Sheekh Cali Maxamud Raage Afhayeenka Alshabaab ayaa maanta ka hadlay Dagaalada Maanta dib uga dhacay Muqdisho, Iyo weliba isdaba jooga aha ee shalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha, Sheekh Cali Dheere oo la hadlayey Saxaafada ayaa sheegay in Maanta Ciidanka Mujaahidiinta Alshabaab guulo la taaban karo ka gareen dagaaladii ka dhacay Degmada Cabdicasiis iyaga oo la wareegay Sidaa u sheegay Hudheelka Global oo Hore aay ugu sugnayeen Ciidamo ka tirsan dowlada, Waxana u sheegay in Agagaarka Hudheelka Iyo weliba gooba kaleba ciidanka Mujaahidiintu sii rasmi ah ulaa wareegen
Cali Dheere ayaa sidoo kale sheegay in Alshabaab Aysan wax lug ah ku laheyn dilalkii Shalay dhacay, Isaga oo ku tilmaamay kuwa aay ka dambeeyen wuxuu ugu yeeray Cadowga Illaahay, Iyo Ummada Islaamka, Waxana u Cali Dheere Sheegay in Raggi shalay la dilay la garanayo dadka dilay In kasta oo uusan sii rasmi ah u sheegin ama dhinac ugu Eedeyen
Dhanka kale dagaaladii Duqeymaha wotay ee Saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Ilaa Toddoba Qof, Halka Aay Afar Iyo Toban Kalena ku dhaawacmeen, Waxana dadka Dhamaantood ahayeen kuwa Rayid ah madama aan la sheegin intaa badan dadka ka kala dhinta labada dhinac ee iska soo horjeeda