Shacabka Magaalada Muqdisho Oo Welwel Iyo Cabsi Ka Soo Deristay

Shacabiga ku Dhaqan Magaalada Muqdisho oo hore dagaalada iyo Duqeymaha Amisom ulaa yaabana ayaa hadana waxa ugu sii darsamay goodis uga imanaya dhanka Mareykanka oo sheegaya inu weerar ku soo yahay kooxaha dowlada ka soo horjeeda Isla markana u duqeymo ka geysan doono Magaalada Muqdisho oo la filayo inu ka caawiyo Dowlada Federaalka KMG sidii aay kooxaha ka soo horjeeda uga saari laheyd magaalada Muqdisho, isaguna u uga caawin laha dhanka Cirka

In kasta oo Alshabaab Aay sheegen inay diyaar u yahiin dagaal kasta oo u Mareykanku soo qado, Magaaladana aay soo geliyeen hub aad u fara badan oo nooca lidka diyaaradaha ah, Hadana Shacabku waxa u qaba Welwel xoog leh oo ku sabsan dagaalada iyo Xiisadaha Cusub, Iyaga oo is weydiin halka aay ka geli doonan duqeynta cirka oo ah iyaduna dhibaato kale oo ugu sii darsantay midii hore u heysatay

Intaa badan Dadka magaalada Muqdisho ayaa hore iyagu uga barakacay magaalada, halka kuwa kalena iyaga iyo Hantidooduba Bilaabeen inay magaalada ka baxan tan iyo marki warka Mareykanku soo baxay

Madaxweynaha Ayaa la filaya inu Jimcaha dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, waxana laga yaba in Dowladu ku dhawaaqo dagaalo ka dhan kooxaha ka soo horjeeda, madama aay xiligan heysato Taageerada Dhanka Cirka Ee Mareykanka Iyo weliba Dhulka oo Amisom Ah

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers