Nabadoon Axmed Diiriye Cali Oo Baaq Nabadeed Diray

Afhayeenka Golaha Dhaqanka Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali Oo Maanta la hadlayey Idaacada Shabeelle Ee Magaalada Muqdisho ayaa Baaq nabadeed u diray Kooxaha Ku dagaalamaya magaalada Muqdisho Iyo weliba Degaanada Camaara Iyo Bacadweyn Ee Gobolka Mudug

Nabadoon Axmed Diiriye Cali Ayaa Ugu Horreyn waxa u sheegay inay ka xun yahiin dagaalada iyo Duqeymaha ka socda magaalada Muqdisho isaga oo ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay joojiyan dagaalada isla markana aay u tuuran Shacabkooda Sidaa u hadalka u dhigay

Axmed Diiriye waxaa uu Sidoo kale ka hadlay Dagaalo Beeleedyo ka socda Gobolkaa Mudug kuwas oo in muddo ahba halka ka jiray wxana u ugu baaqay Maleeshiyada Beelaha iyo Weliba dadweynaha halkaasi degan inay nabada ka shaqeyan, Xabadana la joojiyo laguna dhameeyo wixii jira Wada hadal iyo Isfaham

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers