Bayaankuu kulankii beesha Cayr ee Dalka Australiya

Beesha Cayr ee dalka Australiya oo kulamo in mudo ah ayku lahaayeen halkaasi ka soo saartay qodobo muhiim ah kuna baaqay in siwada jir ah looga hortago kuwa waxmagaradkaa ee u adeegaya cadowga Tikreega

Beesha Cayr ee iyagu ku dhaqan Dalka Australiya ayaa kulamo ay halkaasi ku lahaayeen maalmihii la soodhaafay waxey uga arinsanayeen xaalada siyaasadeed iyo nololeed ee ka jirta Gobolka Galgaduud iyagoona kulankaasi ka soo saaray qodobo aad u muhiim ah.

Kulanka oo ay soo abaabulen waxgaradka beesha iyo dhalinyarada (Galgaduud youth) ayaa waxaa leyskula meel dhigay oo leysku raacay in gabi ahaanba ay beeshu ka soo horjeedo oo aysan raali ka aheyn kulanka dhowaantan ka dhacay Dalka Itoobiya oo la sheegay in maleyshiyaadka Suufiyada sheegta iyo Dowladda KMG ah halkaasi ku dhexmaray.

Dhinaca kale waxaa iyana leysla jeexjeexay oo si weyn loo falanqeeyey xaalada hada ay ku sugan yihiin Shacabka ku nool Gobolkaasi iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha dhibka badan ee halkaasi ka jira.

Waxaa iyana sidoo kale ay ka dhawaajiyiin ka soo qeyb galayaashii kulankaasi in beeshu meel walba oo ay joogto ay si isku mid ah uga soo horjeestaan kuwa u adeegaya Cadowga Islaamka iyo kan umada somaliyeed oo dhulka Beesha usoo horkacaya Tigreega Itoobiya.

Waxaan marnaba shaciku jirin in kuwa maanta dadkaasi maatadaa ku soo hogaaminaya Itoobiyaanku aysan marnaba wax dan ah uhayn shacabka Somaliyeed iyo kuwa Gobolka Galgaduud toona marka waa in lalayimaadaa Mabaa’dii mideysan oo leysaga Dhiciyo kuwaasi beeshuna waa in ayka midowdaa arinkaasi.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa halkaasi Bayaanka kii shirka ka soo baxay ka aqriyey Dr,Cismacil Xaaji Abuukar isagoo marka hore siweyn ugu mahad celiyey Waxgaradkii kulankaasi ka soo qeyb galay iyo Galgaduud Yuoth oo iyagu isku soo duba ridey kulankaasi kadibna wuxuu aqriyey bayaankii oo sidaan u qornaa.

1)Waxaa dhamaan waxgaradka iyo dhalinyarada kulankaani ka soo qeyb gashay ay siwada jir ah u canbaareynayaan kulanka beentaa oo xaaraanta ku dhisan oo dalka Itoobiya ay ku yeeshen kooxaha sheegta Ahlu-Suna Awljameeca iyo kuwa sheegta Dowladda KMG ah oo aan dhamaantood wax dan ah uheyn Shacabka Soomaliyeed.

2)Beeshu Waxey Sibuuxda isugu raacday in meel looga soo wada jeesto kuwa shacabka ku soo hogaaminaya cadowga Itoobiya si ay ugu gaaraan wax ay iyagu dan u arkaan laakiin aan wax faaiido ahi ugu jirin.

3)Waa in Wada hadal ku saleysan nabada iyo Amaanka lala galaa Xoogaga Islaamiyiina ee iyagu hada ku sugan qeybo kamid ah Gobolka sida Xarakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam.

4)Waa in Gargaar deg deg ah lala soo gaaro shacabka ku nool Gobolka Galgaduud oo ay abaaraha iyo Colaaduhu ku habsadeen siloo badbaadiyo Inta hada dhiman loogana hortago in aan dagaal danbe ka dhicin Gobolkaasi.

5) Waxaan ugu baaqeynaa Kooxaha sheegta Ahlu-Suna Waljameeca in ay isaga baxaan Gobolka oo ay kukala noqdaan deeganadii ay kala yimaadeen hadii kale wixii cawaaqibxumo ah ee halkaasi ka yimaada iyaga ayaa qaadi doono.

Wabilaahi Tawfiiq.

Afayeenka Beesha Cayr ee Dalka Australiya

Dr. Cismacil Xaaji Abuukar

2 Responses

  1. war wanaagsan oo qiimo badan ayaa beeshu ku dhawaaqday waxaana leenahay jasaakumulaah kuna sii booroya qolyaha kale ee aad ood wadaaga tihiin

  2. hawiye dalkii idiinka burburshay ee dadka iyo dalka u naxa oo dhibaatada ka joojiya maalinba shaati umada soomaaliyeed ha u soo xiranina

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers