaramada Midoobay oo uu ku difaacayo Mr Nuur, oo uu ku tilmaamay nin dabeecad wanaagsan, oo nadiif ah oo shaqo adag, waxaana uu sheegay haddii aanay ahaan lahayn qandaraasyadiisa in Soomaali badan ay dhiman lahayd.

Warbixintu waxay su’aal ka keentay sababta WFP ay si toos ah 80% qandaraasyadeeda gaadiidka qaada raashinka oo u dhigma 200 milyan oo dollar, saddex ganacsade oo kaliya, gaar ahaan markii looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin kooxaha islaamiga ee kacdoonka wada.

Bishii January, Mareykanka waxa uu joojiyay tobanaan milyan oo dollar shixnad gargaar ahayd oo loo waday koonfurta, taasi oo looga cabsio qabay in loo weeciyo sidaasi oo kale.

Saraakiisha Mareykanka waxay aaminsan yihiin in qaar ka mid ah gargaarka Mareykanka uu gali karo gacanta al-Shabaab, oo ah kooxda ugu xag jirsan Soomaaliya.

Warbixintu waxaa kale oo ay sheegtay in Madaxweynaha Puntland uu xiriir la leeyahay burcad badeedda deegaankaasi, kuwaasi oo siiya qaar ka mid ah lacagta ay ka helaan maraakiibta ay afduubaan mas’uuliyiinta maamulka.

Mas’uuliyiinta Puntland xiriir waa lala sameyn waayay Talaadadii, laakiin Mr Aden, oo ah diblomaasi Soomaaliyeed ayaa beeniyay eedeeynta, oo uu sheegay in Puntland ay xabsiga dhigtay in ka badan 150 burcad badeed, isla markaana aanay lacag ka helin.

Waxa uu yiri “nasiib darro ah in kooxdan baarayaasha ah ay u malaynayaan in ay wax walba dusha ka saari karaan Soomaalida”

BBC Somali