Dagaaladii Muqdisho

Waxa Saaka mar kale ka Qarxay Degmada Cabdicasiis dagaalo u dhaxeeya Ciidanka Dowlada Iyo Maleeshiyada Kooxaha Dowlada ka soo horjeeda, Waxana dagaalkan u Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac dad rayid ah oo aan Waxba galabsan

Dagaalkan oo Wotay Madaafiic labada dhinac isweydarsan ayaa waxa ku dhintay Labo Qof oo rayid ah waxana ku dhaawacmay Lix kale, Kadib markii Madaafiic aay haleeshay dadkan

Dagaalada Magaalada Muqdisho Ee ku saleysan Fikirada gurucan ayaa noqday kuwa intaa badan Shacabka aay Dhibaatada ugu badan ka soo gaarto, Madama kuwa lagu dul dagaalamayo aay iyagu yahiin