Galaal Oo Ku Eedeyey Maxamed Cali Samatar Inu Xadgudubyo Ka geystay Somaliland

Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya ayaa isagoo ku sugan gobolka Galgaduud waxa uu sheegay in Jen. Maxamed Cali Samatar Wasiirkii Gaashaandhigga dowladdii dhexe ee Soomaaliya uu qeyb ku lahaa sida uu yiri xadgudubyadii ay ciidamadii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ka geysteen Gobollada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya, kuwaasoo Haddana Loo yaqano Somaliland

Jenanka ayaa sheegay inuu isagu ogaa Maxamed Cali  Samatar oo leh anigaa bixiyay amarka ay ciidamada dowladdu ka wadaan Gobollada Waqooyi, wuxuuna intaasi ku daray inuusan shaki ku jirin in ciidamadii Soomaaliyeed ee xilligaasi ay xadgudubyo ka geysteen gobollada W/galbeed ee Soomaaliya, isla markaasna diyaaradihii Soomaaliya ay duqeeyeen magaalada Hargeysa iyo goob kale oo ku yaala gobolladaasi.

“Waxaa dadkaasi dhibaatada lagu waday ilaa xudduuda Itoobiya oo carruurtii iyo Haweenkii lagu qasbay inay u cararaan dalka Itoobiya” ayuu yiri Jen. Galaal oo intaasi ku daray inay mamnuuc tahay in la dhibaateeyo dadka shacabka ah ee aan dhibaatada wadin.

Galaal waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyay xoogaggii SNM-ta ee ka soo horjeeday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay iyaga qudhooda qalad galeen markii sida uu yiri ay xabbado ka soo rideen xaafadihii dadka shacabka ah deganaa, taasoo sababtay buu yiri in meelaha ay xabbadaha ka soo ridayaan ciidamadu beegsadaan.

“Markii aan Itoobiya la dagaalannay ma aanan taaban dadka shacabka ee Itoobiyaanka ah, meel kasta oo adduunka ahna waa sidaasi, waana mamnuuc in la taabto dadka shacabka ah” ayuu yiri Jen. Galaal oo dhinaca kale sheegay inay jiraan saraakiil kale oo ka mid ahaa Xukuumaddii Maxamed Siyaad oo dambiyo lagu eedeyn karo galay, kuwaasoo uu ka mid yahay Axmed Saleebaan Dafle oo ka mid ahaa shantii golaha sare ee Kacaanka, wuxuuna ku eedeeyay in xilligii uu madaxda ka ahaa nabadsugidda ay ciidamadiisii dhibaato xoog leh ay dad badan u geysteen, wuxuuna intaasi ku daray inuu ku lug lahaa xasuuqii Jaziira, sida uu yiri.

Janaraalka ayaa sidoo kale la weydiiyay Mowqifkiisa ku aadan Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, wuxuuna sheegay inuu isagu la dagaalsan yahay labadaasi kooxood, wuxuuna sheegay inuu ka soo horjeedo labadaasi Urur

Somaliweyn Media Center

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers