Labada Naadi ee Yurub Taariikhda Weyn ku leh, Waa Real Madrid Iyo Ac Milan ayaa caawa ka laga reebay Horyaalka Uefa Champions League, kadib markii Real Madrid Aay barbar dhac Gool iyo Gool ah la gashay kooxda Lyon ee dalka Faransiiska, Halka Ac Milana lagu dubtay geegida Old Trafford, Kadib markii Afar gool iyo Waxba loga guuleystay

Lyon ayaa hore gurigeeda uga soo guuleysatay Real Madrid, Waxana aay Ciyaartoodii hore ku dhamatay Hal Iyo Waxba oo guushu ku raacday Lyon, Balse Ciyaartii Caawa ka dhacday Santiago Bernabeu oo Kooxda Real loga fadhiyey Guul, ayaa taasi aysan Suurta gelin weliba iyada oo goolka la horumartay kadib markii u saxiixay Xiddigeeda Cristiano Ronaldo, ayaa hadana Xiddiga Miralem Pjalic Ciyaarta ka dhigay Barbardhac, Waxana u Yiri ”Real Madrid ha iska dhadhicina Guul iyo Ina u soo baxdan Wareega Sideeda Naadi ee Horyaalkan”
Manchester United oo hore iyadu kooxda Ac Milan ugu soo dubatay Garoonkoodii San Siro ayaa hadana ku marti soortay garoonkeeda Old Trafford, Waxana ay United kaga guuleystay Milan Afar Gool iyo Waxba, Waxana Xusid mudan in Afarta gool Labo ka mid ah u dhaliyey xiddiga Sanadkan ee Kooxda United Sidaa weyn uga dhex muuqda Waa Wayne Rooney-ee. labada kalena waxa u kala saxiixay Park J.S. Iyo weliba Darren Fletcher

Ciyaarta United waxa xiiso laha markii u Ciyaarta soo galay Xiddigii hore Ee United David Beckham oo isagu helay Taageero weyn iyo Sacab aad u fara badan markii u Garoonka soo galay

Haddaba Kooxaha Caawa soo baxay ayaa ah Lyon Iyo Manchester United iyada oo hore aay Habeenimadii xalay u soo baxeen kooxaha Bayern Munich Iyo weliba Arsenal, Waxana Habeenimadii Xalay Daaqada ka baxay kooxaha Foirentina Iyo weliba Fc Porto
Filed under: Uncategorized Tagged: | Kubad