Maamul Goboleedka Puntland ayaa la filaya inu ku dhawaaqo joojinta Xukun Dil ah oo Bishii January 24-keedi aay ku Xukumeen Nin lagu Magacaabo Xuseen Maxamed Cali oo ka tirsana Sirdoonka Alshabaab, Ninkani ayaa la sheegay in Xukunkisa Dilka ah aay ka meer meeryso Madaxtooyadu inay Saxiixdo kadib markii logu hanjabay in weeraro iyo Dilal loo geysan doono qofkii Ninkan taabta ama Xaarijin gaarsiya
Gudoomiyahii Maxkamada Xukunka Fulisay oo lagu Magacaab Cabdinuur Jaamac ayaa la sheegay in loo soo Hanjabay, Sidoo kalena Madaxweynaha Puntland ayaa xiriir dhanka Telfoonka ah oo lagula soo Xiriiray loga digay Khatarta Iyo Caawaqib Xumida ka dhalan karta hadii ninkaasi la dilo, Waxana la sheegay inu Xukunka laga yabo inu Madaxweynahu ku bedelo Cafis Madaxtooyo madama aay soo food saartay Welwel Xoog leh
Ninka la sheegay inu ka tirsana Alshabaab ayaa la aqoon sidaa aay ku fasixi doonto Puntland madama Garsoorkoodu Muddo Laga joogo Labo Bilood in ku dhow Xukunkaasi fuliyey, Sidoo kalena Aan Wax Racfaan ah loo qadin Dambiilaha
Maamulka Puntland ee Xiligan talada haya ayaa u muuqda mid Alshabaabka Muqdisho sii toosa uga Amarqata Shacabkana aan Wax dan ah u heyn, Ahna mid Awoodisi ku soo Ururtay Magaalada Garoowe Iyo Bosaso Intaa kele degaanada Puntlandna u muuqdan kuwa Farahooda ka baxay oo aan Qabasho Xiligan laheyn