Faarax Xooshle ”Mas’uul Kasta Waxa U la Soo Baxsada Cashuurta”

Duqa degmada Bander Bayla ayaa Eedeyn dusha uga tuuray Mas’uuliyiinta degmada Qaar ka tirsana oo u Sheegay inay lacagtii Cashuurta la soo baxsadeen isla markana aay Magaalada Bosaso u soo carareen, Duqa degmada Bayla Md. Faarax Axmed Xooshle oo la hadlayey Qaar ka mid ah Idaacadaha Maxaaliga ah Ayaa sheegay in Raggaasi Cashuurta Ummada la soo baxsaday aan waxba laga qaban Isla markana Aay magaaladoyiinka ku dhexjiran, Waxa u sheegay In dowlada Faroole aay Waajib ku tahay in ragga Hantida Ummada Dhacaya uu wax ka qabto

Gudoomiyaha Degmada ayaa sidoo kale Sheegay in Roobab lagu diirsaday aay ka da’een Degaano hoos yimada degmada Bayla in kasta oo aay Magaalada Roob weli ka da’in, waxa u sheegay in Dadku aay ka cabana Abaaro, Balse xiligan aay u muuqan doonto in Abaaraha l aga bixi doono, Mar hadii aay Bilowdaan roobabku

Sidoo kale Faarax Xooshle waxa u sheegay in Amniga Degaanku yahay mid xiligan Wanaagsan, oo aaysan Dhibaato ka jirin Degmada Bender Bayla

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers