Issimada Puntland ”Hunguuri Mise Hagarbaxayaal”

Marka aad maqasho Suldaan, Boqor Ama nabadoon, Waa kuwa intaa badan u tagan u Hagarbixida iyo Nooleynta Shacabkooda, Waana Daryeelayaal, balse marka aad Eegto kuwa maanta ka jira Puntland waa kuwa aynu weligeen arag oo maqal oo la inoga sheekeyn

Waa Koox u Midowday oo Xafiisyo u furtay dhibaateynta iyo ka talinta Xukuumanta oo kaliya, Halkii aay ka talin lahayeen gacan siinta iyo Taageerida Maamulkoodana, Waxayba ka taliyaan Xumaantisa waase goorma ??, Waa hadii u diido Wax ku sabsan Fikirkooda, kana soo horjeesto Xoogaga Qaadka aay Maalinta ku cunayaan

Issimadii waxay noqdeen kuwa lagu arko goob kasto xun, halka hore logu arki jiray goobaha Sharafta leh, Waxad arkeysa Issim Fadhiya Bush Naago Xun, Iyo Wax xunba lagu iibin, Waxad Arkeysa Issim Meherad la fadhiya Cay iyo Dhaqan Xumo, Waxad Arkeysa Issim Ka gacansan Waxyabaha Illaahay Reebay oo dhan, mid Iibin Khamiri, Mid Tahriib Raraya, Mid Qaadwale Ah, Mid Burcad Badeed Fan iyo Lacag ku bixin, Halkii laga suugayey Suluuxa Beelahana waxayba ka yahiin Safka hore jiida dagaalada, Anigu Issim Uma Aqoonsani Burcad Waranle-yaasha Puntland dhibaatada ka woda

Waa Taageeraha Mooryaanka Iyo Dibjirka Derbi Jiifka ah, Waa Xanaaneyaha Ciyaal Xashiish oo dhan, waa Waxaynu Arag oo dhan kuwa mas’uulka ka ah Issimada dadka lagu sheega Ee Puntland ku sugan, meel ka fiican meesha kale lama arko

Waana kuwa Maanta Kuwa Reer Puntland uga fadhiyan Talada iyo Wax sheega, Waa kuwa kuwa maanta la is leyahay Ummada Wax ha u qabteen oo Ummada ha kala saareen iyakii ayaa uu bahan qabasho iyo Dhaqan Celin

Ilmo Been Ku Qadeeye issimada Puntland, Waxan oran laha Sharaftiini Waan u Jeedna halka aad la gasheen ee Ummadan Ka hor leexda, Shacbigana waxan leenahay Ha ka yeelinina Oday Xun oo Cimaamad aan Masaajid lala geeli karin oo Aan Daahir Aheyn aay Dusha u saaran tahay inu Maajin qaad ah ku siisto adiga oo ah Qof Sharaf iyo Karaamo leh kana dheer Xumaanta iyo denbiyada

Aniga oo Aan Hadalka ku Dheeran Dulucdiisana taaban, Waxan oran laha Issimada Puntland ee Xiligan waxay uu muuqdan kuwa dantooda aay kala weyn tahay danta iyo Masiirka dadka aay Meteli, Waa kuwa ka been sheegay ayaan dhahi kara Shacabigii Doortay Waana Burcad Waran labo af leh wota oo midba dhinac ulaa sii jeeda


3 Responses

  1. asc mansha alaah ala ilaahay iyo aadamahiisuba way jecelyihiin qofka runta sheega markaa wiilka walaalkaya ahow run badan baad sheegtay ilaahayna ha ku siiyo abaalkeeda dad badan oo kaa waa wayn baad aragti dhaantaa tusaalo ahaan isimada saas samaynayaaba iyo kuwa wax ka sugayaaba way kaa waa wayn yihiin markaa ilaahayga awooda leh ee isimada nooga dhigay kuwo waxa xuna naga reeba waxa wanaagsana na raaciya baan u mahad celinaynaa markaa isimada ilaahay ha inoo toosiyo kuwan leexana ilaahy ha soo hadeeyo dadkii iyo dalkiiba iibsadee

  2. Aniga marka hore ma ihi qof ka soo jeeda Puntland, balse aad ayaan u kala aqaanaa.

    Waxaan Dhihi lahaa qofka qoraalkan ku aflagaadeynaya Issimada Alle ka baq. Haddii ay kaa tahay xukuumad taageerid soo qor qoraal aad ku muujineyso taageeradaada.
    Issimada waa kuwa dhidibaa u aasay maamulka Puntland. Haddii aad la yaaban tahay xafiis furasho, aan kuu sharraxo. Maalinba maalinta ka dambeysa adduunka waxa uu ka tegayaa wixii hore wax casri ah ayaa imanaya. Haddii Joornaal wax laga aqrisan jiray maanta waxaa bedelay Internet. Haddii boosto waraaqo la dhigi jiray, maanta waxaa bedelay Email. Haddii geed hoostiisa lagu xaajoon jiray maanta xafiisyo ayaa bedelay. marka Issimada ha ka horjoogsan inay horumarka la jaanqaadaan.
    Ugu dambeyn qoraha maqaalkan aflagaadada waxaan u arkaa inuu yahay barbarad, marka hore Iskuul tag oo sida qoraalka loo qoro soo baro iyo xarfaha sida ay u kala leeyihiin shaqal gaabka iyo shaqal dheerka. sidoo kale hakadka, joogsiga iyo ereyada labo Laabma. Nabadey.

  3. nimaanka cismaan maxamud ee websitesomalifans qorowaxan leenhahay sawirka ka saara meesha beesha cali xijiijle suldaankeeda in loo gafo waa laga fiican yahay ee fadlaan ka saara hadii aad beel yaran ku aragteen la idiinka yeeli mayo

Comments are closed.