Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Guddoomisay shirka Golaha Wasiirradda Arrimaha Dibadda ee Carabta. Waa markii ugu horreysay tan iyo burburkii Qaranka Soomaaliyeed 1991, ee ay Soomaaliya qabato xilkaasShirka golaha jaamacadda Carabta oo ah kii 133aad ayaa ka furmay magaalada Qaahir ee waddanka Masar
Furitaankii Shirka ayaa waxa la qabtay munaasabbad xil wareejin ah oo wasiirka arrimaha dibedda ee Syria Waliid al-Mucalim uu ku wareejiyay shir guddoonka golaha jaamacadda Carabta wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Hadal uu ka jeediyay munaasabadda ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ka waramay dhibaatooyinka ka jira waddamada Carabta, gaar ahaan xiisadaha ka taagan wadamada Yemen, Soomaaliya, Suudaan iyo Ciraaq
Shirka ayaa waxaa ka qeygalaya 19 wasiir arrimo dibadeed oo ku bahoobay ururka jaamacadda Carabta iyo Wasiirka Arrimaha dibedda ee Turkey Axmed Daa’uud
BBC Somali