Dacwada Cali Samatar Waa Mid Diciif Ka Dhigaysa Xasuusta Taariikhdii Xasuuqii Somaliland

Waxa bar yahan danbe ama muddo dheer socotay Maxakamad iyo dacwad ku socota gacan ku dhiigle Cali Samatar hadaba Ayada oo wadanka uu ka dhacay afo colaadeed oo la xuso hadana waxa Somaliland oo la soo labatay xoriyadeedii luntay 1960 dhamaadkii dhib aad ubadana loo soo maray hadaba waxaas oo dhan waxan uga socdaa aniga iyo dadka fakarkanila qaba in qaabka ama hanan ka loo marayo dacwada Cali Samatar Ay tahay mid qaab qaldan racaysa waa waa jib in Maxakamad dil ah la soo taago wax kasta oo xasuuq gaystay, wakhtigii Rijmiigii ama Dowladii malatariga ahayd ee Siyaad barre dowladaas oo ahayd cadow Somali baa ba’shay dadka Afsomaliga ku hadlana dhamaan maanta halkaa ay tagan yihiin dhigatay waa dowladii Siyad barre, Hadaba raga daba socda ama ku daba jira Cali samatar waxan kula talin lahaa in ay Saxafada u sheegaan in daba galka iyo dacwadu anay sidaa ku hadhayn ee ragg badan la daba socdo oo ilaa 400 boqol oo sarkaal gaadhaya

Sidoo kale Waxan kula talin laha Xasuuqa in an lagu koobin Magaalada Hargeysa ee la xasuusnaadaa kii ka dhacay Berbera 1988 iyo kii Burco 1984, Ragii madax da iyo ganacsatada ahaa ee indha deero iyo koofiyad dheere ka badbadeen, intii kale dhagta dhiiga loo daray, iyo xasuuqii Berbera ee dadka carabta laga soo masaafurshay ee iyaga oo an war hayn la laayay, iyo dadkii shacabka ahaa ee degmada Ceel-Afwayn dhagta dhiiga loo daray iyo xasuuqii Malatariga Siyad barre ka gaysteen dagmada Balidhiig 1983 ilaa wareerkii 1989 ee Balidhiig waxii carariwayaba ciidamadu toogteen iyo ciidankii daganka gobalka Oodwayne oo cagta marshay deeganka galbeedka Burco oo an qof kii dhaqaqaba u ab yeelijirin 1988 iyo dagmada Durukhsi oo Shacab kii daganaa si ula kaca u layn jireen ciidankii Siyad barre

Waxa kale oo iyana an la ilaabi karin ciidankii marayay lamigaa dheer ee Burco ilaa Laascanood ee dadka xoola la jooga ee Shacabka ah gowracayay, maha in Aaduunkii waxaas oo dhan ka dheceen ee 400 oo danbiile joogan in cabashada wadanka laga dhigo Hargasa oo qudha waa wax Tariikhda wax u dhimaya waa Tariikhda Qaranka iyo Ummadan oo shaqsiyaad wax qoraa daah sarayaan maha waxa masuubo iyo xasuuq wadanka ka dhacay in lagu sheego Hargaysa oo kaliya waa godob Tariikheed iyo wadanka oo Milgihiisa xasuuseed la kala dhantaalayo, waxan odhan lahaa qolyaa wax qora ama Tariikhda cusub qoraya hadii aad masaxdaan Tariikhda qaar ama xasuuqa qaar waxa qarsoomaysa Tariikhdiina oo lama reebo tariikha hadii aad qora tahay ama Saaxafi markaa qoladaa daba socota danbiila Cali Samatar waxan leeyahay ha kala dhantaalina Tariikhda Iyo xasuuqa wadanka ka dhacay waliba hadii aad wax baadhaysaan waxa jira rag badan oo wax xasuuqay hadana wadanka ku sugan Takale dowladu waa ka gaabisay dabagalka madax dii dadka gumaaday wakhtigii Siyaad barre hadaba waxa an ku adkaysanayaa in la xuso Tariikh badan oo wadanka kadhacday qof kuna hadii anu xog badan hayn maha in uu is ku dayo in uu dhacdo wadan dhan tuurta u rito, wax ka qorkeeda wana hada sida ay sameeyaan rag badan oo wax qoraa ujeedada an u dan leeyahay Waa in an dhacdada xasuuqa la gu koobin Hargaysa ee meelo badan xasuuq ka dhacay, Tariikhda wadanka waxa dayacay Sarakiisha SNM madaxda SNM baa tacabka dadkii dhintay iyo kuwa noolba dayacday


Wabilahi Towfiiq

Saleebaan Maxamuud Dhiidhi

2 Responses

  1. ASC,marka hore waxaan dhamaan salaamayaa umada ku hadasha afka somaliga meelkastoy joogaan,mida kale waxaan wax ka dhihi la,haa arintan G: Samatar ee la soo maxkamadeeyay in ay tahay waxba kama jiraan ,waayo Samatar wuxuu ka tirsanaa dowlad dalka difaacaysay ,dowladna hadii la soo hujuumo wixii soo hujooma ayaa denbiga iska leh ,isagana keligii ma ahayn dowlada oo keliya ee waa loo wada dhamaa ,tusaale ahaan dadka maanta ka taliya Somaliland wey ka tirsanaayeen dowladii kacaankii,sidoo kale kuwa ka ka taliya Putuland wey ku jireen dowladii kacaanii ,maxaa keenay maanta in la takooro ninkii ugu qabiirsanaa xaga meleteriga iyo aqoonba ahaan ,anigu waxaan qabaa in ayna ahayn cadaalad dacwadan lagu soo oogay G:Samatar ee ha la radiyo dad badan ayaa u baahan in la saaro maxkamad ,sida C/Laahi Yuusuf,Daahir Riyaale,Qaybdiid,Cisamaan Caato,iyo saraakiil ka tirsan dowladku sheegta Somaliland iyo dowlad ku sheegta Putuland iyo weliba kuwa isku sheegaya .Al-shabaab,xisbul islaam, iyo weliba kuwa ku daba gabanaya diinta islaamka ah .Wabilaahi towfiiq:

  2. ASC,marka hore waxaan dhamaan salaamayaa umada ku hadasha afka somaliga meelkastoy joogaan,mida kale waxaan wax ka dhihi la,haa arintan G: Samatar ee la soo maxkamadeeyay in ay tahay waxba kama jiraan ,waayo Samatar wuxuu ka tirsanaa dowlad dalka difaacaysay ,dowladna hadii la soo hujuumo wixii soo hujooma ayaa denbiga iska leh ,isagana keligii ma ahayn dowlada oo keliya ee waa loo wada dhamaa ,tusaale ahaan dadka maanta ka taliya Somaliland wey ka tirsanaayeen dowladii kacaankii,sidoo kale kuwa ka ka taliya Putuland wey ku jireen dowladii kacaankii ,maxaa keenay maanta in la takooro ninkii ugu qabiirsanaa xaga meleteriga iyo aqoonba ahaan ,anigu waxaan qabaa in ayna ahayn cadaalad dacwadan lagu soo oogay G:Samatar ee ha la radiyo dad badan ayaa u baahan in la saaro maxkamad ,sida C/Laahi Yuusuf,Daahir Riyaale,Qaybdiid,Cisamaan Caato,iyo saraakiil ka tirsan dowladku sheegta Somaliland iyo dowlad ku sheegta Putuland iyo weliba kuwa isku sheegaya .Al-shabaab,xisbul islaam, iyo weliba kuwa ku daba gabanaya diinta islaamka ah , Gen Samatar wuxuu ahaa qof difaacayay jititaanka somalia, oo waqtigan xaadirka la waayay dowlad dhexe oo ka aramisa gudaha somalia,Gen Samatar wuxuu ka hor joogay wadanaka cadaowgii Ethiopi maantana waa lawada ogsoonyahay sida ay wadanka u gelayaan oo aanay rabin in ay ka dhalato dowlad dalka somalia oo weliba ay ka aramiso waqooyiga iyo bariga somalia ,Gen Samatar iyo M Siyad Bare allaha u naxariistee siyaade waxay ahaayeen kuwo dalkooda jeclaa ,maantase waxaa soo baxay hogaamiyayaal dalka iibiyay iyo badahii qaranka ee waxaan dhihi lahaa somali dib ha isugu tashato hana laga waantoobo nin keliya ayaan maxkamad soo taageynaa ,kuwii dowladii kacaankii ku jiray ayaa ka buuxa USA maxaa kuwaa loo qbsanwaayay ,anigu waxaan u arkaa in ay tahay isir kala sooc aan diinta meel ka soo gelin:

    Wabilaahi Towfiiq:

    C/Karaiin Diiriye

Comments are closed.