Xuubsireed ayaa Ganafka ku dhuftay in uu la kulmo Madaxwayne Sheekh Shariif iyo Wafdigiisa uguna baaqay in uu iska casilo xilka Madaxwaynanimo
Madaxwayne Sheekh shariif iyo Wafdigiisa oo mudo laba maalmood ah ku sugnaa Magaalada London ayaan mar aan la xiriirnay xuubsireed uu inoo sheegay in aanu la kulmi doonin, Waxa uuna intaas raaciyay inuu aad uga xunyahay in Mansabkii Madaxwaynanimo meel looga dhacay, sheekh shariifna waxaa uu ugu baaqay in uu xilka uu ku magacaabanyahay deg deg isaga casilo
Waxay shaqadiisu ku soo dhamaatay ayuu yiri Xuubsireed in uu Alshabaab iyo Xisbu islaam wax ka sheego, oo hadba dalalka galbeedka mid lagu casumo si dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka dibadiisa ugu khudbeeyo in aanay Alshaab taageerin lagana ilaaliyo Masaajidada oo uu ku tilmaamay in wacdi taageero alshabaab ah ay ka soo dhagaystaan.
‘’Sheekh shariif ma ahan nin go’aan qaadasho leh waxa uuna lumiyay kalsoonidii beeshiisa, iyo kalsoonidii Goboladii waligood taagersanaa Dowlada Federaalka oo ay ugu horayso Puntlland State of Somalia’’.
Xuubsireed ayaa ku tilmaamay Dowlada Federaalka inay ka kooban tahay Gobolo iyo Beelo isu yimid oo Maamul wada samaystay, shakhsi walbaana uu matalayo ama beel ama Gobol oo uu markaa ka soo jeedo, Waxa uuna sheegay in Hogaankiisa siyaasada uu yahay Madaxwayne Abdirahmaan faroole, Mabaadii’diisa siyaasadeedna ay ka tarjumayso waxa u danta ah shacabka Puntlland iyo umada Soomaaliyeedba.
Sheekh Shariif iyo shakhsiyaadka ka agdhow dagaal cad oo siyaasadeed ayay ku qaadeen Shacabka iyo Maamulka Puntlland iyaga oo ka horyimid dhamaan hishiisyadii lagu gaaray Magaalada Gaalkacyo, Puntllandna waxay ka dhigeen suuqii bakaaraha oo subax walba madaafiicda iyo xabadaha lagu quraacdo.
Waxay diideen inay u aqoonsadaan Puntlland inay ka mid tahay Soomaaliya nabadna tahay, Soomaaliya oo idil dab inuu ka baxayo ayay dunida la wareegayaan, dhamaan goobihii gacanta ugu jiray Dowladii ka horaysay sheekh shariif gacanta ayay ka saareen, mana filayo ayuu yiri inay Puntlland albaabada u furi doonto Dowladan Sheekh Shariif