Waali Iyo Walbahaar Jaceyl (Qeybtii Kowaad)

Saacid Waa Wiil Arday Ah Waana Wiilka Qisadan Qabsatay in badana u jiifay Jacaylkii Xaad dhaafka aha ee u qaday gabadh lagu magacaabo Samiiro, Haddaba Mar aan kula kulmay Magaalada Bosaso Ayuu iga Waramay Qisada jacayl ee soo martay Iyo Waayahii Isaga iyo Samiiro, Waxana u Hadalkiisa ku bilaabay

Waa maalin Magaalada Muqdisho gebi ahaanteed ay qasneyd waxaana la maqlayey guryanka Madaafiicda iyo gurxanka Rasaasta, Dadka oo raxan raxan u socda ayaa hadba meel u Qaxayey, meesha aay ku nabadgelayaan, Waxan maalinta soo raacay Saaxiibkay Cabdiweli isaga oo u socda Isbitaalka Madiina oo u ka hawl geli jiray, Waxan halka kula kulanay gabadh Dhibaateysan oo Dhiig u bahan, Aniga Iyo iyada ayaana isku dhiig noqonay isla waqtigiba waan u Shubay Dhiigi, Ruuntina gabadha ma aqoon in kasta oo ay aheyd gabadh dhaawac ka soo gaaray dagaalada iyo madaafiicda ka socotay Muqdisho xiliga, Waxana aay Gabadhu aheyd Mid aad u Qurux badan oo ruuntii leh soo jiidasho, Gabadha Ma aqoon Magaceeda in kasta oo Maalin dambe u Saaxiibkey ii sheegay, Hadana ma heysan Meel aan kala xiriiro waxan intaa badan ku jiray Raadinteeda

Balse Nasiib wanaag Maalin Maalmaha Aniga oo u socda Xaafadeedan, Ayaa waxay indhaygu qabteen dad ku xoonsana Duleedka Agagaarka goob Meherad ah oo ku taala degmada Shibis Ayaa waxay Indhaygu qabteen Samiiro oo dhexda kaga jirta dadkii Xoonsana, Aad ayaana u farxay Anigoo ku il-doogsanaya Quruxdeeda waxan ku iri ”Samiiro ii waran Abaayo?”, ”Nabad Aboowe Saacid iiga waran Xaaladaada Sow caadi maahan?” ayay tiri ”haa Abaayo” ayuu isna ug jawaabay.

Samiiro ayaa markaas tiri ”Ma iloobin aboowe Asxaankii aad hore ii gashay iyo dhiigii aad ii shubtay, anigoo dhaawac ah, markastana waan ku xasuustaa” Saacid ayaa marka yiri ”Abaayo waxaasi waa iska caadi ee adiga ayaan ku rabay. Waana ku imaanaya ee sidaa ula soco Ayuu Samiiro ku yiri, Samiiro ayaa iyaduna tiri ”Goorma Aboowe” ”Caawa iyo halka saac, goobtana waa gurigaaga ayuu ugu Jawaab celiyey, Halkaas ayaana la isku Macasalameeyay

Waxa la gaaray Waqtigii Ballanta, Saacid wuxuu soo beegsaday gurigii ay Samiiro ku nooleyd, in kastoo ay sii diiran u soo dhoweeysay hadana ma garan Ujeedada uu ka leyahay iyadana, isaguna wuxuu ku hawlanaa sidii uu bilaabi laha wuxuu damacsan yahay, wuxuuna tiriyay tixdaan

Macaaney Abaayo

Miisanka Caashaqa

Ma Ila Mataleysaa

Mise waad iga diiday

Maalmahaan Aduunyadu

Maba ii Macaanoo

Minankaan ku noolahay

Maba soo xasuustee

Midii aan arkaaba

Adigaan ku mooda

Macaaney iraahdaa

Markiba aan ku salaamana

Mid kaleeto noqotaa

Midigteyda qaba oo

Murugtaan iga saaroo

Meesha aan ku muteystay

I Marsii Abaayo

Intaas markii ay dhegaheeda ku dhaceen Samiiro aad ayay u Danqatay iyadoo soo xasuusatay Asxaankii uu u sameeyey Iyo Weliba dabeecaddiisa wanaagsan markaas ayay tixdan geeraarka ah jawaab celin uga dhigtay

Mar hadii aan maqlay

Muxibadaad ii qabtiyo

Muraadkaad ka hadashay

Mirahaaga Macaan

Maskaxdeyda gaaroo

Miirkeyga ma joogo

Miisaanka cashaaqa

Maantaan matalayaa

Macaanow sidoo kale

Muhshada Kalgacalka

Maankeyga doorashay

Mar hadaad igu beertay

Mudul xalaal ahaan

Mowle nooga tuuga

Inaan wada Mushaaxnoo

Marwadaada aan noqdoo

Midigtaada jiifee


La Soco Qeybta Dambe

5 Responses

  1. SHeekadaani waa shooko aad u cajiib ah balse waxaan kala saari wayaya,meesha wax ka dheceen MENS,BOSASO MASE MOGDISHO

    • Walaal Sheekada waxay ka dhacday muqdisho, balse qofka aay ku dhacday ayaan kula kulanay magaalada bosaso isaga ayaana noga waramay, marka wad fahamtay ayaan filaya …. waad ku mahadsan tahay su’aasha qiimaha badan

Comments are closed.