Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliyeed Ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa woda Abaabulo xoog leh oo u ku doonayo inu weerar culus ugu qado Gobolada Karkaar Iyo Mudug, Isaga oo Cabsi weyn ka qaba Hubka degaanada yaala oo u Aaminsan yahay inu yahay mid aan isaga Gacantiisa ku jirin
Boqolaal Maleeshiyo ah ayaa Madaxweynahu ka soo ururiyey Gobolada Bari Iyo Sanaag, Isaga oo ku doonaya inu Ciidanka aay dib ugu soo celiyaan Hubka Faraha badan ee Madaxweyneyaashii Hore kaga tageen Gobolada Mudug Iyo Karkaar, kuwasi oo Faro cabsi xoog leh ka qabo in lagu weerari karo hadii Siyaasadiisa aay la qumanan weydo raggii isaga ka horreyey
Faroole ayaa la aqoon fikirkisan inu noqon doono mid u socda, Madama hubka u doonayo inu la wareego yahiin kuwa aay leyahiin Beelo intaa badan aan taageero xoog leh u heyn dowladiisa, hadii aay dagaal noqotana uusan wax badan oo awood ah ku dhaamin
In ka badan 1,300 Oo Askaari ayuu Faroole Xiligan ku Ururiyey Xeerada 54-Aad ee magaalada Garoowe isaga oo la filayo inu Ciidanka u diro dhinaca Gobolka Karkaar Ama Mudug si aay Hubka Gobolada ugu keenan, hubkaasi oo u doonayo Faroole inu wax kaga qabto Gobolka Sool, Madama Cadaadis badan uga imanayo Odayasha Dhulbahante ee ku shiraya Burowadal kuwasi oo doonaya inu Faroole la yimado Qorshaha Gobolka Sool iyo Waxyabaha u ka damacsan yahay, In kasta oo Faroole Odayasha u Arko kuwa Maamulkiisa ka soo horjeeda oo burbur ku woda, hadana waxa u Indhaha ka qarsan karin Marmar siyaha Odayasha ee ah Soo Celinta Laascanood
Haddaba Cabdiraxmaan Faroole (Afwalinje) Ma Ku guuleysan doona Hamiigisa Qaawan, Waxa hubaal ah in Gobolada Karkar iyo Mudug aay yahiin Gobolada Ugu Adag Puntland, waxana lagu tiriya Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada Iyo weliba Waxgaradka Ugu badan ee Puntland Inay yahiin kuwa Asal Ahan ka soo jeeda Gobolada, Waxana hubaal ah in hadii u Faroole weerar ku qado gobolada, u lugta dhiiqo la geli doono, waase hadii u ficilada isku dayo