Kooxaha Burcad badeeda Somalida ayaa gacanta ku dhigay Dooni kaluumeysi oo laga leyahay Wadanka Spain taasi oo ku goosheysay Calanka Wadanka Kenya, Waxana Kooxaha Burcad badeedu la sheegay inay ka soo Afduubteen Doontan iyada oo Mareysa Badweynta Hindiya, Sida aay Sheegen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda Ee EU-da Waxa Doontan la afduubtay loola dhaqaaqay Dhanka Xeebaha Degmada Xaradheere oo Xiligan noqotay Halka Hooyga u aha kooxaha Burcad badeeda Iyo Doomaha aay afduubtan
Doontan ayaa lagu magacaaba Mv Sakoba, Waxana Saarna Kabtan u Dhashay dalka Spain Iyo weliba 15 Shaqaale ah oo u kala dhashay Wadamada Kenya, Poland, Senegal, cape Verde Iyo Namibia
Kooxaha Burcad badeeda ah ayaa Maraakibta aay Afduubtan mar kasta Weydista lacago Madax Furasho ah