Dagaalo Mar Kale Ka Socda Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa mar kale saaka waxa ka bilowday dagaalado u dhaxeeya Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya kuwa Amisom Iyo weliba Ciidanka Xarakada Alshabaab, Dagaalada labada dhinac ayaa intooda badan ka dhacay Xaafada Beexani ee degmada Cabdicasiis, Waxana dagaalada waji ka wajiga ah daba socday Madaafiic aay Ciidanka Amisom ku gaaraceen Goobo aay ka mid yahiin Suuqa Bakaaraha, Xaafado ka mid ah Degmada Yaaqshiid, Iyo weliba goobo kale, Waxana ku dhintay Madaafiicda ku dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Ugu yaraan 18  Qof ayaa ku dhintay dagaalada iyo Madaafiicda socota, waxana tirada dhaawacu hada mareysa ilaa 60 kale

Dagaalada ayaa Maanta la sheegay inay ka qeyb qateen Taangiyada Amisom, Waxana dagaalku u yahay mid ilaa hada socda oo aan istaagin, waxana mar kasta sii badanaya Khasaaraha dadka Shacabka ah gaaraya

Dagaalada Muqdisho oo ah kuwa intaa badan soo noqnoqda oo aan Xal loo helin ayaa dhibaatada ugu badan ka soo gaarta dadka Rayidka ah ee ku dhaqan magaalada

Dhanka kale waxa jira Barakaca Xoog leh oo ka socda magaalada kuwas oo dadweynahu uga cabsi qaban dagaalo kale oo soo noqda iyo weliba inay rumowdo Hadalkii Mareykanka ee aha Inu Dhanka Cirka ka caawin doono Ciidanka Dowlada Federaalka KMG ee Somaliya iyo Kuwa Amisom ee dagaalka Aadag kula jira Xizbul islaam Iyo Alshababa

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers