Wiil Waal Iyo Wiilkii U Abtiga U Ahaa
”Geel Xoolo Wuu yahay, Arina Xaas Wuu yahay Farasna Xarago Wuu yahay”
Wiilwaal wuxuu aha nin Geesi ah, Boqor ah, Caaqil ah Sidaa darteed, dadka Geesiyaalka ah ee caqliga badan wuu jeclaa Wuuna Necbaa
Sidaa Awgeed dadka isaga u xukumo ama Xididka Xigtada ay yihiin wuxuu jecla inay noqdaan dad wada Geesiyaal ah oo wada caqli badan, inkastoo uu ka baqi jiray in Xukunkaa uu ka qaadi doono nin Geesi ah oo caqli badan. Sidaa Awgeedna dadka Geesiyaasha ee caqliga badan il gaar ah ayuu ku eegi jiray
Maalin Maalmaha ka mid ah Ayaa waxa la yiri ”Wiilwaalow” inantii Walaasha aheyd waxay dhashay Wiil Doqon ah, oo adiga aan ku Raacin, Waana kuu ceeb maanta in wiil Calle ah oo Wiilwaal baa Abtigay ah leh inuu dunida joogo” Wiilwaal arrintaa aad buu uga xumaaday wuxuuna u arkay dhaawac weyn soo gaari karo Haybaddii u dadkiisa ku dhex lahaa, Hase yeeshee wuxuu go’aan ku gaaray inuu Warkaas Hubsado, oo u aado wiilkii IYo walaashii Dhashay ee u abtiga u ahaa sii u caqligiisa u soo tijaabiyo
Markiiba Faraskiba intuu kooraystay ayuu waddada cagta saaray, dhinac kale wiilka uu Wiilwaal Abtiga u aha Isma aanay arag Weligood, ilaa intii uu ka qaangaaray, Markastana Hooyadii wuxuu ku oran jiray Hooyo Maalin Un maad abtigay i Tustid intaa ifka wada joogno, Hase yeeshee hooyada oo iska Mashquulsaneyd iyo reeraha oo kala fogaa darteed codsigaa waayo badan wuu fuli waayey
Waagi dambe markii wiilkii uu Hooyadii ku wareeriyey ”HOOYO ABTI MAD I TUSTID” ayaa waxay tiri ”HOOYO ANIGU KUMA RAACI KARO OO JILIB XIRAN BAAN AHEE EE ABTIGAA WAAN KU TILMAAMAYAAYE AAD” intay faraskiisi u heenseesay ayey jidka ku soo riday lana dardaarantay una sheegtay in abtigii tilmaamihiisa kuna toosisay tubtii uu u mari lahaa, Wiilkii wadada ayuu ku soo dhaqaaqay isagoo maanka ku haya in maanta abtigii u la kulmi doono, Haseyeeshee wax yar kadiba waxay isaga hor yimadeen meel dhexe oo labadii reerood u dhaxeysa, Wiilwaal oo aha nin fiiro dheer ayaa markiiba hubsaday wiilkani yahay Wiilki la sheegayey ee u abtiga u ahaa, Wiilkii Qudhiisa wuu maleeyey, Hase yeeshee uma hubneyn
Markiiba Wiilwaal Wuxuu bilbabay Isagoo isu sheegin inuu garaadka Wiilk u abtiga u yahay Tijaabiyo, Wuxuuna ku yiri ”WARYAA XOOLO MAXAD KA TIMID, OO XAAS MAXAAD KA TIMID , OO XULQUUN MAXAD KA TIMID, OO XARAGO MAXAD KA TIMID, OO XIL MAXAAD KA TIMID” Wiilkii ayaa ugu Jawaabay ”XOOLO WAXAAN KA IMID BOQOL NEEF OO GEEL AH, XAASNA WAXAAN KA IMID LABA BOQOL OO RIYAAD, XULQUUN WAXAAN WAXAN KA IMID BOQOL NEEF OO IDO AH, XARAGO WAXAN LA IMID FARASKAN AAN KU JOOGO, XILNA WAXAAN KA IMID ANIGA IIYO XIDIDKAY OO WADA YAAL”
Wiilwaal baa intuu qoslay yiri ”XAASHA EE BEEN BAY II SHEEGEEN” adiga iyo Doqonimo way kala fogtahay. ”GEEL XOOLO WUU YAHAY EE DADKAAGA KU DHEX DHAQO CAANAHIISANA HAKULA DHAMEEN, DHICIISNA HAKUULA GURMADEEN, ARRINA XAAS (Riyana Xaas waa Yahiin, NAQ DAMBANA HA HELEEN NAAG WANAAGSANA HA ILAALISO, IDANA XURQUUN WAA YAHIIN DOOXNA LA OGOW, DEYR DHALKANA KA OGOW, FARASNA XARAGO WUU YAHAY KU JOOG AMA KA JOOG, XIDIDKAANA WAA XIDID KULA YAALE KALA OOD FOGAADA” Halkii ayuu isugu sheegay oo Wiilwaal ku kaxeeyey inankii uu abtiga u aha gurigiisina ku geeyey dhowr Toddobaadna uu ku Marti qaadnaa
Filed under: Uncategorized Tagged: | SHEEKO
Wiil Waal Iyo Wiilkii U Abtiga U Ahaa