Markey Tixdaas dhameysay ayay ku booday sidaa dhalaan ay dhashay, Qalinka ayaana habeenkaas lagu duugay in Daacad lagu wada socdo oo aan la is qiyaamin, wax la balamaba waxa is-guray waqtiga, waxayna wada socdeen muddo Hal sano Iyo bar ah, cid walbana wey isku ogaatay, walow Samiiro ay aheyd mid lacagta ka lista ragga, Saacidna waxaa uu aha deeqsi jaceylkiisa gadanaya wayo Habeenkii uusan wax wadanin looma riyaaqayo, isaguna wuu iska adkeysanayay, wax walbana waxaa uu ka jeclaa Kulankooda, iyagoo sidaas la yahay ayaa Samiiro oo ka timid Xaafadda Saaxiibteed waxaa Indhaha ku dhuftay Mahad oo is-mooda Rock Filer, (Ninkii malr adduunka ugu lacagta badanaa), watana gaari cad oo kala jiidan wuxuu muraya Haadka ka arkay naagtaan is-walaaqeysa, wuxuu go’aan ku gaary in u qaado gabadhan geeyana meesha ay u socoto, gaariga ayuu ku soo beegay, wuxuuna yeeriyey hoonka, Samiiro markii aay qoraansatay waxay aragtay Mahad oo gacanta u haatinaya, Intey xabadka gacanta saartay Ayay tiri ”Ma Aniga?”, isagana intuu madaxa ruxay ayuu ilinka gaariga u furay, Markii ay kursiga gaariga ku fariisatayba waxaa uu yiri ‘Macaaney tariib meesha aad doonto aniga ku geynayo”, ”Mahadsaniid Aboowe” Ayey tiri, waxayna fiirin ku bilowday horteeda
Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Kowaad
Mahad isaga oo la moodo mid heley wuxuu donayay ayuu u tirayay Tixdan, isaga oo adeegsanaya Qibrad dheer oo uu u laha haasawida Dumarka, wuxuuna tixdiisa ku bilaabay Sidaan
Qureyshtii Haweenkaay
Qaalidii aan doortaay
Qalbigaad iga qaaday
Qoortaada dheer Iyo
Qosolkaan qareexada ah
Qunyar socodka laafyaha
Qiyaastaan la yaabo
Qalinka iyo Luul
Qiimahaaga ka weyn
Qandhada i kedisay
Qur’aan igama qaadee
Qawlkeyga Yeel
Markuu intaas marinayo ayey arkay garigii oo jidka kala bixi rabo, iyaduna indhaha Qabsatay, weyna naxday Samiiro waxayna u qaadatay inay Shil galeen, Nasiib wanaag way badbaadeen waayo daahir wuxuu khibrad fiican u lahaa kaxeynta gaawarida noocii uu doono, Wixii ay soo socdaanba waxa uu keenay meel aan ka fogeyn Xaafadeeda, Waxayna iyada oo degi rabta ku dhawaaqday Samiiro Ereyadaan
Qumanow Aboowe
Quruxdaad igu sheegtiyo
Qorshahaad iga leedahay
Khilaafi maayo warkaaga
Qawl in aan iska qaadno
Qalad iyo quursimaad
Qaaf aan iska dhowro
Qaadirkey hanoo kasoo
Quud in aan wadaagnoo
Qoyskaaga aan ahaado
Qiyaas ii aragoo
Qoorshaheena dahmee
La Soco Qeybta Dambe
Filed under: Uncategorized Tagged: | SHEEKO
[...] Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Labaad [...]
[...] Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Labaad [...]
[...] Halkaan Ka Akhriso Qeybtii Labaad [...]