Madaxweynaha Dowlada Federaalka KMG ee Somaliya Md. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku Eedeyey Xarakada Alshabaab Ee ka dagaalanta Konfuurta Somaliya inay Xiriir la leedahay Burcad badeeda, Madaxweynaha Ayaa Sidaa ku Sheegay Waraysi u Siiyey Idaacada BBC-da, Waxana u Madaxweynahu sheegay in Alshabaab aay Burcad badeeda ka hesho kharashka aay ku dagaal gasho, isla markana Burcad badeeda Laftigeeda Qaar ka tirsani yahiin Alshabaab
In kasta oo u hore u jiray Shakiga laga qabo Xiriirka Alshabaab Iyo Burcad Badeeda, Hadana Hadalka Sheekh Shariif ayaa sii weyn arrinkaasi Il gaar ah ugu muudaya
Alshabaab ayaa iyagu ka Aaminsan Burcad badeeda Geesiyaal Mujaahidiin ah, Waxana aay Xeeryo iyo Magan ka siiyeen Magaalada Kismaayo oo intaa badan aay ka duulan kooxahani, taasina ma ahoo mid qarsoon balse Alshabaab marna ma sheegin inay ka tirsan tahay Burcad badeeda ama Xiriir la leedahay in kasta oo aay Taageero u heyso hab dhaqankooda