Sheekh Yusuf Maxamed Siyaad Indha cade Oo Xiligan Ah Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Dowlada Federaalka KMG ee Somaliya ayaa ka hadlay dil maanta loogu geystay Barre Cali Barre oo ka tirsanaa Saraakiisha Xizbul Islaam
Sheekh Yusuf Indha Cadde Ayaa Sii Kulul ugu Eedeyey Dilkaasi Xarakada Alshabaab Oo aay garab wadaag yahiin kooxda Maanta ninka Sargaalka ah laga dilay Ee Xizbul Islaam
“Arintaa waa midii Suuqa Bakaraha looga saaray Maxaakiimta Waana Cadahay in Alshabaab ay ka Dambeyso dilka Barre Cali oo ahaa nin la yaqaano waxana lagu dilay Maasjidka abu Hureera Agtiisa, marka Alshabaab Waa lagu yaqaanaa falalka noocaasi oo kala ah waana koox baneeysatay dhiiga Ummada Muslimka Ah” Ayuu Yiri Indha Cadde
Sheekh Yusuf Indha Cadde ayaa ugu baaqay kooxda Xizbul Islaam in ay la midoobaan Dowlada Federaalka ah mar hadii Alshabaab ay u Aqoonsatay koox Murtadiin ah sida uu hadalka u dhigay
“Xasan Daahir waxaan u Sheegayaa in uu Murtad ka yahay dhanka Alshabab oo dil lagu Xukumay Dowlada Federaalka Ahna Hore Ayaa Murtad loo dhahay marka iyaga lee Muslim ah ee Iska dhacsha ma soo gala Dowlada Somaliya si aad u badbadaan” Ayuu Yiri Indha Cadde
Hadalka Indha Cadde ayaa ku soo beegmaya Iyada oo Isla maanta u Falka dilka ah dhacay, Waxadna mooda in Indha Cadde la soo degdegay Hadalka u yeerida kooxda Sheekh Xasan Daahir Aweys Hoggaamiyo Ee Xizbul Islaam, Oo isaga Qudhiisu Waa Sheekh Yusuf Maxamed Siyaade u hore uga tirsana ka hor intaa uusan ku Soo Biirin Dowlada Federaalka KMG ee Somaliya