Suuqii Bosaso Oo Xirmay

Magaalada Bosaso ayaa maalinti labaad maanta waxa xiran dhamaan goobaha ganacsiga kadib markii ay Ganacsatadu ku dhawaaqen Shaqo joojin, Iyaga oo sheegay in Wasaarada Maaliyadu ku soo roogtay Canshuur xad dhaaf ah, Ganacsatada ayaa sheegay in Cashuurta Xiligan lagu soo rogay aysan aheyn mid macquul ah oo la aqbali karo waxayna sheegen in aay Afar jibaar ka badan tahay midii hore loga qadi jiray

Dowlada Cabdiraxmaan Faroole ayaa tan iyo markii la doortay sii weyn sare ugu qadeysay Cashuuraha, waxana ilaa hada Shacabka danyarta ah ka caban Cashuurtan Xad dhaafka ah ee laga qadayo oo aay qeybtood sheegenba inaysan awood karin bixinteeda

Ganacsatada ayaa sheegen inaysan furi doonin goobaha ganacsiga ilaa wax laga qabto Cashuurahan xad dhaafka ah ee laga qadayo

”Anagu waxan nahay Ganacsatada wax kala soo degta Dekeda Bosaso, Waxa nalaga qada Ilaa Saddex Cashuurood intaa aanan Bakhaarada la soo gelin Xoolaheena, Sidoo kale hadii aan kala baxno magaalada waxa nalaga qada Cashuur oo Isbaaro kasta waxa bixina Cashuur intaa oo dhan anaga oo ogol ayaa hadana nala leyahay Cashuurta wax ku dara oo bixiya mid dheer wixii hore naloga qadi jiray tii hore ayaanba qaadi kari weynay ma awoodno inaan bixino mid ka sii badan, waayo awoodena maba ahoo” Ayuu yiri Ganacsade ka gabsaday in magaciisa la xuso oo ku sugan suuqa Bartamaha magaalada Bosaso

Cabashada Ganacsatada iyo Shaqo joojinta aay ku dhawaaqen ayaan la aqoon sidaa aay wax uga bedeli doonto Dowlada Cabdiraxmaan Faroole oo iyadu tan iyo markii aay Maamulka Puntland aay la wareegtay woday Cashuur kordhin iyo Cuno qabashada Ganacsatada Reer Puntland oo ah iyagu kuwa Shacabka intaa badan aay ku tiirsan yahiin ahna kuwa aya ku dhisan tahay Dowladu

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers